Nin Xaas Uu Furay Oo Laga Rabay In Uu Biiliyo Ka Codsaday In Uu Pizza Joogto U Siiyo Iyo Maxkamadda Oo Ka Aqbashay

0
483

Roma (Geeska)- Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa aabbo 50 jir ah oo Pizza da duba ka ridday dacwad xaaskiisii hore ay ku soo oogtay oo ahayd in uu carruurtiisa oo iyadu ay hayso uu biiln waayey, sida uu dhigayo sharciga dalkaas oo aabaha ku waajibinaya in uu bixiyo biilka carruurtiisa xaaska ay kala tageen haysato.

1

Garsoorihii maxkamaddan ayaa xukuntay in ninkani aanu waxba ka hagran carruurtiisa oo uu bixiyey wixii uu awoodayey oo ah in isaga oo waqti adag ku jira haddana uu xaaskan iyo carruurtiisa haysaba siiyo Pizza u dhiganta 450 doolarka Maraykanka ah, taas oo uu ka soo qaaday meheradda uu Pizza ku sameeyo.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu ka soo xigtay wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa intaas ku sii daray in Nicola Toso ay xaaskiisa hore ee Nicoletta Zuin kala tageen sannadkii 2002da, waxa aanay maxkamaddu xukuntay in dhowrkaa sano bilowgoodii hore aanuu midkoodna meel kaga dhicin xeerka arrimaha qoyska, laakiin sannadkii 2008 waxaa guud ahaanba dalka Talyaaniga ka dhacay dhibaatooyin dhaqaale, waxa aanay sababeen in meheraddiisa Pizza uu ku sameeyaa aanay wada bixin karin biilka xaaskiisa hore iyo xaas dambe oo uu dabadeed guursaday oo saddex carruur ah u leh, sidaa awgeed intii u dhexeysay sannadkii 2008dii illaa 2010kii waxa uu xaaskiisa hore lacag la’aan ku siinayey cunto u dhigmaysay 450 Doolar oo ah lacagta biilka ah ee laga rabay in uu bixiyo. Laakiin xaaskiisa hore oo aad uga xumaatay ayaa maxkamadda ka furatay dacwad ay ku sheegayso in uu ninkeedaas hore ka warwareegayo in uu biilka bixiyo, laakiin qareenada difaacaya ayaa maxkamadda horteeda ka caddeeyey in ninkani dadaal adag u galay sidii uu qoyskiisa biil ugu heli lahaa, sidanina ay noqotay sida keliya ee uu ku biilin karo, arrintaas oo ay garsooruhu ka garowday.