Nuxurka Khudbad Uu Madaxweyne Muuse Ka Jeediyay Kulan Uu Shalay U Furay Wasiiradiisa

0
891

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay khudbad ka jeediyay kulan loogu yeedhay “Kulan wada tashi ah” oo ay yeelanayaan golaha wasiirada Somaliland, waxaanu soo bandhigay madaxweynuhu caqabadaha maamulkiisa horyaala, waxyaabaha laga sugayo, arrimaha ay tahay in deg deg wax looga qabto iyo qodobo kale.

Ugu horayn Madaxweynaha oo ka hadlaya dadka uu xilalka u magacaabay iyo qodobada shirkan lagaga wada hadli doono wuxuu yidhi “Dadka la magacaabay rag iyo dumarba hore umay wada shaqayn isma yaqaanaan meelna way ka wada duuli doonaan oo iyaga oo koox ah inay wada shaqeeyaan ayaa laga rabaa waxay u baahan yihiin inay iyagu is bartaan, rayiyaal badana ay is waydiiyaan oo iyaga oo is garanaaya oo koox ahaana siday u wada shaqayn lahaayeen garanaaya ay shaqada bilaabaan.

Qodobka labaad waxa uu ahaa wasaaradii waa laysku raray qaar oo waa la soo koobay, waxa la sameeyay haayado madaxbanaan markaas taas lafteeda in laysla fahmo oo sida ay u wada shaqaynayaan haayadii in lays waydiiyo oo haayada madaxbanaan ee baarlamaanku uu madax baneeyay wasaarad shaqo kuma laha ee maareeyaheeda ayaa leh, wado nidaam uunbay wasaaradu u tahay, labada wasaaradood hawlaa qaar ayay iska soo galaan waa in la kala qeexaa oo shirkan aad loogu lafo guraa , nidaaminta sida ay dawladu u wada shaqayso oo aanay goor dhaw murug badani aanu galin marka la wada shaqaynaayo, waxa kale oo uu ka faa’ido yahay dadku marka ay wada shaqaynayaan hadii ay wax dhex galaan way is garanayaan oo waa dad soo shiray oo wax iswaydiiyay oo wada xidhiidhi kara  laakiin haddii aanay isba aragba isma fahmi karaan, inta ugu weyn ee maanta shirkan aynu xooga saaraynaa waa is barashada  iyo wada shaqaynta xukuumada iyo inay isla fahmaan siday u kala qeexan yihiin hawlaha shaqo.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxa kale oo ka mid ahaa qodobada shirkan loogu talo galay markii la soo jeedinaayay inuu golahu noqdo mishiin, oo mishiinka intaas oo biro ah oo gubanaaya waxa looga jeedaa inuu soo baxo awood dhaqaajineed, golahu inuu noqdo marka uu isagu wada joogo mid dab ka kaco kulul oo waxa is waydaaranayaa ay is dhaafaan oo isku dhacaan oo meel kulul noqota laakiin marka irida laga baxo uu ka soo baxo xoog dhan u wada jeedaa, muhiimada la rabo inuu shirkani abuuraa waa taas.Hawlaha inoo yaalaa way badan yihiin waxaynu soo galnay ollole siyaasadeed dadka waxbaynu u balan qaadnay, balamo waaweyn ayaynu qaadnay inagoo xisbiga Kulmiye ah barnaamij lix tiir ah oo qurux badan oo dadku ay aamineen ayaynu samaynay waxaan rabaa in barnaamijkii la furfuro oo 23-tankaas wasaaradood  mid waliba qorshaheedii la baxdo oo ay u samayso sanadle lixbiloodle iyo saddex biloodle qorshe ah oo ka dheegan barnaamijkii xisbiga, wasiirkii waxa laga rabaa in aanu noqon qof maalin kasta shaqeeya oo ay qof uun murmayaane, markuu hagaayo wasaaradii inuu isagu qorshahaas sameeyo, oo uu hawshii ku xigeenka ama agaasimaha u dhaafo iyo dadkii kale ee shaqaynaayay.”

Madaxweyne Biixi oo khudbadiisa waa uu sii watay”waxaynu xeer ka yeelanaynaa dadkeena wada shaqeeyaa haddii waxii aynu isku raacnay qof ka qaldamo maxaynu ka yeelnaa, haddii marka laga baxo uu yidhaahdo wanigu waan soo jeediyay ee waa lay diiday oo waliba wasiirkii loo arkaayo inuu deegaan ka soo jeeday oo kiina dabada sii galiyo meelna tagimayno ee waynu iska hor imanaynaa, iska ilow deegaankaad ka timi, laakiin deegaankaad ka timi waa in aanay keenin inaad dhankaas qaranka u jiido waxa laga rabaa ninka siyaasiga ah in uu soo jiido deegaankiisa, waana ta inta badan aanay dawladaa Afrikaanku samayn ee ay dib u kala gurtaan.”

Waxa uu madaxweynuu ka hadlay sida loo qorshaynaayo waxyaabaa la qabanaayo”Waxaynu u baahanay 120 cisho ee hore maxaynu qaban karnaa  ee run ah gudidii qabanqaabadu qorshay soo samaysay, qaar kale oo aanu samaynayna waa ay jiraan waanu idiin keeni idinkuna waydun ku dari, maxaa inoo suurto gal ah oo aynu qaadanaa ayaa ka horaysa, dhibaatooyinka muhiimka ah ee ina horyaala sadex uunbaan u arkaa anigu, midi waa nabadgalyada marka la furfuro waa mid gudaha ah iyo mid dibada ah ta dibada ah waa la yaqaanaa, ciidanka qaranka ayaa qaabilsan, sahanka ama qolada wardoonka ah ayaa qaabilsan, hadday tahay dadka wax kharbuda iyo cadaw inagu soo duulaba iyaga ayaa inoo diyaara, ta gudaha ayaa maanta culays badan, kow dadkii oo qaybsan oo reernimadii ay ka xoogweyntahay qaranimadii, laakiin idinku waxaad Alle ku mahadisaan inteena halkan fadhida nina reer kaliyaati ma soo dooran, aniga reer ima soo dooran ee qaranka oo dhan ayaa idoortay labadii mucaaradna way igu raaceen, markaas reer I sheegan kara oo dabada i jiidi karaa  ma jiro, wasiirada halkan fadhiyana nina odayaal iyo caaqil ma keenin mana ogayn cid imanaysa, codkii umadda ee lay dhiibay awoodiisii ayuunbaan idinkana idiinku yeedhay markaas waad ka nasiib badan tihiin nin ollole soo galay oo oday,laba oday iyo caaqil iyo reer ay umana sheeganayaan, waataanu hebel kaa reebnayna ma lihidin, mar hadday sidaas tahay qabyaaladii waxay noqotay awooda kaliyaata ee duminaysa qaranimadii, si cilmiyan ah oo siyaasad dheer leh waa inaan uga fikirnaa, faqrigii iyo shaqo la’aantii waxay keentay inay abuurmaan budhcad oo magaalooyinka maanta hadii aynaan talaabo u qaadin waxa abuurmaaya ciidan qaanac ah oo 20,30 jiro ah oo budhcad ah kuma xejin karno inaan nidhaahno booliskow is eryada uun, xabsiyadu waa ay buuxaan halkii loogu talo galay inay shan qof jiifaan boqolbaa ku jira, hadaad aragtaan waxaad is odhanaysaan abaaruu waxay idiinku dhacayaan maxaabiista danbiga aad ka gasheen waa mushkilad nabadgalyada khatar ku ah oo u baahan in si qaranimo looga hawlgalo.”

Madaxweyne Biixi waxa uu ka hadlay tacadiyada haweenka lagula kaco”waxa layaab ah in kufsigu uu inuugu korhay si boqolkiiba afar boqol ah labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay intaan dalka joognay, macquul maaha in intii aynu dalka joognay ee aynu maamulaynay inuu kufsigu ka bato sanadadii hore  oo uu waliba noqdo wax la dhagaysan karo oo aan la’la yaabin oo aad maqlayso toban inan oo inaanta ay is garanayaan oo jaarkooda ah inay wadar wadar u kufsadaan oo ciqaabtoodiina ay noqoto odayaalbaa ka heshiiyay, xataa waxa dhintay dhaqankii qabaliga ahaa ninka inan faraxumeeya waa la dili jiray oo inaanta reerkooda ayuu ka baqan jiray xataa kiibaa jabay oo fududaaday, waa qodobadada ugu waaweyn ee dawlad ahaan ina horyaala, waxaas oo dhana badankooda waxa keenay faqriga, wasaarada maaliyaduna cashuur labda kastam ah nagu wadi karimayso, wax soo saar ayaynu u baahanay, miisaaniyadeednana waxa ugu yar kuwa wax soo saaraya hadii lasku wada geeyo Tv-ga qaranka ayaa ka badan lacagta ku baxda markaas beerii,xoolii iyo kaluunka miisaaniyad ma siino oo wax kama soo saarno borobogaandadii iyo TV-gu Yurub buu gaadhaana, maxaynu Tv-ga lacag galinaa waxaynu gaadhsiinaba ma haynee, ma lihi Tv-ga iyo idaacada haladaayo, ma waxbaynu soo saarnaa mise waxbaynu fidinaa, dhibaatooyinka ina horyaalaa ma yara.”

Ugu danaynti waxa uu madaxweyne Muuse Biixi uu shirkan uu isugu yeedhay golihiisa wasiirada uu ka yidhi”Bisha 3/2019-ka waxa laynaga rabaa doorashadii baarlamaanka iyo dawladaa hoose, doorashadii madaxweynaa aynu la raagnee  sumcad weyn oo ictiraafka intii laga doonayay  in badan inoo dhawaysa  ayay qaaday haday taasi inagu daahdo oo aynu nidhaahno korodhsiimo kale aynu galno waa dib u dhac kale ta kalena xaqba maaha oo wakiiladu waxay fadhiyaan 12 sano guurtiduna waxay fadhidaa 20 sano, qoladan dawladaa hoosena way sii durkayaan, doorashadii inaan sanad ku qabano ayaa laynaga doonayaa, waxa kaliyaata ee inaga saaraaya wasiirka baatroolka iyo macdantu haddii intaas wax inaga soo gaadhsiiyo. adhigii waa xidhan yahay kamana hadalno oo waxaad moodaa inaan hoos u dhignay, caqabadahaas badan ayaa ina horyaala anigu waan guddoomiyaaye ciidanka aan haystaana waa idinka, waxaynu isku dardaaraynaa idnka iyo aniguba waxaas ina horyaala inaan aad uga fikirno maxaa dhab ah oo aynu qaban karnaana aynu xaqiiqo istaagno, borobogaandadana iska yarayno, kolba taagteenana talaabsano inaga oo daacad ah allena la kaashanayna oo midnimo ku shaqaynayna, mucaaradbaa ina caayayana aynaan dhag u dhigin waxii run ah ayuunbaa socotee, iyagana xaqooda ayaynu siinaynaa oo mucaaradada ayaynu u ogolnahay iyo wadashaqaynta qaranka, inay dhaliisheenana sheegaan qarankana waynu wada dhisano, iyagana aynu ku soo dabaalno xerada ah wax ma wada qabanaa yaynaan weel madhan isku diline, dhibaatada ina hortaala ayaa badane ma wada shaqaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here