Ninka Iyo Gabadhu Wa Iskaga Mid Shanta Dareeme, Laakiin Hannaanka Shaqo Ee Dareemayaasha Ayaa Kala Duwan

0
1122

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Geediga fog iyo in deegaanno durugsan la tago, in la dejiyo istaraatijiyadaha, in la xaddido ama la saadaaliyo meelo aad u fog ama aanay cidi garanayn sida ay u yaallaan, in xoogga la saaro bar-tilmaameed iyo ujeeddo keliya, in lagu raaxayso xoog, geesinimo, wax-iska-caabbin iyo khatarta oo la yaraysto ama la dhayalsado, illaa guriga la keeno cuntada iyo ugaadha kaynta laga soo helo iyo ugu dambayntii la tirsado oo la diiwaan-geliyo guuluhu waxa ay ka mid yihiin nolosha qaybta ay raggu u xil saran yihiin.

Geediga iyo safarka dhow, ilaalinta iyo ka war haynta deegaanka dhow ee ku xeeran qoyska, lama huraannimada in la dareemo is-bedellada yaryar  ee lagu sameeyo guriga qurxintiisa, la socoshada jawbiga iyo hawada, in shaqooyin dhowr ah oo kala duwan hal mar la wada sameeyo, wanaajinta iyo horumarinta xihiidhka bani’aadamnimo ee wanaagsan ee saaxiibbada, godka kula nool ama godadka u dhow, dhammaantood waa waajibaadka u astaysan gabadha. Malaayiin sano ayaa ay ragga iyo dumarku adduunyada ku soo wada noolaayeen, sida hadda loo nool yahay iyo noloshan iyo duruufahan jira oo kale, waxaana ka dhashay in ay noqdaan lammaane isku duuban, isku dan iyo ujeeddo ah, waa jinsi keliya oo ah laba nooc oo dheddig iyo lab la kala yidhaahdo.

Hab-nololeedkii bilowgii ee aadamaha iyo duruufihii ku xeernaa ayaa sabab u noqday in dareemayaasha shanta ah ee labada jinsi iyaga oo magaca iskaga mid ah, haddana jinsi kasta dareemayaashiisu ay noqdaan kuwo u shaqaynaya hab-waafaqsan ama caawinaya waajibaadkiisa nololeed. Tusaale ahaan khatartii badnayd ee xilligaa ku xeernayd ragga oo mar kasta iyagu ahaa kuwa keynta iyo dhulka fog u baxa si ay u soo helaan ugaadh, lana kulmi jiray duruufo adag oo jawiga ah maadaama oo ay ka fogaanayaan godadka ay ku noolaayeen, iyo weliba khataro dhianca xayawaanka dad-qaadka ah, ayaa sababay in dareemayaashiisu ay noqdaan kuwo u suurtogelinaya in uu fahmo oo la socdo waxa ku xeeran iyo sida ay tahay in uu ula macaamilo. Haddii aynu si kale u nidhaahno ninku xilligaas waxa uu la macaamili jiray hawl keliya, in kasta oo ay ahayd mid hal-adayg iyo ragannimo u baahan. Laakiin gabadhu tan iyo waqtigaas waxa ay haysay masuuliyado tiro ahaan ka badan kuwa ragga, isla markaana noocyo kala duwan ah.

Marka aynu eegno labadaa qaab ee dareemaha ragga iyo dumarku ku soo kala tababarteen, waxa aynu garan karnaa sababta ay ku yimaaddeen arrimo badan oo casrigan hadda la joogo la gartay; waxaana ka mid ah natiijada daraasado badan oo muddo Labaatan sano ah la samaynayey oo dhammaantood isku raacay gabadhu ay ninka kaga fiican tahay dhinaca fahamka iyo dhugmada. Waxa ay dareemayaasheeda shanta ahi awood u leeyihiiin in ay dareemaan is-beddel kasta oo ka jira hareeraheeda, mid dhinaca duruufaha ah iyo muuqaalka ah labadaba. Xataa haddii uu yahay mid aad u yar. Waana waxa ay khubarada iyo dadka caadiga ah qaarkoodba ugu yeedhaan dareenka dheddigga, si ay u muujiyaan in gabadhu ay dareennada qaar ninka dheer tahay. Dhinaca kalana waa sababta ay ragga qaar marka ay dumarka dareenkooda feejigan iyo dhugmadooda ka badin waayaan ay ugu magacaabaan in ay yihiin sixirooley. Si kastaba ha ahaato kala duwanaanshiyaha shaqo ee dareemayaasha shanta ah ee ragga iyo dumarku waa xaqiiqo jirta oo ay qasab tahay in aynu ku raalli noqonno.

Dheddignimada dhabta ah iyo talefanka:

Maqaal uu qoray Jan Michal Normand oo 26kii Bishii Laba iyo Tobnaad sannadkii 2000 lagu qoray wargeyska LeMonde ee ka soo baxa dalka Faransiiska, ayaa ka sheekeeyey qaabka ay ragga iyo dumarku ugu kala duwan yihiin isticmaalka talefanka; waxaana ka mid ahaa, “Dadka jecel in ay tusaale u helaan kala duwanaanshiyaha labada jinsiyoow, bal hadda ku raaxaysta qodobbadan tusaalaha u ah kala duwanaanta:

– Waqtiga hadalka: Dumarku xidhiidhka talefanka iyo xidhiidhinta dadka ee kalaba waa ay kaga fiican yihiin ragga, waqti ka badan ka ay raggu ku hadlaan talefankana waa ay ku hadlaan. Cilmi-baadhis lagu sameeyey Jarmalka, Ingiriiska, Talyaaniga, Isbayn iyo Faransiiska ayaa daahfurtay in dumarku ay ragga kaga badan yihiin xidhiidhka talefanka.

– Ujeedada hadalka: Ragga iyo dumarku isku ujeeddo uma adeegsadaan talefanka, sida uu caddeeyey cilmi-baadhaha caanka ah ee Gerard Claisse, “Xidhiidhka talefanka ee gabadhu inta badan waxa uu yahay uun xidhiidh caadiya oo laba shakhsi dhex maray. Sidaa awgeed talefanku waxa uu ula mid yahay hadalka. Laakiin xidhiidhka ninku waxa uu leeyahay ujeeddo cad, sida in uu ballan shir ama waqti shaqo ka hadlo, ama in uu hawlo gaar ah ka warramo ama waraysto, sidaa awgeed talefanku waa uu aalad uu u adeegsado fududaynta shaqadiisa.