Prof. Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf Oo Ku Biiray KULMIYE

0
487

Hargeysa(Geeska)-Professor Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamaayo doorashada golaha wakiilada ee dalka ka dhici doonta isla markaasna uu ku biiray xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Waxa uu sidan kaga dhawaaqay Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf xaflad balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhalinyarada magaalada iyo marti sharaf kale, waxaana xafladan si balaadhan loogu taageeray ku biiritaankiisa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Maxamed Xuseen Dhabeeye agaasimaha wasaarada ciyaaraha oo xaflkaas ka hadlay ayaa si diiran u soo dhaweeyay musharaxan iyo ku biiritaankiisa xisbiga Kulmiye“Farxad weyn ayay inoo tahay inaan munaasabadan Cabdiraxmaan uu doonayo inuu kaga qaybgalo siyaasada wadankiisa isla markaasna uu doonayo inuu kaga qaybgalo doorashada golaha wakiilada ee dalka ka dhici doonta, waxa kale oo Farxad inoo ah inuu Cabdiraxmaan doonayo inuu xoogiisa iyo aqoontiisaba ku biiriyo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye , waan u mahadcelinayaa dadka ka soo qaybgalay munaasibadan dhalinyarada soo abaabushay iyo inta kale ee isugu timi,Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay aqoon yahanka dalkeena kuwa ugu aqoonta dheer, Cabdiraxmaan markii uu dalka u soo noqday dadka reer Somaliland wax la qabo ayuu is yidhi waxaanu noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ee jaamacada Hargeysa, abaabulkeedii iyo bilowgedii ayuu qaybweyn ku lahaa, waxa uu ka qaybgalay cisbitaalka Hargeysa oo uu is yidhi hagaaji waxaad ka garanysaa inay ku jirtay lexejeclo, dad badan ayaa dalka markay ku soo noqdeen tukaamo furtay ama basas iibsaday, kama fikirin taas ee waxa uu ka fikiray dalkan Somaliland jiritaankiisa iyo dhismaha bulshadiisa ayuu fikirkiisu ahaa,waxaan ku hanbalyaynayaa da’daalkaas uu sameeyay,maantana arintaas uu isku taagay ee uu doonayo inuu kaga qaybqaato waxa weeye in aynu inaguna gacan ku siino oo aynu garab istaagno.”

Dhalinyaro aad u tiro badan oo halkaas ka hadlay ayaa iyaguna dhankooda muujiyay sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin musahraxnimada Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo ah aqoonyahan isku halaynaaya cududa dhalinyarada.

Ugu danbayntii Prof Cabdiraxmaan Axmed Shunufu oo xafladan soo gunaaday waxa hadaladiisa ka mid ahaa  “Sharaf ayay cii tahay waxaas oo dhalinyaro ah oo isku yimi oo aan qabiil isugu iman oo aanay ka muuqan odayaashii qabyaalada ka sheekayn jiray ee ay yihiin dhalinyardii dalka iyo mustaqbalkaba lahaa, waxaan leeyahay waxaan doonayaa inaan siyaasada ka qaybgalo oo aan ku biro xisbiga Kulmiye,waxaan doonayaa inaynu inaga oo dhan gacan isa siino, waad mahadsantahiin.”