Odayaasha Degmada Garbo-dadar Oo Dalbaday In Laga Bedelo Maayarka Magaaladaas

0
755

Picture3Garbodadar(Geeska)-Qaar ka mid ah cuqaasha iyo odayaasha degmada Garbodadar ee gobalka Selel, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay ka badasho maayarka degmadaas oo ay ku eedeeyeen inuu isku dhuftay beelaha degmadaas wada dega.

Degmada Garbodadar ayaa ka tirsan gobalka Selel,Waxaanay sidan ku sheegeen cuqaasha iyo odayaasha degmada Garbodadar iyaga oo u waramaayay wargeyska Geeska Afrika.

Caaqil Maxamed Maal Suldaan oo ku hadlaayay afka cuqaashaas, isla markaasna cabashadooda ka hadlaayay waxa uu yidhi “Waxaanu ka cabanaynaa maayarka degmada Garbodadar, waxaanu kaga cabanaynaa dhibaatooyin iska horkeenid gacan ka hadal ah oo beelaha wada yaala Garbodadar uu ka dhex wado, waxaan degmadaas wada degen beelaha Samaroon,Ciise iyo Isaaq, beelahaas ayuu iska hor keen ka dhex abuuray dawladuna waa ay ogtahay, waftiyo ergooyin ah ayay hore noogu soo dirtay isaga ayaana ku gacan saydhay, aakhirkiina beelihii iyaga ayaa iska heshiiyay, waxaanay ka codsanayaan in laga badalo maayarkaas, fidnadaas dawladu waxa ay ku badashay maamulkii gobalka Selel badhasaabkii, ku xigeenkiisii iyo taliyihii qaybtaba, ninkii fidnada ka danbeeyayna wali waa uu joogaa, dhawr jeerna baaq ayaanu u soo dirnay, markaas madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka arimaha gudahaba waxaanu qaylo dheer ku gaadhsiinaynaa inay ninkaas naga badalaan.” 

Sida oo kale waxa baaqan ku jiray  caaqil Jaamac Axmed Suldaan,Caaqil Maxamed Cabdi Cali iyo Oday Maxamed Aw Cabdi Yabaal oo dhamaantood sheegay inay ka midaysan yihiin cabashada ay ka soo gudbiyeen maayarka degmada Garbodadar ee gobalka Selel.