Qaar Ka Mid Ah Dhakhaatiirta Oo Dhaliilay Wasaaradda Caafimaadka Iyo Jawaabta Wasaaradu Ka Bixisay

0
488

Hageysa-(Geeska)-Qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Somaliland ee Wasaaradda Caafimaadka, ee hadda ku shaqeeya Barnaamujka Internship, ayaa sheegay inay Wasaaradda Caafimaadku xilkii iyo masuuliyaddii ka saarnaa ay ka soo bixi weyday, oo aanu barnmaajikani, sidii loogu talagalay aanay uga soo bixin,kana gudan sidii ay Hay’addii markii hore mashruucan gacanta ku haysay ugu wareejisay,  muddo lix bilood ahna aanay haba yaraate Wasaaradda Caafimaadku siinin gunooyinkii ama kharashadkii loogu talagalay.

Dakhaatiirtan oo Jaamacaddaha dalka ku yaala ka soo qalan jabiyey ah dhallinyaro, oo Shir jaraa’iid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa Xukuumadda fariin u diray, gaar ahaan Madaxweynaha, waxayna ugu baaqeen in cabashadooda ama tabashadooda wax laga qabto, waxayna sheegeen marar badan Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ay la hadleen, balse waxba loo qaban waayey.  

Dr Axmed Maxamed Cabdilaahi Riiraashe, oo ka qalan jabiyey Jaamacadda Hargeysa, oo ugu horeyn halkaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaanu nahay Dhakhaatiir loogu talagalay inay galaan Barnaamuj la yidhaahdo Internship, waana mashruuc loogu talagalay in Dhakhaatiirta soo qalin jabisay ay ugu shaqeeyso dalka,si ay dadka ugu shaqeeyso waxa laga haystaa shahaadada, haddaba waxa is weydiin leh maxaa fashiliyey ma waxa laga maarmay dhakhaatiirtii, run ahaantii hadaad eegtid warbixinta ay Wasaaradda Qorsheyntu soo saartay waxaad garanaysaa waxa loo baahan yahay siddeed kun oo dhakhtar Somaliland oo dhan kaafiyo, Somaliland 8000 oo dhakhtar ayey u baahan tahay si looga maarmo dhakhtar la’aan laakiin nasiib daro taas lama gaadhin oo dhakhaatiirta wadanka joogta bari ilaa galbeed afar boqol ma gaadhaan, iyadoo ay sidaas tahay waxaad haddana arki kartaa, oo Gobolada Magaalada ka baxsan aragtid, waxaad arkaysaa Hooyo umul raac u dhimanaysa, Adduunkana hooyo umul raac u dhimanaysa ma arkaysid, waxaad kale aad arkaysaa ilma yar oo u dhimanaya xanuun yar oo basiid ah, oo aad u fudud, sababta ay taasi u dhacdayna waxa weeyaan Wasaaradda oo qorshe aan ka lahayn Dhakhaatiirtii Wadanku u baahnaa inay iyadu hawl-galiso”.

Dr Maxamed Axmed Kaahiye oo isna ka soo qalin jabiyey Jaamacadda Caamuud ayaa yidhi “Waxa loogu talagalay oo Wasaaradda Caafimaadku ugu talagalay in hal sanno in Dhakhaatiirta gacanta lagu hayo, lana tababaro iyana ay tababar korodhsadaan, dadkana u shaqeeyaan, barnaamujkani wuxuu bilaabay 2007-dii, waxaana gacanta ku haysay Hay’adda Teath, waxayna ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Caafimaadku muddo wey soo waday, laakiin waxaan sheegayna inay Wasaaradda Caafimaadku arintii ku fashilantay,ayna wadi kari weyday”.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo isna ka qalan jabiyey Jaamacadda Golis ayaa yidhi “Cida ka sareeysa ama igaday Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu sheegayna in shaqadii loo igmaday qayb ka mid aanay qaban, haddii ay dadku u arkaan inay shaqadu si fiican u wadato, Wasaaradda Caafimadku shaqadeedu waa inay Caafimaadka Wadanka dhammaantii kafaalo qaadato”.

Dhinaca kale Wasiirul dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Aadan Jaamac Galaal oo isna aanu wax ka weydiinay waxa ka jira cabashada Dakhaatiirta ayaa yidhi “Haddii lacag loo waayo qofkii wax barayey la siiyo, maaha in intershipkii la joojiyey, Dunida meel kastaba siday intershipku uga shaqeeyaan, oo umaddooda ugu shaqeeyaan, oo iyaguna wax ugu faa’iidaystan, waxna uga korodhsadaan ayaa la doonayaa, haddii aanu wada hadalno Dakhaatiirta, waxaan aad iyo aad ugu rajo weynahay in aanu is fahmi doono, madaama laga duulayo meel danta qaranka iyo mustaqbalkooda waxaana ugu baaqayaa inay Xafiiskayga la soo xidhiidhaan, oo aanu xalino wax alaale wixii ay tabanayaan, laakiin imika xogta aan soo ururiyey ee Wasaarada gees ilaa ka gees lacagta waa la keenay, ee iyaga diiday”.