Professor Maraykana Oo Shacabka Somaliland U Soo Diray Hambalyada 18 May

3
1037

Pegg

Hargeysa(Geeska)- Professor Scott Pegg, oo jaamacadda Boulevard ee dalka  Maraykanka ka dhigga culuunta siyaasadda, ayaa shacabka Somaliland ku soo hambalyeeyay sannad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Prof. Scott, oo magaalada Hargeysa kaga qayb galay xil wareejintii kal hore ay xilka madaxtinimada Somaliland kula kala wareegeen Madaxweyne Axmed Maxamed iyo Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ayaa E-mail uu soo diray wuxuu ku sheegay inuu farxadda la qaybsanayo umadda reer Somaliland oo uu aad u ammaanay. “Waxaan idinku hambalyaynayaa sannad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanidiinii 18 May 1991.” Ayuu yidhi Prof. Scott, waxaanu intaas raaciyay, inuu weli xasuusto nidaamkii wanaagsanaa ee ay labada Madaxweyne xilka kula kala wareegeen sannadkii hore oo uu ku tilmaamay inay ahayd dhacdo taariikhi ah. “Fadlan iga guddooma hambalyo iyo salaam gacaltooyo oo aan idiin soo marinayo khadka Emailka.” Ayuu yidhi.

Wuxuu intaas raaciyay inay umadda Somaliland labaatankaas sannadood muujiyeen dedaal ku waajahan wax qabsi iyo horumarka dalkooda.

Macalinkan ayaa hore u qoray buug ka hadlaya Somaliland, kaas oo uu ku sheegay inay Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado, waxaanu u dhashay dalka Maraykanka.

Wargeyska Geeska Afrika

Comments are closed.