Ninka Ugu Muruqyaada Weyn Iiraan Oo Muujiyey Xiisaha Uu U Qabo Ka Qaybgalka Dagaalka Suuriya

0
578

1Tahraan (Geeska)- Maalmihii u dambeeyey waxaa barkulannada bulsho ee internet ka iyo shabakadaha wararkaba si aad ah ugu wareegayey sawirka ninka ugu muruqyada waaweyn, muuqaal ahaanna ugu arxan daran dalka Iiraan. Waxa aana si weyn loo hadal hayey warar la xidhiidha halka uu hadda ku sugan yahay iyo doorka uu ku leeyahay dagaalka Iiraan ka qayb qaadanayso ee ka socda dalka Suuriya.

Sajaad Qariibi waxaa dunida looga yaqaannaa Hulk ka reer Iiraan. Hulk waa erey Ingiriisi ah oo macnihiisu yahay doonta aadka u weyn, waxase imika looga jeedaa shakhiyadda ku jirta filimka malo-awaalka ah ee Hulk, oo ah qof caadi ah marka hore, haddiise laga cadhaysiiyo si yaab leh inta uu u weynaado yeelanaya midab cagaaran iyo muuqaal cabsi badan oo leh xoog uu ku burburin karo wax kasta oo gacantiisu gaadho, isla markaana leh adkaysi aanu nabarka iyo xabaddu waxba ka qaadi karin iyo xawaare bootin aad u dheeri ku jirto oo aan la baacsan karin.

Sajaad Qariibi oo leh qaro, balladh, xoog iyo muuqaal guud oo aan aadamaha looga baran miisaankiisu waxa uu gaadhay 180 Kiloogaraam, waxa se uu sheegay in muddooyinkii u dambeeyey uu hoos ugu soo celiyey 155 Kiloogaraam. Mar uu dhowaan la hadlay wakaaladda wararka dalka Iiraan oo wax ka weydiisay shakhsiyaddiisa iyo weliba waxa ka jira wararka soo baxaya ee sheegaya in uu Suuriya dagaalkeeda tegey, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan ahay Muslim Shiico ah, waxa aanan ka diiwaangashanahay liiska ‘Difaacaha Xaramka’ lagu magacaabo oo ah muwaadiniinta isu diiwaangelisay in loo diro dagaalka Suuriya” Si kastaba ha ahaato ee Sajaad Qariibi waxa uu sheegay in uu aad uga xumaaday doodda isaga la xidhiidha ee maalmihii u dambeeyey dhex wareegaysay burkulannada bulshada ee internet ka. Waxa aana wararkaas ka mid ah kuwo sheegaya in uu ku biiray ururka DAACISH.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay waxa uu Sajaad ku sheegay in qaar ka mid ah saaxiibbadiisa ajaanibka ahi ay u bixiyeen magaca Hulk, iyaga oo uga duur xulaya in uu u eeg yahay shakhiyadda awoodda aan caadiga ahayn leh ee filimka Hulk jilaysa, laakiin ay arrintaas si aad ah uga hor yimaaddeen saaxiibbadiisa reer Iiraan, oo iyagu ku dooday in magacaasi aanu u qalmin Sajaad maadaama oo shakhsiyadda Hulk uu yahay qof aad u fool xun oo dabeecad bahalnimo ah leh.