Ololihii Is Muujinta: Wasiir Khaarajigii Somaliland Oo Is Burinaaya: By Maxamed Haaruun (Q-2-aad)

0
1204

 

By Maxamed Haaruun

Bal ila dhadhami qaladaadka meeshan is dul tuulan, ee xataa wiil adhi-jir ahi aanu gali Karin, ee ninkani (Digtoorku) uu dhex dabaalanaayo isagoo waliba sidaas PH.D culuumta siyaasadda ah ku sheeganaaya. Sida aad qoraalkan kaga bogan doontid, meelaha qaarkood ‘Digtoorku’ isaga ayaaba is burinaaya oo waan tilmaami uun, meelaha qaarkoodna, xaqiiqada ayuu si badheedh ah isaga baal marayaa, taasna waan tilmaami, qaybta sadexaadna, waxay muujinaysaa aqoon darro ka haysata waxyaabaha uu ka hadlaayo, iyadana waan tilmaami.

 Al-muhim, waxan soo ban dhigi dood qayaxan, oo ay tahay inuu wax ka yidhaaho, hadii kalena, uu xilka iska casilo. Dabcan waa hadii ay inyar oo damiir ahi ku laabantahay. Kolkaan sidaas leeyahay, waan ka dheregsanahay in xiliyo kala duwan, dad kala duwan, oo qaarkood ayba Digtoorka la shaqeeyeen ay qaladaadkiisa oo faahfaahsan, oo qaranka iyo xukuumadda maanta jirtaba dhabar-jab ku ah uga hadleen, laakiin aanay cidinna ka hoos qaadin. Xukuumadda Madaxwayne Silaanyo ceebaheeda waxa ka mid ah inaanay dhaliilaha korkeeda ku yaala daawayn iyo deedifayn midnaba kula dhaqaaqin ee ay sabab la'aan isaga dugsato. Hadaad aragtid ama maqashid nidaam iska huursanaaya wixii in la hufo u baahan, nidaamkaas, iyo umadda uu matalaayoba, mustaqbal wacani kama horeeyo

 Sidee waraysiyadu ku yimaadeen:

Sidii dhaqanka u ahayd, ‘Digtoor’ Maxamed usbuucii koobaad ee bishan January 2013 ayuunbaa laga war helay inuu London joogo. Isla bisha saddexdeedii, waxa shir laba geesood ah Xafiiska Arimaha Debedda ee Ingiriiska ku lahaa Wasiirada Debedda ee UK iyo Soomaaliya (William iyo Foosiya), wariyayaashii maalintaas u tagay inay masuuliyiintaas waraystaan ayaana ‘Digtoorka’ si lama filaan ah ugu arkay isagoo jooga Xafiiskii Amuuraha Debedda ee Wasiiradu ay shirka ku lahaayeen. Siday ii sheegeen isla maalintaas wariyayaashii soo arkay, Digtoorku wuu ka fakaday oo hadal lamay gaadhin isaga. Kolkii uu ogaaday in la arkay, kadib ayaanu bilaabay inuu TV yada fadhigoodu London yahay badankooda la xidhiidho, si uu warkiisa u galiyo, sidaas baanay waraysiyadu ku yimaadeen.

Sidee hadaba wax u dhaceen ? Bal ila dhugo:

Akhriste, warkii tiradda badnaa ee Digtoorka Somaliland ee Arimaha Debeddu sii daayay idiin wada gali maayo, oo wad ku daalaysaan, laakiin meelaha ma-dhaafaanka ah ee qaladaadka taariikhiga ahi ku jiraan baan taaban. Bilawgiiba, wuxu ololihiisa is muujinta ah ka bilaabay TV ga Somali Channel la yidhaaho, waxaana waraystay Xassan-cadde. Muxuu Xassan waydiiyay, maxaa se ugu darnaa? Bilawgiiba, wariyuhu wuxu su’aalay sababta safarkiisa UK keentay. Wasiirku wuxu taas ku sheegay inay ahayd booqasho isaga gaar u ah, carabka ayaanu ku adkeeyay. Isla kolkiiba laakiin wuu ka daba tagay warkaas hore, waxanu sheegay inay booqashadii gaarka ahayd shaqo isu rogtay, oo durbadiiba ay xidhiidho u bilaabmeen isaga iyo Wasaaradda Khaarajiga ee Ingiriiska, uuna la kulmay Mark Simmonds oo ah qofka Wasaaraddaas u qaabilsan arimaha Africa. Bal u fiirso, booqashadii gaarka ahayd, iyo kulamada noocaas oo kale ah! Sida ku tala gal la’aan loola kulmo madaxdda Wasaaradda Khaarajiga iyo Wasaaradaha kaleba way adagtahay. Warkaas Digtorkana micnaha ku jiraa wuxu yahay, inaanay booqashadiisa UK ahayn mid gaar ah sida uu sheegay, wixii kulamo ah ee uu yeeshayna kuwo horey loo sii qorsheeyay ay ahaayeen. Dawladda Ingiriisku hadii ayna ogaynba inuu wadanka joogo wax xidhiidh ah lama samayn karto, qof masuul ah, oo kulamadda uu galaayo labadii biloodba mar la sii diyaariyo na ‘Digtoor’ Maxamed oo iska soo galay iskama heli karo. Halkaas runtii way maqantahay ee ii qabo.

Ka gudub. Somali Channel waxay su’aashay: wax xidhiidho ah inay la yeesheen Madaxwaynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay. Digtoor Maxamed taas wuu deedifeeyay, waxaanu sheegay inaanu wax xidhiidh ahi kolnaba dhex marin; marka laga reebo tahniyadii ay doorashadiisii September 2012 u direen kadib. Hawraarsan! Warysigii baa sii socday, Wariye Xassan baa hadana si kale ugu dhigay, waxaanu Wasiirka waydiiyay inay Madaxwayne Xassan kula kulmeen shirkii Djibouti ee Af-Soomaaliga ee dhawaan qabsoomay iyo in kale. Wasiirkeenu wuxu sheegay inay labada madaxwayne kulmeen, is barteen, arimaha amniga ee mandiqadda ka wada hadleen, iyo waliba, sidii loo amba qaadi lahaa wada hadalkii labada dhinac. Wuxu intaas ku daray, inay labada madaxwayne intaas uun ka hadleen ee aanay siyaasad galin! Waa yaabe hadaanay intaasi siyaasad ahayn, maxaa siyaasad ah? Taloow muxuu siyaasadda u yaqaanaa? Waxa taasba ka daran, hadalkiisii dhawr daqiiqo ka hor, ee ahaa wax xidhiidh ahi nama dhex marin buu dib u masaxay!

Warysiga oo sii socday, waxa la su'aalay xidhiidhka Turkiga ay la leeyihiin, iyo guud ahaanba, halka ay marayso arintii 'ictiraafka' ee Somaliland. Wasiirku kolkuu arimahaas ka hadlaayay, wuxu si xishood la'aan ah u sheegay been qayaxan! Digtoorku wuxu yidhi, Xidhiidkha Turkigu meel wacan buu marayaa, intii aanu tagnay shirkii Soomaalida ee bishii May 2012 na aad buu xidhiidhkayagu u wacanyahay. Arinta 'ictiraafka' wuxu ka yidhi, "Waxan idiinku bushaaraynayaa inay haatan wadamo badan oo Africa ah, gaar ahaan wadamada Barriga Afrika diyaar u yihiin inay arintaas inagala shaqeeyaan, meel wacana ay arintu marayso! Cajiib: “ilayn af aan kugu oolin ma qabatid!” Baa nin laga sheegay.  Midda ku saabsan shirka Turkiga, anigu waxan qoraal ku hayaa xogtii ay bixiyeen Wasiiradii isaga la socday, qaarkoodna waanba la kulmay. Shirkaasi waxaan fadeexad iyo foolxumo ahayni kama dhicin, laakiin isaga (Digtoorka) qurux bay la tahay.