Obama Oo Telefoon Hanjabaad Ah U Diray Madaxweynaha Afganistaan

0
595

Picture5Madaxweynaha Afghanistaan ee xilka kasii dagaya Xamiid Karsaay ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo isagu telefoon u diray. Labada madaxweyne ayaa isku afgaran waayay telefoonka, ka dib markii ay hadalo kulkulul isweydaarsadeen.

Obama ayaa ka codsanayey inuu saxeexo heshiiskii Maraykanka iyo Afghanistaan ee ciidamada Maraykanka kusii hadhi doona dalkaasi wixii ka danbeeya sanadkan.  Madaxweyne Barack Obama ayaa uga digay dhiggiisa dalka Afghanistan in ciidammadiisa uu kala soo bixi doono dalka Afghanistan marka uu dhamaado sanadka 2014-ka. Obama ayaa warkan u gudbiyay madaxweyne Xaamid Karzai.

Xamiid Karsaay ayaa diidan inuu saxeexo heshiiskan oo u ogolaanaya Maraykanka inuu 10 kun oo askari usii joogaan dalka Afghanistaan, wuxuu sidoo kale heshiiskan xasaanad siinayaa dhamaan Askartaasi Maraykanka iyo kuwa qandaraaska ka qaata in aan maxkamadaha Afghanistaan lasoo taagi karin hadii ay danbi galaan.

Xamiid Karsaay ayaa tan iyo bishii Oktoober ee sanadkii lasoo dhaafay diidan inuu heshiiskan saxeexo wuxuuna sheegay in hawshan ay u taal Dowlada cusub ee kasoo bixi doonta doorashooyinka Afghanistaan ee la qorsheeyey inay dhacaan 5ta April.

Obama ayaa sheegay in Maraykanka uu hada bilaabayo inuu gebi ahaan kala baxo ciidamadiisa afghanistaan isagoo sheegay in wakhti dheer u baahan yihiin qorsheynta daadgureynta ciidamadooda.

Afhayeenka Aqalka cad, Jay Carney, ayaa sheegay iin wasaaradda difaaca ee Maraykanka ay diyaar u tahay wax kastoo suura gal ah.

Waa markii ugu horeysay in muddo ah oo uu Obama telefoonka kula xidhiidho Madaxweynaha afghanistaan Karsaay oo xidhiidhkoodu aanu fiicnayn sanadihii lasoo dhaafay, qaadacaada Xamid Karsaay ee codsiga Obama ayaa muujineysa heerka uu hada marayo xidhiidhkoodu.