Qaab Noocee Ah Ayay Xisbiyadu Ugu Kala Qoranyihiin Waraaqaha Cod Bixinta?

0
635

Hargeysa(Geeska)-Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah u soo saaray qoraal ku saabsan qaabka ay xisbiyada qaranku doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa ay ugu kala saraynayaan warqadaha doorashada iyo qoraalada la xidhiidha.

Komishanku waxa uu sheegay in qaab qori tuur ah ay u qabteen saddexda xisbi qaran kuwaas oo sidaas ku kala sareeyay, waxaana qoraalkan oo warbaahinta la soo gaadhsiiyay ku saxeexnaa gudoomiyayaasha saddexda xisbi qaran iyo guddoomiyaha komishanka

doorashooyinka,waxaanu qoraalkan oo dhamays tiran uu u dhignaa sidan "Maanta [14 June] oo ay taariikhdu tahay 14 -Jun 2017-ka waxa xafiiska komishanka doorashooyinka qaranka ka qabsoomay kulan ay yeesheen xubnaha komishanka iyo saddexda xisbi qaran, komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu saddexda xisbi qaran u tuuray qor ituur si loo helo habka ay u kala horaynayaan saddexda xisbi qaran magacyadooda iyo astaamahooda loogu daabacaayo waraaqaha codbixinta foomamka natiijada doorashada iyo qoraalada kale ee doorashada madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland ee qabsoomaysa 13 nov 2017-ka.

Waxaana natiijada qoritaankeeda iyo habka kala horaynta oo hab daahfurayn u dhacay isla markaasna ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka iyo hoggaanka xisbiyada qaranku noqotay sidan hoos ku qoran.

Dhamaan qoraalada iyo warqadaha codbixinta doorashada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ee qabsoomaysa 13-nov-2017 waxay xisbiyadu ku kala horaynayaan sidan hoos ku qoran.

Party Ucid

Party Kulmiye

Party Waddani"

Waxa saddexda xisbi u kala saxeexay saddexda guddoomiye xisbi ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, UCID Faysal Cali Waraabe iyo Waddani Cabdiqaadir Jirde.