Ninka Dunida Ugu Xoogga Badan Oo Guursaday Gabadh Mitir Badhkii Ka Gaaban Iyo Sheekhada Xiisaha Leh Ee Ka Dhalatay

31
5844

Washingont (Geeska)- Xidigga ciyaarta caanka ah ee ‘Game of thrones’ Hafpor Julius Bjornsson ayaa ku dhawaaqay in uu guursaday gabadh lagu magacaabo Kelsey Henson. Waxa uu lammaanahan cusubi faafiyey sawirrada maalintii u horreysay ee guurkooda kaddib.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa war arrintan la xidhiidha oo uu faafiyey waxa uu ku sheegay in Hafpor Julius Bjornsson oo 29 sano jir ahi uu guursaday gabadhan oo dherer ahaa isaga mitir badhkii ka gaaban. Bjornsson dhererkiisu waa 2.06 mitir, halka gabadha uu guursaday dhererkeedu uu yahay 1.57 mitir.

Xidiggan u dhashay dalka Iceland oo lagu naanayso ‘Buurta’ waxa ay gabadhan isku barteen maqaaxi ku taalla dalka Kanada, sannadkii 2017 kii. Kelsey Henson waqtigaas waxa ay mudalab ka ahayd maqaaxida ay isku barteen.

Guurka lammaanahan aad u kala duwan dherer ahaan iyo miisaan ahaanba ayaa noqday sheeko xiise badan oo siyaabo kala duwan loogu faalleeyo warbaahinta bulshada.

Bjornsson oo caan ku ah in uu mar kasta u muuqdo nin qallafsanaan iyo rabshad badan ayaa faallooyin uu ku faafiyey baraha bulshada ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Kelsey Henson ay xaaskiisii noqotay.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Bjornsson uu dareen didmo iyo cabsi ah ka muujiyey faallooyinka kulul ee ay dadku guurkiisan kaga dhiibanayaan baraha bulshada, gaar ahaan dadka aad uga hadlay miisaankiisa xad dhaafka ah iyo sida ay gabadhu aad uga duwan tahay.  Bjornsson waxa uu sheegay in aanu weligii dagaal ka baqan ama dareemin in ay khatari ku soo fool leedahay, laakiin marka ay xaaladdu Facebook iyo Twitter noqotay in ay ka duwantay tii uu yaqaannay sida dadka la isaga celiyo.

Dhinaca kalana xaaskiisa cusub ee Kelsey Henson oo dareenkeeda ku muujisay faallo ay ku qortay barta ay ku leedahay Twitter ka ayaa tidhi, “Waxa aan doonayaa inta noloshayda ka hadhay in aan ninkan weyn isku xeero”

Hafpor ooh ore ugu guulaystay tartanka lagu soo xulo ninka dunida oo dhan ugu xoogga weyn, oo bishii toddobaad ee sannadkan ka dhacay dalka Philippines ayaa la sheegay in sheekada jacayla isaga iyo Kelsey ee guurka isu beddeshay ay ku bilaabatay, markii ugu horreysay ee ay ku aragtay maqaaxida ay ka shaqaynaysay, oo ay ka codsatay in uu sawir xususu ah la galo, maadaama oo uu ahaa nin caan ah, laakiin xidhiidhkii sawirkaas ka bilowday ayaa degdeg isugu beddelay jacayl ku hoggaamiyey in ay is guursadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here