Pogba Oo Dib Ugu Soo Noqonaya Old Trafford Xilli Gabo-gabo uu Ku Dhaw Yahay Heshiiskiisa Man United.

Published on Jul 30 2016 // Ciyaaro, Columnists

88247757-Paul-Pogba-SPORT-medium_trans++2oUEflmHZZHjcYuvN_Gr-bVmXC2g6irFbtWDjolSHWg“Pogba ayaa Noqonaya Laacibkii Ugu Qaalisanaa Abid Lakala Iibsado, marka si rasmiya Loo shaaciyo”

Xidiga khadka dhexe ee reer France una safta kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inuu ku biiray kooxdiisii hore ee Manchester united, sida ay badiba qorayeen Journaalada kasoo baxa dalka ingiriiska.

Waxaanay intooda badani sheegeen in adduun gaadhaya €110 million lagu kala iibsaday, wallow aan si rasmiya loo shaacin heshiiska Pogba hadana waxay u muuqataa inay arintiisu dhinac u dhici doonto saacadaha soo socda.

Xogo kala duwan oo aanu ka helnay wakaaladaha loogu kalsoonda badan yahay wadamada yurub ayaa badnkoodu si kala duwan uga hadleen iibka laacibkani.

Dhanka kale jariiradaha Faransiiska ka soo baxa ee L’Equipe iyo France Football, ayaa kusoo waramay in xidiga Pogba uu gaadhay Magaalada Los Angeles, taas oo ujeedkiisu ahaa sidii uu u dhameys-tiri lahaa heshiiska uu ugu laabanayo Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee heshiiska Pogba ayaa noqonaya kii ugu qaalisanaa dunida ciyaaraha, xili uu rikoodhka ka qaadi doona laacibka reer Wale ee Gareth Pale.

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!