Ninku Waxa Uu Neceb Yahay Tafaasiisha, Markaasay Gabadhuna U Aragtaa In Ay Calool Xumo Ka Tahay

0
1070

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Ninku waxa uu neceb yahay tafaasiisha iyo sharraxaadda badan, xataa tafaasiisha midabbada ayaa uu sidaas ku yahay oo tusaale ahaan, marka ay gabadhu ka dalbato in midabka ku habboon uu u dooro labbiska ay xidhanayso ama qalab guriga loo soo iibinayo iyo arrimo la mid ah, waxa uu uga hadlaa si kooban, taas oo marar badan keenta in gabadhu ay u qaadato in ay niyad xumo iyo macaamil xumo ka tahay, laakiin runtu ay tahay in dabeecad abuura ay ka tahay oo aanu awoodin in uu sheego wax intaas ka badan. Sida ay khubarada cilmi nafsigu xaqiijiyeen maskaxda ninku waxa ay dhayalsataa, macno darrana u aragtaa tafaasiisha badan, sidaa awgeed arrimo badan tafaasiishooda ninku waa uu is dhaafiya oo dheg uma dhigo, dhinaca kalana waa sababta keenta in hadallo badan iyo ficillo badan oo lagu leeyahay ama lagu yidhi aanay dhibin ninka iyada oo laga yaabo in gabadhu ay ka gubanayso ama aad uga xumaanayso, keliya farqiga arrintaas keenay waa ninka oo aan tafaasiisha iyo sharraxaadda arrintaas gelayn iyo gabadha oo aanay tafaasiil la’aan waxba dhaafayn; waxa aad arkaysaa ninka oo si deggen oo aan dhib ku hayn ku dhaafaya arrimo badan, noloshiisana aan raaxada ka qaadayn iyo gabadha oo gubanaysa oo joog iyo jiifba u diiddan arrimo isla kuwaas oo kale ah dartood. Maskaxda ninku waxa ay xoogga saartaa arrimaha muhiimka ah, waa hab dabiici ah oo abuur ahaan ugu beeran. Tusaale ahaan haddii aynu dib ugu yara noqonno bilowgii nolosha aadamaha oo la aaminsan yahay in ay saamayn badan ku leedahay hab-dhaqankiisa iyo qaar badan oo ka mid ah hormoonnada aadamaha ee hadda. Ninku haddii uu ku soo baxo xayawaanka Afka qalaad lagu odhan jiray Mammoth (Maroodi aad u weyn oo geeso leh), markaba ma’ uu arkayn ama ma danaynayn dhibic ama dhowr dhibcood oo ku yaalla, ama gees jaban, laakiin marka uu arkaba waxa uu is weydinayey su’aalo ay ka mid tahay, “Talow waxa kan ma la cunaa? Sidee loo ugaadhsan karaa? Marka aad disho side aad u qaadi illaa hoygaagii? Sidoo kale ninku waxa uu markaba maskaxdiisa ka doonayaa in ay ka fikirto oo ay qiyaasto xawaaraha uu xayawaankaasi ku ordi karo haddii uu eryado iyo jihada uu u ordi doono? Waxa ugu dambeeya ee uu ka fikirayaana waa in uu qaato oo gurigiisa uu la tago.