Puntland Oo Dawladda Ay Ka Tirsan Tahay Ku Khilaaftay Mawqifkii Khaliijka

0
1011

Muqdisho (Geeska)- Maamul gobaleedka Puntland ayaa ka horyimid go’aan ay hore dawladda uu ka tirsan yahay ee Federaalka Soomaaliya uga soo saartay khilaafa dalalka Khaliijka Carabta.

Warmurtiyeed ku qoran Afingiriisi oo cinwaan looga dhigay ‘Warmurtiyeed ku saabsan xasaradda ka taagan Gacanka” ayaa ay madaxtooyada Puntland ku sheegtay in ay hadda garowsatay in murankaas gacanku aanu u muuqan in xal dhaqso ah laga gaadhi doono. Sii socoshadiisuna ay raad aan fiicnayn ku yeelanayso amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Warmurtiyeedkan uu soo saaray afhayeen madaxtooyada Puntland oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay ayaa lagu sheegay in maamul gobaleedka Puntland uu intii muddo ah jaalnimo (Iskaashi) istaraatiji ah kula jiray dalalka Imaaraadka Carabta iyo boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo mashaariic horumarineed oo muhiim ah. “Waxaa intaas dheer, sida la wada ogyahayba in Soomaaliya ay xidhiidh taariikhi ah oo fiican weligeedba la lahayd dadka iyo dawladda Imaaraadka Carabta iyo boqortooyada Sucuudi Carabiya” ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka maamul gobaleedka Puntland, oo isaga oo si cad uga horimanaya siyaasadda arrimaha dibadda ee dawladda Federaalka ee fadhigeedu Muqdisho yahay, intaas ku sii daray, “Sidaa awgeed, waxa aanu aaminsannahay, in mawqifkayagu uu yahay in si cad loo garab istaago jaalkayaga, oo ah Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta”

Maamul gobalkeedka Puntland waxa uu talo u soo jeediyey dawladda Federaalka isaga oo yidhi, “Waxa aanu ku boorrinaynaa dawladda Federaalka Soomaaliya, in ay dib-u-eegis ku samayso mawqifkeedii ku aaddanaa khilaafka sii socda weli oo haddii aan si ku habboon loo gelin saamayn taban oo jiitanta iyo raad foolxun ku yeelan doona dadka Soomaaliyeed"

Intaas kadib warmurtiyeedka Puntland waxaa lagu sheegay ereyo la mid ah kuwa ay ku celceliyaan dalalka Qatar ay is hayaan iyo kuwa la xulafada ah oo dawladda Qatar ku eedeeya in ay taageerto argagaxisada, waxa aana lagu yidhi, “Waxa aanu cambaaraynaynaa dhammaan dalalka iyo ururrada aan dawliga ahayn ee taageera argagaxisada oo maanta dhibaato badan ku haysa Soomaaliya”

Ugu dambayntii Puntland waxa ay ku baaqday in dhaqso xal loogu helo dhibaatadan oo ay sheegtay in ay khatar ku hayso xasiloonida gobalka.

Soomaaliya oo qaadatay nidaamka Federaalka oo ay isugu yimaaddaan shan maamul gobaleed ayaa ay sharci ahaan tahay in dawladda federaalka ahi ay iyadu jaangoyso siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka, laakiin waxaa muuqata in Puntland iyo maamulgobaleedada kalaba aanay weli diyaar u ahayn in ay ku daba-faylaan, waxa aanay aalaaba u dhaqmaan qaab dawlad madaxbannaan.

Puntland oo ah maamulgobaleedka ugu awoodda badan Soomaaliya ayaa inta badan muranno iyo colaado siyaasi ahi ay u dhexeyn jireen dawladda Muqdisho, laakiin hadda waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysay ee ay sidaa adag uga hortimaaddo siyaasadda dawladda dhexe, ugu yaraan intii ay jirtay dawladdan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo muddo bilo ah uun xilka haysay.

Dawladda Federaalka ayaa iyadu bilowgii muranka Carabta soo saartay war ay ku sheegayso in aanay dhinacna la safan doonin, kuna talinayso in xal dhaqso ah ay wada hadal ku gaadhaan carabtu, iyada oo soo jeedisay in haddii lagu casuumo ay Soomaaliya kaalin mug leh ka qaadan karto dhexdhexaadinta Qatar iyo dalalka ka Imaaraadka, Sucuudiga, Baxrayn iyo Masar oo isku dhan ah.

Dadka siyaasadaha Soomaaliya u dhuun dalool ayaa aaminsan in khilaafka Khaliijku uu saamayn siyaasi ah oo fool xun ku yeelan doono dawladda Federaalka ah oo sida ugu dhow ee ay ku badbaadi karaysay ay ahayd in ay dhexdhexaad isu dhigto, si ay u raalli geliso dhinacyada is haya oo awood baarlamaan, dhaqaale iyo xitaa amni intaba ku leh Soomaaliya gudaheeda.

Maamul gobaleedka Puntland ayaa isagu dhowaan heshiis is-afgarad ah la galay shirkadda DP World oo maamuli doonta dekedda Boosaaso, waxa isaguna jiray xidhiidh dhinaca amniga ah oo hore Puntland ula lahayd Imaaraadka, kaas oo mar sabab u ahaa in ciidamo Imaaraadku dhaqaaleeyo oo ajaanib ahi ay ka hawlgalaan Puntland.