Nuxurka Heshiis Coca Cola Ku Balaadhiyo Qaybo Ka Mid Ah Biyaha Caasimadda Hargeysa

0
632

Hargeysa (Geeska)- Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharaxaad ka bixiyey mashruuc shan milyan oo doolar ah oo shirkada Coca Cola Africa ay ugu deeqday Somaliland.

Mashruucaasi oo qayb ka ah biyo balaadhinta caasimada Hargeysa ayaa waxa qalinka ku duugay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, waxa  mashruucaasi soo dhamaysay oo fulinaysa shirkada waddani gah ee SBI Cocala.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay munaasibada maanta lagu qabtay xarunta wakaalada biyaha ee Hargeysa lagu saxeexay mashruucaasi waxaanu yidhi “ Ugu horayn waxaynu u mahad naqaynaa ILAHAY (SWT) inoo suuro galiyey nimcooyinkiisa kala duwan, marka labaad waxaanu u mahad naqaynaa shirkada SBI Cocala, oo maanta halkan inoo keentay deeq weyn oo mashruuc lacag ilaa shan milyan oo doolar ku kacaya ay fulin doonaan. Biyuhu waa aas-aaska nolosha bini-aadamkuna ma noolaan karo biyo la’aan, waa udub dhaxaadka nolosha iyada oo laga duulayo muhiimada ay biyuhu xambaarsan yihiin Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo markii ay tallada dalkan haaneeday waxa daraasad aanu ku samaynay noo soo baxday in magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo ay maanta ku nool yihiin ilaa hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof ( 1, 200, 000), dhibaatada ugu weynina ay ka jirto biyo la’aan.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Caasimadu maanta Somaliland waa meesha bulsho urursani ay ugu badan tahay, masuuliyad weyn ayaa dawladda ka saaran dadka intaa le’eg ee meel ku urursan ee dhibaatada ugu wayni ay tahay biyo la’aan, maaha caafimaad la’aan, mana aha wax kale, dadku wadooyinka oo la xun way noolaan karaan, laakiin biyo la’aan laguma noolaan karo, markaa Annagu xukuumad ahaan waxaanu biyaha u aragnay inay yihiin mudnaanta ugu horaysa ee waajib naga saaran yahay in aanu u baadi doon galano, yabooh ayaanu u galnay, dunida ayaanu maqdarad u dhiganay waxaanu dunida ku qancinay in maanta mashruuca ugu weyn ee magaallo madaxda dalku ay u baahan tahay uu yahay biyo balaadhin, magaalada biyo way ku jiraan qaybo ka mida laakiin bulshada inteeda badani maanta biyo ma cabto, qaybta cabtaana khatar ayey ku jirtay in ay biyahaasi sii yaraadaan.”

“ Kow ceelashii hore ee Geed-deeble ka qodnaa way yaraadeen, oo mudo ayaa la qoryo-qoryeynayey, waxaynu u baahan nahay ceelal cusub, waxa kale oo iyada aynu u baahan nahay beebka ka yimaada Geed-deeble, waayo beebkii hore ee la sameeyey dhawr iyo sideetankii mashruucii dawladda shiinaha ayuu ahaa, waxa weeye beeb bir ah, wuxuu keeni karayaa dhibaatooyin caafimaad darro, waayo daxal ayaa ku dhalanaya, muhiimad weyn ayaanu u arkaynay in la badelo. Mar labaadna wuu yaraa oo 12 Inch ayuu ka koobnaa. Markaa mashruucan hada gacanta lagu hayo ee Xukuumaddu hada diyaarisay, waxa weeye mashruuc weyn oo biyaha caasimada lagu balaadhinayo, kow ceelasha uu ka soo farcamayo waa la balaadhinayaa oo ceelal cusub ayaa la qodayaa, laba taangiyo iyo kaydad hor leh ayaa la samaynayaa, sadex beeb weyn oo kii hore ka weyn ayaa lagu soo qaadayaa,  casri ah oo hoosta dhoobo ku leh oo aan daxaloobi karina, oo 24 Inch ah, beebkaas oo aasan oo aan dhulka dul maraynin, waxa kale oo uu xambaarsan yahay hab casri ah ayaa loo samaynayaa oo la arkayo halka uu ka daacayo, xadiga biyaha maraya iyo halka uu ka xun yahay.”

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena yidhi “ Qorshe aad u weyn ayuu ahaa, qorshahaa lacag aad u faro badan ayaa inaga baxday, waanu mahad naqaynaa dawladihii inaga caawiyey, sida dawladda Ingiirska. Wuxuu ka mid yahay mashaariicda ugu waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta u meel maray. Wuxuu ahaa mashruuc weyn oo ay ku baxayso ilaa dhawr iyo lixdan milyan oo doolar. Marka la helo biyo ku filan dadka Hargeysa ku nool oo Malyuun iyo laba boqol oo kun oo qof ah, waxaynu u baahanaynaa in magaaladii lagu qaybiyo oo guryihii la galiyo, halkaas ayey ka soo baxday baahidan maanta shirkada Coca Cola Africa ay daboolaysaa, dawladda Germany waanu u mahad naqaynaa, waxay iyaguna qaabileen qayb ka mida biyo galinta magaalada, lacag ilaa 20 Milyan ah ayey galinayaan, shirkada Coca Cola, iyaduna qaybtii hadhay ee aan biyo galintaasi gaadhayn ayey daboolayaan, Xaafada Axmed Dhagax qaybo ka mida, Maxamuud Haybe qaybo ka mida iyo qaybo ka mida Koodbuur, aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqayaa Coca Cola Africa, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa shirkada SBI iyo qoyska ila Geelle, Mustafe Cismaan iyo Axmed-ba waanu u mahad naqaynaa dadkoodii ayey mashruucaas u soo luleen, anagguna Xukuumad ahaan waxaanu balan qaadaynaa in aanu fulin doono masuuliyada inta nagaga beegan, warqadan balan qaadka ahna waanu saxeexaynaa, bulshada Somaliland waxaanu ugu baaqaynayaa inay la shaqeeyaan Wakaalada biyaha, iyo hay’ada dawlladda ee ku hawshoon biyo balaadhinta caasimada Hargeysa.” 

Waxa isna halkaas ka hadlay maareeyaha shirkadda SBI Coca cola Mustafe Cismaan Geele, ayaa sheegay doorka ay shirkadda SBI ku leedahay biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa, waxaanu sheegay inay ka  shirkad ahaan hawshaas dabooli doonaan.asiirada biyaha iyo wasiirka qorshaynta ayaa iyaguna halkaas hadalo ka jeediyay, waxaanay u mahadceliyeen shirkadda Coca Cola.