PSG Oo Maalin Kaliya Ku Iibisay 10,000 Oo Funaanada Xidiga Neymar

Published on Aug 17 2017 // Ciyaaro

Kooxda PSG ayaa dhawaan la wareegtay xidiga reer Brazil ee Neymar iyadoo ku iibsatay lacagtii ugu badnayd ee ciyaartooy lakala siisto. Haddaba kooxdan reer France ayaa soo shaac saartay dalabka funaanada/garanka lambar 10 ka ah ee xidigan magaciisu ku xardhan yahay oo aad looga iibsanayey magaalada Paris. 10, 000 garan ayey hal maalin ku iibisay kuwaas oo dadka reer Paris iibsadeen.

Tirada iyo cadadka badan ayaana ka dhigaysa in labadii todobaad ee sida rasmiga loo soo bandhigay funaanadiisa uu ka badan yahay xidigo dhawra oo mudo joogay. Di Maria oo joogay PSG laba sannadood ayuu ku dhaafay laba todobaad, sida ay sheegayaan shabakadaha ciyaaraha ee The Sun iyo Daily Mirror.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!