Qaar Ka Mid Ah Ardayda Reer Gabiley Oo Mudaharaad Sameeyay Iyo Salaadiinta Gobalka Oo Ka Hadlay

0
492

Picture6Gabilay(Geeska)-Mudaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay degmada Gabilay ee gobalka Gabiley, isla markaasna waxa ay khasaare u gaysteen dhismayaasha maxkamadda,wasaarada maaliyada,wasaarada beeraha iyo xarunta dawlada hoose.

Mudaharaadkan oo ay ku burbureen gaadiid iyo xarumo kuwa dawlada ah ayay ciidamaddu kala kaxeeyeen ardaydii mudaharaadaysay. Mudaharaadka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamaddu ay isku dayeen inay xidhaan macalin quraanka ku dhiga laba qol oo dawlada hoose ay doonaysay inay ka saarto malcaamadaas.

Maamulaha dugsiga sheekh Muxumed Warsme  Cabdiwahaab Daahir Cismaan oo warbaahintu mudaharaadkaas wax ka waydiisay ayaa isagu dhankiisa yidhi“Anigu ujeedada iyo sababta uu u dhacay mudaharaadku ma garanaayo, ardayda sidaanu wax ugu dhigaynay ayaanu sii daynay markii ay gaadhay wakhtigii nususaacaha, markii ardaydu baxdayba waxaanu maqalnay rasaasta dhacaysa oo markii danbe ka sii dartay, waxaanu ognahay uun in tobankiiba nususaacii ay xabadaasu bilaabmatay.”

Suldaan Ibraahin Jaamaca Samtar oo warbaahinta mudaharaadka kula dhex hadlay ayaa isaguna yidhi“Goobtan aanu joognaa waa dugsigii hoose dhexe  ee sheekh Muxumed Warsme oo ah halka rabshadu ka dhacday ee ay iskaga hor yimaadeen booliska iyo ardaydu, magaaladu way kacday oo rabshado waaweyn ayaa dhacay, laakiin nasiib wanaag, hadaanu odayaashii  nahay waanu soo dhex galnay, xalkiisii ugu horeeyay waanu gaadhnay oo ardaydii waa ay xarootay, ciidankiina saldhiga booliska ayaanu ku eekaysiinay, waxii intaas ka danbeeyana waxaanu doonaynaa inaanu galno.”

Gabadh yar oo  dadkii mudaharaadyay ah ayaa iyaduna sidan sheegtay“Waxaanu ka mudaharaadaynaa cadaalad darada ka jirta gobalka Gabiilay,Saldhigii iyo Maxkamaddiiba cadaalad daro ayaa ka jirta, dhalinyaradii gobalku cadaalad daro ayay ku xidhan yihiin.”

Sida oo kale haweenay iyaduna dadka mudaharaadayay ku jiray ayaa sheegtay inay caadaalad daro jirto“Macalinkii waa la xidhay, ubadkiina rasaas ayaa la’la dhacayaa, Somaliland iyo Gabilay toona cadaaladi kama jirto.”