“Nin Xil Qaaday Ilaaq Dalbay, Waxbaa Laga Sheegaya, Ninku Haddii Aanu U Adkaysanayn, Inuu Marka Horeba Xilka Doonto May Ahayn”

0
610

Picture6Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si adag ugu dhaliilay xayiraadda ay saartay Wargeyska Haatuf.

Mujaahid Xasan, oo ahaa madaxweyne-xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland, oo ka qayb galay shir jaraa’id oo ay masuuliyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku qabtee, wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay shacabka si suuban u gaadhsiiso cadaaladda iyo akhlaaqda. “Hora loo sheegay oo xukuumaddu laba shay uun bay shicibka gaadhsiin karta, lacag ma gaadhsiin karto oo Ilaahay baa dadka risiqa oo risiq gaadhsiin kara, xukuumadda adduunka ugu taajirsan baan dadkeeda lacag gaadhsiin Karin, laba shay uun bay xukuumaddu dadkeeda gaadhsiin karta waxaana weeyaan, caddaaladda iyo akhlaaqda amma macaamilka wanaagsan, labadaas shay uun baa laga rabaa inay dawladdu gaadhsiiso shicibka. Labadii ay waajibka ku ahayd in ay xukuumaddu dadka gaadhsiiso dhinacoodiiba looma dhaqaaqin.”

Isagoo ka hadlaya xayiraadda Haatuf, wuxuu yidhi “Arrinta Haatuf waa ta ugu dambaysay ee muujinaysa, caddaynaysana in labadaas xukuumaddan ka aradan tahay. Nin xil qaaday oo durbaan qaatay ilaaq dalbay, waxbaa laga sheegaya, ninku haddii uu u adkaysanayn inuu marka horeba xilka doonto oo ummadda lu'gooyo may ahayn, iminkana mid baan halkan ka sheegaya ahaan hore xukuumadihii hore ugu idhi, saxaafaddu qolyahaneenan Afrikanka ah waanay garanayn ee laba jeer ba waxbay xukuumadda u taraan, warbaahintu markay saxda tahay ee ay ammaanayso ee ay xukuumadda wax fiican ka sheegayso way u hiilisay, markay dhaliil ka sheegtana way u hiilisay, hadday sax tahay dhaliishaasi way u hiilisay oo khaladkeeday sheegtay.Warbaahintu waa bani’aadam oo iyaga laftoodu way khaldami karaan oo malaa’ig maaha, arrintan Haatuf  lagu haysto kamaannu garnaqin oo tafaasiisheeda ma hayno oo midna gar siin mayno, laakiin dariiqii khaldana ayaa loo maray asalkeedaba oo alif  ba’dii caddaaladda laga tallaabsaday,”

 

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo wuxuu intaas raaciyay “Xorriyada saxaafaddu waxay ka mid tahay xorriyatul-qawlka bani’aadamku leeyahay, wax lagu safaadana maaha, ta kale Haatuf waxay ka mid tahay wargeysyada waddankan ugu mudan, Yuusuf Cabdi Gaboobe mulkiilaheeda iyo aasaasaheedu wuxuu ka mid yahay raga waddankan xasaanada ku leh, xidigaha waddankan ayuu ka mid yahay, taariikhdiisa iyo halgankiisa markaynu goconay in lagu deg dego marnaba may ahayn, haddii ay dawladdu u adkaysan kari waydo waxay ahayd in maxkamada dacwad la geeyo, fursad ay isku difacaana la siiyo, dadkiina ay daawadaan, caddaaladdana lama sugo haddii aan dadka loo bandhigin oo aanay ka markhaati noqon.”