Puntland oo dafirtay in madaxweynahoodu Addis Ababa kula kulmay wasiirada Somaliland

0
708

Prof_-Cabdiweli-Gaas-300x270Garowe(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland ayaa dafiray wada hadal ay dawladda Somaliland hore u baahisay inay Addis Ababa kula yeelatay madaxweynahooda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasiirada arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha Maxamed Biixi Yoonis iyo cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inay Addis Ababa kula kulmeen Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo sheegay inay kala hadleen dhawritaanka derisnimada iyo ka wada shaqaynta amniga.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa wefdigii Madaxweynaha Puntland u raacey dalka Itoobiya, ayaa sheegay inaanay is arkin weftiga Somaliland. “…Wakhtiga la fadhiyo ama shaah la cabayo ama qaxwaha loo fadhiyo waa lays arkayaa waana la isa salaamayaa dad Soomaali ah baa la yahay, mase oggi wax kulan ah oo rasmi ah oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland.” Ayuu yidhi wasiirka Puntland.