Ololihii Is Muujinta: Wasiir Khaarajigii Somaliland Oo Is Burinaaya! By Maxamed Haaruun

0
1156

 

By Maxamed Haaruun

Somaliland waa anbad. Ambad qudha maaha ee, waa ambad aan is ogayn! Inay Somaliland ambad tahay astaamo tilmaamaaya ayaa jira, kuwaasna waxa koow ka ah Wasiir Maxamed C/laahi Cumar (Digtoorka) iyo sidda uu taladii umadda ula ambaday, ee walina loogu eegaayo isagoo hadba gidaar kala soo go’aaya. Qaladaadka Digtoorka kuwii ugu dambeeyay baan faaqidayaa, hortiinana soo tubayaa ee idina marag iiga noqda.

“Hadda ayuu sii go’ay.” Ayaa laga hayaa niman uu bari mayd ay tunka ku wadeen ka siibtay oo dhulka uga dhacay! Reer-miyigeenna geela raacdaa na waxay ku maahmaahan, “Geelloow soco, oo soco, maalinta aad ciin daaqdid uun baa se laguu yaabaa.” In yar ila soco waan hubaa inaad iiga garaabi soo qaadashadda murtidane.

Digtoorkii Somaliland ee amuuraha Debedu, sidii caadada u ahayd, wuxu dhawr maalmood hortood ka soo laabtay mid ka mid ah safaraddiisa tiradda badan, ee hadana tayadda iyo tamarta daran oo markan ilaa UK uu ku gaadhay. Hadadan aan qoraalkan samaynaayay waxa I soo gaadhay inuu Dubai (UAE) u baqoolay isagoo sheegtay inuu hawl-qaran u baxay oo Marsadda Berberra sidii loo balaadhin lahaa wadankaas kala soo hadlaayo. Intaas oo dhab ah baan jeclaan lahaa! Waxad ba mararka qaarkood is odhanaysaa malaha ninkani ba ‘saar’ diyaarad raacis ah baa haya oo, si uu isaga cuudiyo uu siyaasadda ba u soo galay! Hadaanay sidaas ahayn, maxaynu kol uun wax la garto uga maqli waynay.

 Intii uu xilka hayay kun iyo koow jeer buu baxay, oo hadana soo noqday sidii jiir mus galay, wax ka badan “Meeqaam sare ayaa la igu qaabilay…” iyo “Casho/qado sharaf baan hebel ama heblaayo la qaatay…” iyo “Sumcadeenu kor bay u kacday…” miyaa  laga maqlay? Ma sidaas baa qaran lagu dhaqaa? Hadii muggaaguba noqdo maalin lagu casuumo, muraad umadeed na tunkaaga saaranyahay saw nasiib darro ma aha? Waatan manta taagan, sida uu wiilkaasi tallo umad dhan ula ambaday baanan idiin dildilaacin ee ila wadaaga.

“Mayd midkee u dambeeyay, iyo kan la sii sido baa la odhan jiray ee aan nasiib daradda halkii ugu dambaysay raadkeeda ka bilaabo. Digtoorku intii uu usbuucii tagay UK booqashadda ku joogay, wuxu aad uga hadlay TV yada Soomaalidu daawato, gaar ahaan Somali Channel TV, Horn Cable TV iyo Somaliland TV oo usbuucii koowaad ee bishan January, 2013 aad looga fiirsaday. Awal wuxu ku roonaa ceebtiisa ayuu ogaa, waxaanu si wayn uga digtoonaan jiray inuu warbaahinta hor yimaado. Si ay ka noqotayba, maanta ceebtiisii buu ilaaway, waanu is aasay. Wuu hadlay, oo hadlay, kalmad kasta oo uu sheegayna shakhsiyadiisa ayay si foolxun u qaawinaysay, isla markaana, waxay kashifaysay sida uu sabool uga yahay aqoonta ku saabsan shaqadda uu sheeganaayo inuu hayo. Qof kasta oo barnaamijyadaas daawaday, ama daawan doonaa (Dhamaadka qoraalkan ka gal youtube videos ka), oo maan fayaw ku dhugta waxa uu ninkaasi ku hadlaayo, waxan hubaa inuu si buuxda u dareemi doono waxa aan tilmaamaayo. Awalba wuu iska aamusnaa ee bal maxaa ka hadliyay? Bixiso uun iga dheh.

La soco……

 

 

 

Bal ila dhadhami qaladaadka meeshan is dul tuulan, ee xataa wiil adhi-jir ahi aanu gali Karin, ee ninkani (Digtoorku) uu dhex dabaalanaayo isagoo waliba sidaas PH.D culuumta siyaasadda ah ku sheeganaaya. Sida aad qoraalkan kaga bogan doontid, meelaha qaarkood ‘Digtoorku’ isaga ayaaba is burinaaya oo waan tilmaami uun, meelaha qaarkoodna, xaqiiqada ayuu si badheedh ah isaga baal marayaa, taasna waan tilmaami, qaybta sadexaadna, waxay muujinaysaa aqoon darro ka haysata waxyaabaha uu ka hadlaayo, iyadana waan tilmaami.

 

 Al-muhim, waxan soo ban dhigi dood qayaxan, oo ay tahay inuu wax ka yidhaaho, hadii kalena, uu xilka iska casilo. Dabcan waa hadii ay inyar oo damiir ahi ku laabantahay. Kolkaan sidaas leeyahay, waan ka dheregsanahay in xiliyo kala duwan, dad kala duwan, oo qaarkood ayba Digtoorka la shaqeeyeen ay qaladaadkiisa oo faahfaahsan, oo qaranka iyo xukuumadda maanta jirtaba dhabar-jab ku ah uga hadleen, laakiin aanay cidinna ka hoos qaadin. Xukuumadda Madaxwayne Silaanyo ceebaheeda waxa ka mid ah inaanay dhaliilaha korkeeda ku yaala daawayn iyo deedifayn midnaba kula dhaqaaqin ee ay sabab la'aan isaga dugsato. Hadaad aragtid ama maqashid nidaam iska huursanaaya wixii in la hufo u baahan, nidaamkaas, iyo umadda uu matalaayoba, mustaqbal wacani kama horeeyo

 

Sidee waraysiyadu ku yimaadeen:

Sidii dhaqanka u ahayd, ‘Digtoor’ Maxamed usbuucii koobaad ee bishan January 2013 ayuunbaa laga war helay inuu London joogo. Isla bisha saddexdeedii, waxa shir laba geesood ah Xafiiska Arimaha Debedda ee Ingiriiska ku lahaa Wasiirada Debedda ee UK iyo Soomaaliya (William iyo Foosiya), wariyayaashii maalintaas u tagay inay masuuliyiintaas waraystaan ayaana ‘Digtoorka’ si lama filaan ah ugu arkay isagoo jooga Xafiiskii Amuuraha Debedda ee Wasiiradu ay shirka ku lahaayeen. Siday ii sheegeen isla maalintaas wariyayaashii soo arkay, Digtoorku wuu ka fakaday oo hadal lamay gaadhin isaga. Kolkii uu ogaaday in la arkay, kadib ayaanu bilaabay inuu TV yada fadhigoodu London yahay badankooda la xidhiidho, si uu warkiisa u galiyo, sidaas baanay waraysiyadu ku yimaadeen.

 

 

Sidee hadaba wax u dhaceen ? Bal ila dhugo:

Akhriste, warkii tiradda badnaa ee Digtoorka Somaliland ee Arimaha Debeddu sii daayay idiin wada gali maayo, oo wad ku daalaysaan, laakiin meelaha ma-dhaafaanka ah ee qaladaadka taariikhiga ahi ku jiraan baan taaban. Bilawgiiba, wuxu ololihiisa is muujinta ah ka bilaabay TV ga Somali Channel la yidhaaho, waxaana waraystay Xassan-cadde. Muxuu Xassan waydiiyay, maxaa se ugu darnaa? Bilawgiiba, wariyuhu wuxu su’aalay sababta safarkiisa UK keentay. Wasiirku wuxu taas ku sheegay inay ahayd booqasho isaga gaar u ah, carabka ayaanu ku adkeeyay. Isla kolkiiba laakiin wuu ka daba tagay warkaas hore, waxanu sheegay inay booqashadii gaarka ahayd shaqo isu rogtay, oo durbadiiba ay xidhiidho u bilaabmeen isaga iyo Wasaaradda Khaarajiga ee Ingiriiska, uuna la kulmay Mark Simmonds oo ah qofka Wasaaraddaas u qaabilsan arimaha Africa. Bal u fiirso, booqashadii gaarka ahayd, iyo kulamada noocaas oo kale ah! Sida ku tala gal la’aan loola kulmo madaxdda Wasaaradda Khaarajiga iyo Wasaaradaha kaleba way adagtahay. Warkaas Digtorkana micnaha ku jiraa wuxu yahay, inaanay booqashadiisa UK ahayn mid gaar ah sida uu sheegay, wixii kulamo ah ee uu yeeshayna kuwo horey loo sii qorsheeyay ay ahaayeen. Dawladda Ingiriisku hadii ayna ogaynba inuu wadanka joogo wax xidhiidh ah lama samayn karto, qof masuul ah, oo kulamadda uu galaayo labadii biloodba mar la sii diyaariyo na ‘Digtoor’ Maxamed oo iska soo galay iskama heli karo. Halkaas runtii way maqantahay ee ii qabo.