Ninka Iyo Gabadhu Waa Iskaga Mid 5 Dareeme, Laakiin Sida Ay U Shaqeeyaan Dareemayaashu Ayaa Kala Duwan (Q2)

0
839

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

1. Aragga: Gabadhu waxa ay shayga heshaa ninka oo weli deydeyaya

Ma jirto gabadh aan marar badan la kulmin mawqifkan: Waxa ay maqlaysaa cod ka soo baxaya qolka kugu xiga oo cadhada iyo niyad xumada ka muuqataa ku qasbayso in ay joojiso akhriska majallada ama hawl kale oo meel fiican u maraysa; waxa uu leeyahay, “Maxaa kuu diidaya in aad shay kasta u deyso halkiiisa loogu soo hagaagayo?!! Bal imika eeg, waxa aan waayey qasacaddii caanuh ku jireen… mise talow waaba kaa badheedh in aad wax qarisaa?!!” Cidda cabanaysaa waa saygeedii, ama walaalkeed, ama aabaheed, ka’ uu doonaba ha noqdo ee waa nin cidda cabanaysaa. Inta ay dhan iska dhigto hawshii ay haysay oo ay kacdo, ayaa ay siinaysaa qasacaddii caanaha ee uu hayey. Iyada oo laga yaabo in ay cadho ilkaha isku xejinayso si aanu afkeedu hadal uga boobin ayaa uu isna si fudud isaga odhanayaa, oo halkee ay taallay? Dee waa taas hortaada taallay. … Ama waa taas halkeedii lagu yaqaannay taallay…

Labadan qof ee xaaladdan oo kale ku jiraa, labadooduba waa ay cadhaysan yihiin, laakiin sida xaqiiqadu tahay midkood ayuun baa qaldan, dabcan kaasina waa ninka oo gabadhan shaqadeedii iyo hawlaheedii uga soo kiciyey in ay tusto shay hortiisa yaalla, oo weliba laga yaabo in marka hore uu hadallo aan qumanayn tuur-tuurayey. Laakiin haddii aynu cudur daar ugu raadinno, waxa aynu arkaynaa xaqiiqada ah in aanu ninkani arkayn shaygan, isaga oo weliba aanu dadaal ku yarayn oo muddo raadinayey.. Haddaba su’aashu waxa ay tahay, Waa maxay sababtu? Jawaabunta marka ay kooban tahay waxa ay noqonaysaa, “Waayo, ninku wax uma arko sida ay gabadhu u aragto?” Haddii aynu u baahannay faahfaahin cilmiya oo sababta caddaynaysana aynu akhrino qaybtan hoose:

– Deymada Ninku waa ay kooban tahay, laakiin dumarku si ballaadhan ayaa ay wax u arkaan:

Maadaama oo sida aynu hore u soo aragnay nolosha aadamuhu ku soo bilaabatay hoyga oo god ah iyo quudka oo ugaadhsi ah, ragguna ay ugaadhsiga qaabilsanaayeen, dareenka aragga ee ninku waxa uu yeeshay awood uu jiilba-jiil ka sii dhaxlay oo ah in araggiisu noqdo mid kooban balse meel deer oo aad uga durugsan wax ka dheehan kara. Markaasuu araggiisii noqday mid cidhiidhi ah waxa uu arkayaa yahay keliya ugaadha uu baacsanayo ee hortiisa oo toos ah ka sii muuqata, oo mar keliya aanu isha dhinac uga duwayn si aanay uga qarsoomin illaa uu dilo si uu ugu soo qaado carruurtii iyo dumarkii oo godkii ku sii sugaya. Sidaa awgeed deymada abuurka ah ee ninka ayaa ah in marka uu khasnadda, ama kabadha ama xataa qolka furo ee uu doonayo in uu shay ka dhex raadiyo, hadba dhinac in uu madaxa u duwo si intaas markaas indhihiisa ku beegan uu aragga ugu gano, kadib haddii uu ka waayo inta uu madaxa leexiyo ayuu haddana dhinaca kale shiishaa, waxa aanad arkaysaa isaga oo madaxa iyo wejiga oo dhan dhaqaajinaya oo midig iyo bidix hadba dhan u duwaya, kadib kor iyo hoos eegaya. (Waana sababta keenaysa in shayga hor yaallaa araggiisa ka dhex dhaco inta u dhaxaysa labada jiho ee uu madaxa u kala wareejiyey oo laga yaabo in uu shaygu u dhexeeyey).

– Laakiin gabadhu waa ay ka duwan tahay, waxa uu araggeedu xidhiidh la leeyahay qaab-nololeedkeedii bilowgii nolosha ee ahaa in inta uu ninku ku maqan yahay ugaadha ay iyadu sii ilaaliso guriga, weliba si dhow ula socoto waxa ku xeeran ee aan ka fogeyn, waxa ay ku hawlanaan jirtay in ay eegto oo aragto shay kasta oo yar oo godka gudihiisa iyo hareerihiisaba ah, taas oo sabab u noqotay in hesho awood abuur ah oo u saamaxaysa in indhaheedu ay wax ka arkaan xagal 45 digrii ah oo labada dhinac ee wajiga ah iyo xagal 90 digrii ah oo horteeda ah, taas oo marka la xisaab ahaan la isku wada daro macnaheedu noqonayo in ay deymada koowaadba wax ka aragto xagal qiyaastii ah 180 digrii oo wareeg dhamaystiran. Natiijaduna noqoto in khaanadda kabadhka, khasnadda ama qolka marka ay soo gasho ay indhaheedu leeyihiin awood ah in deymada koowaadba ay arkaan dhammaan xaglaha ama wareegga oo dhan iyada oo aan dhaqaajin indhaha ama in yar dhaqaajisay balse aan madaxa raacin sida ninka.