Obama Oo La Kulmay Boqorka Dalka Sucuudiga

0
854

Picture2Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shalay gabal dhicii kulan la yeeshay  Sacuudiga Boqor Abdallah Bin Abdulaziz si wax looga qabto khilaafka labada dal ee ka dhashey danaha nabadgelyaha ee guud ahaan gobolka Bariga Dhexe. Madaxweyne Obama ayaa shalay safar ku tagay wadanka Sucuudiga.

Intii uu kulanku socday, wuxuu Madaxweyne Obama boqorka Sucuudiga u damaanad qaaday in qorsheyaasha uu Maraykanku ciidamadiisa kagala baxayo Ciraaq iyo Afganistaan aanay ahayn siyaasad uu ku dhayalsanayo wadamada Carabta, balse uu tixgelin maamulkiisu u hayo wadamada Carabta.

 Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ka sokow dagaalka sokeeye ee ka jira Syria ay hoggaamiyeyaasha labada dal kulankooda ku faaqideen  arrimaha Iran, Masar, wadahadallada nabadeed ee aan cagaha badan ku tagneyn ee Israel iyo Falastiiniyiinta, iyo weliba dadaalada loogu jiro ka hortagga argagixisada.

Sacuudigu waxaa uu dhowr jeer dhaliilay siyaasadda maraykanka ee Bariga dhexe, iyada oo waxyaabaha ay ku eedeeyeen ay ka mid tahay in Maraykanku aanu tallaabbo militeri ka qaadin madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad.

Dagaalka sokeeye ee muddada saddexda sanno socdey ayaa Bariga Dhexe ka dhaliyey xiisado dhinaca mad-habta diinta ku saleysan, waxaana Sacuudiga uu si weyn uga cadhooday talaabadi Mareykanka uu sannadkii hore kaga baaqsadey qorshihii la doonayey in lagu hubeeyo falaagada dagaalka kula jirta xukuumadda Syria ee Madaxweyne Bashar al-Assad.

Sacuudigu waxaa kale oo uu ka shakisan yahay isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo Iran, iyo siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Masar.