Odayaal Iyo Cuqaal Cambaareeyay Xafiiska Shirkada Salma Ee Wajaale Oo La Weeraray

0
600

Hargeysa (Geeska) Masuuliyiinta Shirkadda Ganacsiga Salma Group, odayaal iyo cuqaal ka soo jeeda Degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Hadhwanaag, ayaa cabasho ka muujiyey xarun shirkadda Salma Group ku leedahay Degmada  Wajaale oo ay dhibaato u geysteen maamulka Degmadaasi iyo urur iskaashato ah oo ka dhisan Degmada Wajaale.

Ganacsade Rashiid Aw Maxamed (Rashiid-Bushaaro) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Shirkadda Ganacsiga  Salma Group ayaa faah-faahin ka bixiyey siday wax u dhaceen. “Shirkadda haddaanu nahay waxyaabo dhibaato ah oo faro badan ayaa naga hor yimid oo is daba jooga, taasaa markaa nagu kaliftay inaanu shir jaraa’id qabano warbaahintana u yeedhno. Haddaan idiin bilaabo xafiiskayagii oo Somaliland ka sharciyaysan, oo sharcigiisii iyo wixiisii wada dhan yihiin ayaa albaabada loo xidhay oo la qufulay shaqaalihiina xabsiga la dhigay oo la xidh-xidhay. Afar iyo labaatan saac markay xidhnaayeen ganacsigiina naga xidhnaa ee la soo daayey waxaanu weydiinay maxaa nalagu xidhay, waxay yidhaahdeen baayac-mushtarkaa idin ashkateeyay, baayac-mushtarkaaasi waayo baanu nidhi, ciddii farta la noogu fiiqay waxay yidhaahdeen waxa ashkato ah oo xagayaga ka yimid ma jirto. Arintaasi markay dhacday kadib waxa dhacday oo kale in koox iskaashato ah oo gaadiidleyda kiraynta isku magacaabaa inay Tv-ga  noo soo fuuleen oo shirkadayda sumcaddeedii iyo waxyaalo badan ceebo u gaystay iyagoo ka dhigay shirkad aan deegaan ahayn dad caqabad ku ah horumarka Wajaale iyo Somalilandba oo dhibaato waddanka ku haysa. Boodhkayagii bay sawireen, intaasi markay dhacday kadib waxa dhacday haddana shan cisho kadib iyadoo wakhtigii salaada jimce lagu jiro oo maalintaasi maalin jimce ah tahay in kooxi intay yimaadeen Boodhkayagii jejibiyeen.”

Odayaal iyo cuqaal iyaguna hadlay waxay baaq u direen dadweynaha ku nool Degmada Wajaale iyo Xukuumadda Somaliland  mid ka mid ah ayaa yidhi “Asbaabta lagu carqaladayno ee waliba shaadhkii Dawladda loogu soo gabanayo maanaan garan. Dawladdu waxay xaq u leedahay Shirkadaha liisanka sharciga ah haysta inay ilaaliso ayaa xaq loogu leeyahay. Sababtoo ah cashuur fara badan bay waddanka soo galiyaan. Iyadaa liisanka siisay markaa Dawladdu inay ilaalisaa baa xaq loogu leeyahaye, dadka budhcadaynaya oo dagaal ganacsi ku jira inay u garab goryayso oo ay lugta u qabato waa xaaraan weeye.”

Caaqil kale ayaa isna yidhi  “Waxaanu garan waynay oo naga degi wayday in Shirkadayadii Salma Group la yidhaa waa ajaanib. Ninka aan garanayn Rashiid Bushaaro, Rashiid Aw  Maxamed X. Jaamac ninka aan garanayn waxan Bushaarooyinka la baxay oo dhami waa ninka ay ka koobiyeeyeen, cid aan garanayni ma jirto. Axmed Xasana waa Rashiid walaalkii cid waliba way garanaysaa Waddanka Burundi iyo Ugaandhiis bay keenaan qolyooyin kale ee ganacsatada ah waxbana kama sheegno.”

Caaqil kale ayaa isna yidhi “Loo joojin maayo nin shiidayna waxba ka guri maayo, oo ceeb waxaan ahayn ka qaadi maayo dibna loo shiidi maayo. Waxaan leeyahay walaalayaal dad badan kolka nin wax xumaynayo in badan oo wanaagsan baa ag joogta, intaa wanaagsan baanu la hadlaynaa. Waxanu leenahay adduunka iyo arinka iyo wada dhalashadaba aanu ilaashano, halaga qabto carqaladda halaga daayo war xooluhu way inaga dhaxeeyaane kolka aanu xumaani jirin”.