Nuxurka Warqad Hanjabaad Iyo Digniin Ah Oo Xambaarsan Laba Qodob Oo Uu Ergayga Qaramada Midoobay U Soo Qoray Somaliland Iyo Puntland

36
2852

Nayrobi(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, u soo diray warqad uu kaga dalbanayo in dagaalka la joojiyo islamarkaana la bilaabo wada hadal siyaasadeed oo lagu bedelayo dagaalkii dhawaan qarxay.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo diblomaasiyadeed, danjire Keating ayaa dhambaalkan soo gaadhsiiyay Somaliland iyo Puntland toddobaadkan, waxaanu dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland kaga codsaday inay si deg deg ah u bilaabaan wada hadal, si loo baajiyo in dagaal dambe dhaco.

Sida ay xogahani sheegeen wuxuu danjire Keating Somaliland iyo Puntland ku wargeliyay go’aan uu sheegay inay Qaramada Midoobay gaadhay oo ah in laga joojin doono mucaawooyinka iyo weliba la macaamilkaba haddii ay joojin waayaan dagaalka islamarkaana bilaabi waayaan wada hadalo.

Xogo kale ayaa iyaguna sheegay inaanay dawladda Somaliland weli ka  jawaabin qoraalka danjiraha Qaramada Midoobay oo ah mid aan saxaafadda loogu tallo gelin, waxase la filayaa inay si deg deg ah uga jawaabto.

Geesta kale, warar aan la xaqiijin  Karin ayaa Geeska Afrika u sheegay  in danjire Keating uu Somaliland iyo Puntland kala noqday niyad jab, ka dib markii ay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland ka gaws adaygeen laba qodob oo uu ula tagay.

Warku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland Mr. Gaas oo uu ku soo horeeyay uu ka diiday in dagaalka uu baajiyo, waxaanu ugu hanjabay inuu dagaal ku qaadi doono Somaliland haddii aanu Madaxweyne Biixi ciidamada Somaliland ka saarin Tukaraq, ka hor bisha barakaysan ee Ramadaan. Mr. Gaas ayaa u muuqda inuu ka dhabeeyay hanjabaadiisa ka dib markii ay ciidamada Puntland soo weerareen Somaliland 15 May oo ahayd laba maalmood ka hor Ramadaantii, waxaanu hadalkaas Mr. Keating u sheegay 12 May oo ay Garowe ku kulmeen.

War kalena wuxuu sheegay in Mr. Keating uu isku dayay inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku qanciyo inuu telefoon kula hadlo Madaxweynaha Puntland Mr. Gaas. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu ka gaws adaygay inuu telefoon kula hadlo Madaxweynaha Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here