Qaar Ka Mid Ah Madaxda Afrika Oo Qaadacay Shirka Maanta Furmaya Ee AU–EU

0
474

Picture4Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha qaaradda Afrika ayaa qaadacay ka qayb galka shirka maanta wadanka Beljamka uga furkaya Midowga Yurub iyo Midowga Afrika, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada qaaradood.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee qaadaca shirkaas. War rasmi ah oo ka soo baxay Koonfur Afrika ayaa lagu sheegey in Zuma aanu ka qaybgelyn shirka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika u furmaaya, waxaana beddelkiisi tageysa gabadha ah Wasiirka Iskaashiga iyo xidhiidhka Caalamiga Maite Nkoana-Mashabane. “Waxaan naloo sheegayaa cidda imaanaysa shirka iyo cidda aan imaan karin, waa qalad waxaan nahay dowladdo siman oo laba qaaradood kala metalaya, maaha xiligii mid ay u go’aamin lahayd tan kale waxay rabto.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Koonfur Afrika.

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa isna cadeeyay  in aanu shirkaas ka qaybgalayn, sababtuna waa xaaskiisa oo dal ku galkii Biljimka loo diidey, waxaana ay ka mid tahay dalal Midowga Yurub ay go’aansadeen inaanay soo geli karin Midowga Yurub. Mugabe ayaa ka cadhooday talaabadaas, waxaanu cadeeyay inaanu ka qayb geli doonin shirkaas.

 

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa shirka u diidey in ay ka qaybgalaan waddan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobeyba dal ahaan u aqoonsan yahay kaas oo ah Sahrawi Arab Democratic, waxaana Midowga Yurub ku raaligelinayeen arrintan dalka Marooko.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa casuumey dalka Masar oo si kumeelgaadh ah looga saarey Midowga Afrika.

Wadanak Suudaan ayaan isna lagu casuumin shirkaas, maadaama oo ay maxkamadda ICC ee caalamiga ahi raadinayso madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir. Sidoo kale hoggaamiyaha Ereteriya Isiyas Afawerki ayaan isna shirkaas lagu casuumin, isagoo ay Midowga Yurub ku eedeeyeen inuu ku tunto xuquuqda bini-aadamka.

 

Si kastaba ha ahaate, shirkan ayaa waxa soo waajahay caqabado dhawr ah, waxaana lagu naaqishayaa  Maalgashiga iyo Iskaashiga ganacsiga ee labada qaaradood.