Odayaashii Beesha Hawiye Oo Dalka Ka Baxay Iyo Odayaashii Beelaha Kale Oo Xuska 18 May Shacabka La Qaybsanaya

0
456

Picture7Hargeysa(Geeska)-Odayaashii ka soo jeeday Beesha Hawiye ee qaybta ka ahaa guurtida ka socotay dalka Somaliya ayaa shalay dalka ka dhoofay, waxase ka hadhay odayaashii kale ee beelaha koonfurta iyo badhtamaha Somaliya, kuwaas oo sheegay inay reer Somaliland kala qayb geli doonaan dabaaldegga 18 May.

Si rasmi ah looma garanayo sababta ay odayaasha beesha Hawiye dalka uga baxeen, waxase la sheegayaa inay odayaasha Somaliya ka socday isku khilaafeen inay shacabka Somaliland kala qayb galaan dabaaldegga 18 May iyo in kale, waxaanay odayaasha Hawiye go’aansadeen inay dalka ka dhoofaan, kuna noqdaan Muqdisho, halka ay odayaashii kale ee beelaha kale go’aansadeen inay shacabka Somaliland kala qayb galaan xuska sannad guurada 23aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyadeeda kala soo noqotay wadanka Somaliya. Socdaalka odayaashan ayaa dareeno siyaasi ah ka dhex abuuray bulshada, waxaanay siyaasiyiinta mucaaradka ahi xukuumadda ku eedeeyeen soo dhawaynta odayaashan.