Obama Waxa Uu Weli Sheeganayaa Madaxweyne: Dood Ka Dhalatay Cinwaanno Aanu Iska Beddelin Markuu Xilka Ka Degey

0
657

Washington (Geeska)- Sheekada  xiisaha badan ee maalmihii u dambeeyey loogu hadal-haynta badnaa dalka Maraykanka gudihiisa iyo meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa ahayd dareen ay dadka qaar ka qaateen madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama oo aan weli beddelin qaar ka mid ah cinwaannadiisii xilligii uu madaxweynaha ahaa ee muujinayey xilka uu hayo.

Waxa ay u muuqataa in madaxweynaha hore uu weli liqi kari la’ yahay waaqaca runta ah ee hor yaalla, oo ah in uu isagu yahay muwaadin caadiya, dalka Maraykankana uu maanta u arrimiyo Donald Trump. Waxaa taas u marag ah sida aanu weli madaxweynihii hore BArak Obama u beddelin cinwaannadiisa ay ka mid yihiin bogga uu ku leeyahay barkulanka  shaqaalaysiinta ee LinkedIn oo aanu weli wax is beddel ah ku samayn taariikh-nololeedkiisii koobnaa ee ku diwaangashaday boggga, gaar ahaan shaqadiisa hore u ahayd , ‘Madaxweynaha dalka Maraykanka’ oo aanu weli beddelin’ Sidoo kale Obama cinwaanka uu ku leeyahay boggan caanka ah waxa aanu weli ka beddelin cinwaanka guriga uu deggen yahay, waxa aana weli ku qoran in uu yahay madaxweynaha Maraykanka oo deggen Guriga Cad.

Barak Obama waxa uu boggiisa shabakaddan internet ka ee caanka ku ah shaqaalaysiinta iska diiwaangeliyey sannadkii 2007-da, oo uu ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka Odayaasha Maraykanka oo uu ka soo geli jiray gobalka Ilinois ee dalka Maraykanka.

Arrintan oo dalka Maraykanka ka dhex abuurtay doodo kaftan iyo maadays ah, oo dadka qaar ay Madaxweynaha hore ku dacaayadaynayaan in uu weli isu aqoonsan kari la’ yahay ayaa su’aalaha sababtooda ay dadku aad isu weydiinayaan waxaa ka mid ah sababta Barak Obama weli u beddeli waayey arrimaha u muujinaya in uu madaxweyne dalka ka yahay, isaga oo xilkaas ka sii maqan muddo bil ka badan, sidoo kale astaamaha weli sii muuqda waxaa ka mid ah sawirka u yaalla bogga LinkedIn oo ah sawirka rasmiga ah ee madaxweynenimada looga qaaday, sida la og yahayna aalaaba sawirkaas waxaa leh Guriga Cad waxa aana loo isticmaalaa arrimaha rasmiga ah oo keliya. Iyada oo sida quruxda badani ahayd in madaxweynuhu uu bartiisan soo dhigto sawirro muujinayo xaqiiqada xaaladdiisa xilkii kadib iyo in uu yahay muwaadin caadiya oo aanu calanku dhinac kaga sawirnayn.

Mid ka mid ah dadka faallada ka bixiyey dhacdadan ayaa si kaftan ah waxa uu boggiisa LinkedIn ugu jawaabay Barak Obama oo u uugu qoray hadallo macnahoodu yahay, “Waa aanu ku jecelnahay Obamoow, laakiin madaxweyne ma’ tihid”