Qaadka Oo Mar Kale Si Cilmi Ah Loo Xaqiijiyey In Uu Khatar Ku Yahay Taranka Iyo Ragannimada Ninka: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

1
1148

 

qaadkaSanca (Googooska Geeska)- Cilmi baadhis akadamiya oo dhowaan lagu sameeyey dalka Yemen ayaa ka digtay khatarta raadka taban ee halista ku ah caafimaadka dadka cuna qaadka. Daraasaddu waxa ay iftiimisay in boqolkiiba 80 ragga qaadka cuna uu aakhirka ku keeno tamar darro dhinaca jinsiga ah, gaar ahaan marka ay da’da ninku dhaafto 40 jirka haddii uu sii wado cunista qaadka. Axmed Xadhraani oo ah guddoomiyaha jaamacadda Thamaar ee dalka Yemen kana mid ahaa xeel-dheerayaasha cilmi baadhistan ku sameeyey caleenta qaadka ayaa xaqiijiyey in hormoonnada dumarku ay ka awood badan yihiin ragga, sidaa awgeed dhibta dhinaca jinsiga ah ee qaadku keenaa ay ku badan tahay ragga, halka ragga qudhoodana ay kaga badan tahay kuwa dhaafa da’da dhalinyaronimada.

 

Axmed Xadhraani oo sii faahfaahinayey dhibaatooyinka kale ee Qaad cunista ka dhasha ee ay cilmi baadhistoodan ku ogaadeen ayaa sheegay in ay ka mid tahay caafimaad darro afka la xidhiidha oo tusaale ahaan raamsiga badan ee qaadka iyo dadka taqsiima qaadka (Daanka ku haya) waxa ka dhasha canka oo intiisa caadiga ah ka balqa, dahaadhka dhan-xaragga iyo camamka dhinacooda hoose ku xidhan oo dhaawacma, cirridka oo bukooda hoosna u noqda iyo ilkaha oo burbura, gaar ahaan marka la isku daro calaalinta qaadka iyo sigaar qiijinta.

Cilmi baadhistani waxa ay sheegaysaa oo kale in qaadku uu sababo in ay isku ururaan muruqyada ka hooseeya hab-dhiska dheef-shiidka ee ah nooca loo yaqaannno VoluntaryMusclesama kuwa doonista ku shaqeeya isla markaana uu dabciyo muruqyada loo yaqaanno InvoluntaryMusclesama kuwa aan doonista qofka ku shaqayn (Is-dira) ee hab-dhiska dheef shiidka qudhiisa, waanan sababta ay ku yimaaddaan cudurro ay ka mid yihiin bawaasiirta iyo beer xanuunku.

Ugu dambayntii waxa ay cilmi baadhistu tilmaamtay in khataraha caafimaad darro ee tirada badan ee qaadka ka dhasha ay garab socoto khatar kale oo iyaduna ka timaadda sunta geedka qaadka lagaga buufiyo cayayaanku si aanay u cunin oo iyaduna qofka cuna qaad la buufiyey ku keenta xanuunnada ku dhaca beerka oo aakhirka halis ku ah nolosha qofka iyo cudurro kale oo tiro badan.

Comments are closed.