Nuxurka Heshiiska Ay Hargeysa Ku Kala Saxeexdeen Dawlada Somaliland Iyo Khaatumo

0
632

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ayaa heshiis rasmi ah ku kala saxeexday caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Heshiiskan oo uu dawladda Somaliland u saxeexay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Khaatumana uu u saxeexay Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar, waxa uu ka koobnaa shan qodob oo kala ah

1.  Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa loo wada gaadhi lahaa

2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin

3. In dastuurka Somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda goleyaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.

4. In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo  iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.

5. In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si loo dhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.