Puntland Oo Dooratay Madaxweyne Cusub, Waxyaabaha Riday Cabdiweli Gaas Iyo Dr. Cali Ciise Oo Helay 1 Cod

0
1202

Hargeysa(Geeska)-Saciid Cabdillahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni ayaa shalay loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland.

Saciid Deni ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha Puntland, oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe, waxa uu kaga adkaaday Asad Cismaan Diyaano.

Deni ayaa helay codadka 35 ka mid ah 66-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Puntland, halka Asad uu ka helay 31 cod.

Waxa uu beddeli doonaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo ku hadhay wareegga koowaad ee doorashada, isaga oo helay kaliya sideed cod.

Ragga kale ee tartanka ka qayb galay lana filayay inay codad badan helaan balse khasaaray waxa ka mid ah Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo dhaqaale badan doorashada ku bixiyay lana filayay inuu ugu yaraan wareega dambe soo gaadhi doono balse ku hadhay wareega koowaad. Mr. jabiye ayaa waxa watay oo la sheegay inuu lacag ugu soo deeqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale Dr. Cali Ciise Cabdi, oo ah siyaasi u dhashay Somaliland oo ka qayb galay tartanka madaxweynenimo ee maamulka Puntland ayaa isna helay hal cod, taas oo yaab ku noqotay dad badan oo ugu yaraan saadaalinayay inuu heli doono codadka xildhibaanada baarlamaanka Puntland kaga jira gobalka Sool. Laakiin siyaasiyiinta Reer Sool ayaa ku keliyaystay tartanka madaxweyne-xigeenka Puntland, waxaana ku guulaystay Axmed Cilmi Karaash oo noqday madaxweyne-xigeenka Puntland.

Cabdiweli Gaas maxaa helay?

Cabdiweli Gaas, ayaa loolan adag kala kulmay murashixiin ka soo horjeeday oo u muuqday inay is bahaysteen, kuwaas oo uu dabada ka riixayay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Murashixiinta is bahaystay doorashada ka hor ee muquuniyay Cabdiweli Gaas waxa hoggaaminayay Siciid Deni oo shalay noqday madaxweynaha Puntland.

Waxyaabaha kale ee uu Cabdiweli Gaas eersan karo waxa ka mid ah inuu ku fashilmay ballamihii uu hore u qaaday oo ay ka mid yihiin, ballantii ahayd inuu Puntland gaadhsiin doono doorasho qof iyo cod ah.

Kahor inta aanu ugu dambeyntii ku dhawaaqin in uu yahay musharax, Cabdiweli ayaa dhowr jeer oo hore kala caddeyn waayay inuu isa soo sharaxi doono iyo in kale, taas oo sababtay hubanti la’aan ku aadan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Musuqmaasuqa ayaa isna ah qodob daciifiyay dawladnimadii laga filayay Cabdiweli Gaas, waxaana lagu eedeeyaa inuu hanti iyo guryo badan ka iibsaday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya mudadii uu ahaa madaxweynaha Puntland.

Waa kuma Siciid Deni?

Saciid Cabdullaahi Dani oo ku dhashay magaalada Muqdisho sanandkii 1966-dii. Madaxweyne Siciid Dani ayaa waxbarashada dugsiga dhexe iyo kan sare ku qaatay isla magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, kahor inta aanu ku biirin siyaasadda.

Saciid Dani ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheekh iyo xildhibaan dawlada Soomaaliya sannadkii 2012-kii, waxaana siyaasad ahaan la sheegaa in uu aad ugu dhawaa dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud.

Saciid Dani oo aan Soomaaliya ka bixin ayaa waxaa uu deegaanada Puntland ka hirgeliyay shirkado ganacasi, waxaana siyaasadda uu kusoo biiray sannadkii 2002.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here