Odayaal Reer Gabiley ah Oo Naqdiyay Hantyidhawrka Guud Ee Qaranka Oo Ay Eedeeyeen

0
1089

gabiley-logo1

Gabiley(Geeska)-Qaar ka mid ah cuqaasha iyo odayaasha magaalada Gabiley ee xarunta gobalka Gabiley, ayaa naqdiyay hantidhwaraha guud ee Qaranka Md. Maxamuud Aw Axmed, oo ay ku eedeeyeen inaanu daacad ka ahayn hawsha uu hayo.

Odayaashani waxay sheegeen in hantidhawrku uu si khaldan u wado hawshiisa uu ka waddo gobalka Gabiley, waxaanay ku tilmaameen inay cid gaar ahi ku shaqaysato, waxaanay baaq u direen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ay sheegeen inay hore ugu dacwoodeen. Odayaashani waxa kaleoo ay soo jeediyeen in laga bedelo guddoonka gobalka Gabiley.

Odayaashaas, sida aanu ka soo xiganay shabakadda Gabiley News, waxa ka mid ahaa Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, Caaqil Cabdi aw Cumar Warsame, Caaqil Maxamed Maxamuud Baxar,Caaqil Maxamed Sandheere iyo odayaal kale.