Obama Iyo Puntin Oo Telefoonka Ku Wada Hadlay

0
859

Picture3Hargeysa(Geeska)-Labada hoggaamiye ee Maraykanka iyo Ruushka, ayaa telefoon ku wada hadlay Jicmihii, kaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa telefoonka kula xidhiidha dhigiisa Maraykanka, Barack Obama, si ay uga wada hadlaan qaab diblomaasiyadeed oo xal loogu heli karo xiisadda ka taagan wadanka Ukraine.

Mr Obama ayaa soo jeediyay in Ruushka uu soo diyaariyo qoraal ku saabsan sida ay la tahay in xaaladda wax loogaga qaban karo.

Waxaa uu Obama intaa ku daray in Ruushka uu ciidamadiisa kala baxo gobolka Crimea, isla markaana aanu gelin bariga Ukraine.

Putin ayaa dhankiisa u sheegay Obama in koox xagjir ah oo ka howlgasha Ukraine ay dhibaato ku hayaan muwaadiniinta Ruushka ah ee Ukraine ku nool.

Dhanka kale, gaashaanbuurta NATO ayaa walaac ka muujisay ciidammada faraha badan ee uu Ruushka geeyay soohdinta uu la wadaago Ukraine.

Labada hoggaamiye ayaa isla qaatay in ay dhawaan kulmaan labada wasiir arrimo dibadeed ee Maraykanka iyo Ruushka si ay u sii ambo qaadaan wada hadalka Telefoon.

 

Laba warsaxaafadeed oo ka soo kala baxay aqalada looga taliyo Maraykanka iyo Ruushka, ayaa u muujiyay sida ay labada hoggaamiye weli u kala durugsanyihiin, dhinac waliba wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku muujiyay waxyaabo uu sheegay inuu kala hadlay madaxweynaha uu la hadlayay.