Prof. Samater Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ciidamada Qaranka Ee Jiidda Bari, 26 June Iyo 18 May Midka Maalin Qaran Ku Habboon Iyo Dagaalkii Lagu Riday Rajiimkii Siyaad Barre

Published on Jun 07 2016 // Warar

Hargeysa (Geeska)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo dhowaan marti ku ahaa Barnaamijka dadkaaga Qanci ee talefishanka Horn Cable ayaa ka jawaabay su’aalo tiro badan oo ay ka qaybgalayaashu ka weydiiyeen guud ahaan siyaasadda dalka iyo mustaqbalkiisa siyaasiga ah, arrimaha xiisaha leh ee uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa, Doodda uu muddooyinkii u dambaysay soo bandhigayey ee la xidhiidha 18 May iyo 26 June midkooda ku habboon in maalin qaran loo aqoonsado, Midnimada umadda Somaliland, gaar ahaan xaaladda gobalka Sool iyo tabashada dadka deegaannada Bari ee Somaliland, gaar ahaan cabasho uu sheegay in ay dad badani qabaan oo la xidhiidho joogitaanka ciidamada ee jiiddaas.

1

Waxa kale oo uu Barafesorku ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey dareenka ereyga Mujaahid oo inta badan lagu sharfo in magacooda lagu ladhan dadkii halganka SNM kaalinta ka soo qaatay, balse ay jiraan dad reer Somaliland ah oo la sheego in ay ereygaas dhibsadaan. Waxa sidoo kale Barofesoor Samater la weydiiyey su’aal la xidhiidha aragtidiisa dagaalkii lagu riday taliskii Siyaad Barre.

Jawaabaha arrimahaas la xidhiidha ee uu Prof. Samater ka bixiyey su’aalo aad u tiro badnaa oo lagu weydiiyey barnaamijkan xiisaha badan ee uu daadihiyo Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo socday muddo 2 saac ka badan, waxa aynu ugu horreyn ka soo qaadanaynaa qadiyadda gobal Sool oo uu sidan ka yidhi, "Halka maanta ugu adag Somaliland waa Gobolka Sool, sidee wax looga qaban karaa, waxa weeye in Ciidamada Somaliland ee Sool jooga in dib looga fikiro, oo la kala saaro, sida ay aniga ila eeg tahay, waa anigii afaaf ka dhigto ee yidhi anigu gudaha uguma jiro laakiin in la kala saaro oo Ciidamadii halkaas la geeyey oo ah Ciidamada Somaliland oo ujeedadu tahay inay ilaaliyaan Xuduuda Somaliland iyo haddii ay jiraan Ciidamo halkaas loo geeyey in dadka  Sool ku nool ee Somaliland sidaas loo dul joogo, waa laba xoog oo kala duwan, ta kowaad wadan aan xuduudadiisa ilaashanin anigu ma aqaan, ee xuduudada ilaasho,Kanada iyo Mareykanka oo isku ah sida Maroodi-jeex iyo Awdal oo kale labaduba xuduudadooda wey ilaaliyaan, anigu markaan New York deganaa, Proferka ahaa waan tagi jiray, oo wax yar bay noo jirtaa,marka aad Xuduuda ka baxayo iyo marka aad soo galayso aad baa loo baadhayaa Dhikumantigaaga, in Xuduudka la difaaco oo la ilaaliyo waa muhiim,gaar ahaan Afrika oo wali waxeedu iska cusub yihiin, laakiin intaas laga duwo weeye, Ciidamo ujeedadu tahay inay u hanjabaan dad jira oo ay dul joogaan, dadka degmada ku nool ee reer Somaliland ah waa haddii ay jirto, dad badan oo bulshadaas ka timidna waanu sheekaysanay oo qaarkood macalimiintayday ahaayeen, qaarkood isku arday ayaanu ahayn, qaarkood aniga ayaa macalin u ahaa, saaxibo badan baan ku leeyahay, waxay igu yidhaahdaan Ciidamo badan baa na tul jooga, markaas in taas laga gun gaadho waa muhiim, oo labadaas la kala saaro, ilaalinta amnigu ee Boolisku waa muhiim, oo waa kuwaas inala jooga.

Ta labaad Wadan haddii uu hore u soconayo ama wadamo badan isku tagay sida Midawga  ama sida Mareykanka Gobolo badan oo isku tagay, haddii uu Wadan hore u soconayo waxa lagu gartaa horsocodkiisa oo keenta isku soo dhaweynta dadka, oo halka ugu liidata la galiyo xoolaha ugu badan, xaga gaajadu ugu badan tahay, halka ay aqoon daradu ugu badan tahay halka ay Biyo la'aantu ugu badan tahay, halka baahiyaha bulshada ee aasaasigu ugu liidato in loogu badiyo maalgalinta iyo ilaalada la ilaalinayo ee kor loo soo qaadayo, horumar hab dhis wadan oo kala sareeya oo mid cirkaas marayo, midina dhulka yaal marka dambe wey kala go'ayaan".

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa mar uu ka hadlaayey dooddiisa ah in 26 Juun laga dhigo maalinta Qaranka, 18-May na laga dhigo maalin xuskeeda iyo maamuuskeeda leh balse aan ahayn maalin qaran waxa uu yidhi, "26-june iyo 18-may in badan baan ka hadlay Anigu waxaan qabaa dood u baahnayd in bari hore la furo inay tahay, oo in badan ka maagaynay, anigu dad badan baa la sheekaystay, oo darafyaduun ahayn waxay ku odhanayaan 18-may waa maalin muhiim ah, meel bay lahayd laakiin maaha maalin caalamiya, anaguna waxba kuma lihin, wixii ay ahaydna magacii uu bedelmay, SNM baa lagu xantaa inay 18-may ka dambaysay, SNM maxay ahayd Somali Nation Movement, may ahayn Somaliland National Movement, aniguna waxaan qabaa aniga oo soo gaabinaya oo aan ku dheernayn 18-may waa maalin weyn dad badan baa u soo dadaalay, dad badan baa u soo dhintay, dad badan baa xoolo galiyey, dad badan oo aanu saxibo ahayn, oo waliba la soo koray oo waliba wax isku nahay, ayaa ku dhintay, marka qof iga xiga oo iga deegaansani 18-may ma jiro, laakiin ma qaadi karto 18-may miisaanka,Baabuur hadaad rarayso waa inuu qaadi karaa,  Baabuur  saddex tan ah haddii aad saarto xamuul toban tan ah  ma qaadi karo, aniguna waxaan qabaa in 18-may aanay qaadi karin Somaliland inaga gudaheena waxay inaga dhigaysaa inaynu galno doodo aynaan wali  garaynin, oo ay ka mid tahay arinta wada jirka iyo madaxdiisa ayey ku noqonaysaa dabar, waxa kale oo ay dhibaaato ku keenaysaa haddii ay 18-may noqoto maalin caalamiya, dooda aynu la leenahay Somaliya, maxa yeelay waxay ku odhanayaan 18-may waxay maamusaysaa Dagaal Sukeeye la isla galay, dabadeedna lagu kala baxay, oo aduunyadaba meelo badan oo dagaal sukeeya ka dhaca baa jira, mana dhacdo dagaalka sukeeya dhaliyo wadan kala go'a".  

Dhinaca kale Prof: Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu sheegay in maalinta 26-june ay tahay maalin ay wada leeyihiin dadka reer Somaliland, isla markaana ah maalin taariikhaya oo Somaliland xoriyadeedii ka qaadatay Ingiriiska.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar mar uu ka hadlaayey Dagaalki lagu riday Taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxa uu yidhi, “Anigu waxaan qabaa Dagaalkii lagu qaaday Maxamed Siyaad Barre waxaan jeclaan ahaa in keligii taliyihii Siyaad Barre inay Wadanka ka tago iyadoo dagaal dhicin, xittaa haddii aad guulaysto dagaalku khasaare badan buu keenaa, kana tagaa, kaligii taliyaha wuxu ku tagayo hadaad garto oo aad tidhaahdo albaabka ka bax,oo aad tidhaahdo dadkii Somaliyeedow idinku is hagaajiya, ayaan jeclaan lahaan, waana inooga tagay Maxamed Siyaad Barre".

Dhanka kale wuxuu Axmed Ismaaciil Samatar sheegay in inta badan Dagaaladu dhib mooye aanay wax dheef ah lahayn, isaga oo ka waramay kaligii Taliyihii Siyaad Barre iyo xukunkiisi dhibkii u geystay umadda, waxa kale oo uu ka waramay Shir lagu qaban doono Hargeysa.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar mar uu ka hadlaayey erayga Mujaahid ayaa yidhi "Kalmada Mujaahid waa kalmad af carabiya, qofka u macnaysta in kaligii taliye lala dagaalamayo oo dalka la difaacayo, oo taladda dalka  laga xoraynayo isaga ayey ka timid Mujaahid, laakiin dad badan oo magacaas sheegtay in marka aad hurgufta ay wax badani ka soo bixi waayaan, qofkabaa dambi galay kolkaas baa la leeyahay haa soo ururiya intii kalena dambiga wey la qabaan, ama qof guul keenay, markaas ayaa la odhanayaa mujaahid baa tahaye ee dhanka ka raac, marka waa in la kala saaro ta dhabta ah iyo ta aan dhabta ahayn"

Ugu dambayntii hadallada uu Geeska Afrika ka soo xushay jawabahaas tirada badan ee uu Prof. Samater bixiyey waa aragtidiisa la xidhiidha aqoonsi Raadiska Somaliland, habka ugu habboon ee loo mari karo iyo waxa hadda ka qaldan, waxa aanu yidhi, ““Aqoonsiga aynu raadinayno waa in si cilmiyeysan oo kale loo galo, mabaynaan bilaabin. Anigu aqoonsiga Somaliland ay raadsanayso in ay adduunyada ka hesho, waxa aanu ku mesaalay, oo ay la mid tahay, Maraykan 1960 Madaxweyne Kennedy intuu is hortaagay, (Waxa uu la tartamayey Ruushka oo meel fog ka gaadhay tegista hawada sare” wuxuu ku yidhi, waxa aan ummadda Maraykan u sheegayaa in aan doonayo in Toban sano gudahood, aynu qof Maraykan ah ku dul dejinno dayaxa” Waxa uu barafesorku sheegay in arrintaasi ay xilligaas dadka Maraykan oo dhan ka yaabisay, maadaama oo aanay caqli gal u ekeyn in dayaxa la gaadho, horena aan loo maqal arrin noocaas ah. Laakiin aakhirkii ay guulaysatay markii saynisyahannadii iyo cid kasta oo aqoontaas wax ka taqaannay la fadhiisiyey si ay u rumeeyaan riyadaas tobanka sano uu doonayey in lagu gaadho madaxweyne Kennedy. Haayad dhan oo hawada sare ka hawlgasha oo NASA la yidhaahdo ayaa la dhisay, waanay rumowday riyaadaasi, “Toban sano gudahood oo ahayd 1969kii ayaa lagu rumeeyey riyadaas, anigu markaas London baan joogay aniga oo da’ yar oo markaas shaqo ka bilaabay BBC, dee waanu daawanaynay, annaga oo la yaabban, waxani ma dhabbaa!”

Barafesoor Samater waxa uu arrintaas adayga ay lahayd ku mesaalay  culayska ay hadda leedahay aqoonsiga ay Somaliland raadinayso oo uu sheegay in aanu ku imanayn wasiir inta uu socdaalo cidyow la soo kulmo kadibna iska soo noqdo. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay qorshe qaran oo muddo cayiman leh, saddex sano, shan sano, toban sano iyo hadba waqtigii macquul ah. In khibraddii iyo dhaqaalihii iyo dadkii xulka ahaa ee hawshaa geli karayey loo raadiyo oo ay bilaabaan hawshaa adag oo ay derbiyadaa adag mid mid ugu jebiyaan.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!