Odayaal Dhaqameed Ka Socda Beelaha Hawiye Oo Maanta Dalka Imanaya Iyo Su’aalaha La Iska weydiinayo

0
495

Picture3Hargeysa(Geeska)-Qiyaastii 50 oday dhaqameed oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye ee wadanka Somaliya ayaa la filayaa inay maanta soo gaadhaan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa ee Somaliland, iyagoo ka soo socdaalaya magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada ay odayaashani u socdaan, waxase soo baxaya warar sheegaya inuu soo diray Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayna u socdaan arrimo siyaasadeed, waxanaa sidoo kale  warar kale oo sheegaya in socdaalka odayaashu yahay mashruuc laga soo qaatay dawladda Turkiga oo la xidhiidh is dhex galka bulshada Somaliland iyo Somaliya.

Xukuumadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino safarka odayashan ayaanay noo suurtogelin, waxase la ogyahay inay xukuumadu ka war qabto socdaalka odayaashaas, waxaana ujeedada socdaalkooda rasmiga ah la ogaan doonaa marka ay Hargeysa yimaadaan iyo dadka ay la kulmaan.

Xukuumadda Somaliland ayaa madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ka mamnuucday inay safaro ku tagaan dalka Somaliya, waxase la isweydiinayaa sababta ay haddana u ogolaatay inay odayaal reer Somaliya ahi ay wadanka yimaadeen.