Prof. Saleban Oo Niyad-xumo Ka Muujiyay In Qurbe-jooga La Siiyo Shaqooyinka Dalka

0
630

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha jaamacada Camuud Prof.Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa ku baaqay  in shaqooyinka la siiyo dhalinyarada jaamacadaha dalka ka soo baxa, meeshana laga saaro qurba joogta shaqooyinka badan loo dhiibayo.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu dhalinyarada dalka ugu baaqay inay dedaalaan, shaqooyinka dalkana ay gacanta ku dhigi doonaan.sida oo kale waxa uu xukuumadda ugu baaqay in sanduuqa horumarinta Somaliland ee la sameeyay meelaha lagu taageerayo lagu daro jaamacadaha oo u baahan sida uu sheegay in loo hagar baxo.

Waxa uu sidan guddoomiye Saleebaan ka sheegay magaaladda Boorama, waxaanu sida oo kale tibaaxay in dhawaan ay soo saari doonaan jaamacada Camuud iyo haayad socdaalka ee IOM daraasad ay ka sameeyeen Somaliland oo dhan oo ku saabsan tahriibka.

Ugu horayntii guddoomiye Saleebaan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Markii jaamacada Camuud la bilaabayay waad ogtihiin oo dawlada Somaliland ee jirtay markaas iyada laftigeeda ayaanu mushaharkuba  ku filnayn oo nabadgalyada ayay la ciirciiraysay,markaas waxay ku soo dhacday hawshii ahayd in ardayda jaamacad loo raadiyo dadweynihii, ama shaqsiyaad ha noqdaan ama gobolka ama kuwa dibada jooga ah ha noqdaan ama kuwa dalka jooga,ilaa hadda jaamacadaha tabobarkooda,maalgalintooda iyo arimhoodu waxay u badan yihiin dadkii jaamacadaha sameeyay,laakiin hadda waxii ka danbeeya waxa muhiim ah in dawladu kolba tamarta ay leedahay ay ka qaybgasho dhismaha iyo hirgalinta jaamacadaha,jaamacadaha baahidoodu way ka badan yihiin lacagta yar ee  dadka aanu ka qaado,waxii hadda ka danbeeya arimhaasi waxay u baahan yihiin maalgalin qaran. Imika sanduuqaas horumarinta ee loo qaybinaayo biyaha,beeraha, in waxbarida dhalinyaradana qayb waafi ah loogu daro, lacagtaas la qaybinaayo ee shisheeyaha inooga timi.”

Guddoomiye Saleebaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Qaybta labaad ee aan u socdaana waxa weeye qaybtii qaranku uu iska lahaa da’yartu markay soo baxdo intii la heli karo in shaqo la siiyo, waynu ognahay oo caalamkaba kama dhacdo meel boqolkiiba boqol dadku shaqo helo, barigii hore waxa la odhan jiray maxaa lagu gartaa ilbaxnimo waaraysa? Waxyaabo badan sida maamulka fiican, farsamada iyo tiknoolajiyada laakiin waxa lagu daray dadka markaas joogaa waxa ay uga talo galeen caruurta oo ah mustaqbalkii baritoole, Soomaalida hadaad minqiyaaskaas ku qiyaasto hadaynaan wax iska badalin kuwa gudhaaya ayaynu u eegnahay,in aynu isku baraarujino in da’yarta loo da’daalo, shaqona loogu da’daalo,anigu waxaan ahay dadka ka soo horjeeda in shaqada loo badiyo dadka dibada ka yimi ee sida dalaayada uun dalka ku soo degay, kuwa gudaha ayaa ka cilmi badan oo deegaankan ka yaqaana oo farsamada iyo cibaadadaba kaga badan in dhalinyarada loo badiyo shaqada kana gaban mayno oo waajib ayaa qaranka naga saaran.”

Ugu danbayntii guddoomiyaha jaamacada Camuud Prof.Saleebaan Axmed Guuleed, oo ka hadlaayay Daraasad ay wada wadaan haayada socdaalka ee IOM waxa uu yidhi “Daraasadii tahriibka ayay jaamacada Camuud iyo IOM wada wadaan, dadkeenu waxay u haystaan uun in caruurtu shaqo la’aan ay u yaacayso run ahaantii waanu sheegi doonaa sababaha ay dadku u yidhaahdeen waa loo ordayaa, shaqo la’aan uun maaha ee arimo kalena waa ay jiraan,Hargeysa, Berbera, Boorama, Burco,Ceerigaabo, Laasacaanood  waa la dhameeyay,hadda waxa nagu hadhay oo kaliyaata wajaale,Goroyo-cawl, Saylac  iyo meelaha laga dhoofo,markaanu dhamayno shir weyn ayaa Hargeysa lagu qaban doonaa oo lagu sheegi doonaa, waad ogtihiin darxumada haysta inamada saxaraha ku sii baaba’aaya, haka yaacina dalka shaqona waa la helayaa.”