Nin Xaalad Caafimaad Darro Awgeed Tirooyinka U Arka In Ay Leeyihiin Dabeecadaha Qofka Oo Kale

0
758

Washington (Geeska)- David S Kessler oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa lagu arkay xaalad caafimaad oo la xidhiidha dhinaca neerfayaasha taas oo maskaxdiisa ku abuurta dareenka ah in uu tiro kasta oo ka mid ah tirooyinka sida 0 illaa 10 marka uu arko ama maqlo ay maskaxdiisu durbadaba u fahamto sida in ay tiradaasi tahay qof leh dabeecadaha iyo habdhaqanka qof ee caadiga ah.

Xaaladda afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Ordinal Linguistic Personification’ oo loo soo gaabiyo ‘OLP’ ayaa ah xaalad la xidhiidha caafimaadka neerfaha oo keenta in qofku uu tiro, ama wax kasta oo ah taxane isku xig-xiga sida bilaha, Jeenaweri illaa Diisambar ama maalmaha toddobaadka ee Sabti illaa jimce ay mid kasta maskaxdu isku qufusho in uu yahay sida ruux caadiya oo dheddig ama lab ah oo leh dabeecado marka lambarkaa ama magacaas ay maqasho ay u qaadanayso in ay tahay qofka leh dabeecadahaas.

Kessler oo imika da’diisu 40 jir tahay ayaa markii uu ku jiray fasalka Afaraad ee dugsiga hoose waxa uu dareemay in tirooyinka xisaabta la barayo uu u arko ama u fahmo si ka duwan sida ay ardayda kale u arkaan, laakiin haddana xaaladdaas waa uu qarsaday oo xilligaas cid uma uu sheegin. Imika ayaa uu Kessler si fiican u fahmay xaaladdiisa, waxa aanu bilaabay in uu wax ka qoro ama si furan dadka ugala sheekaysto, mar la weydiiyey bal in uu xaaladdan mar uun dhakhtar ula tegeyna waxa uu ku jawaabay, “Waayo! Maxaa aan dhakhtar ugu tegi. Wax dhibaato ah iguma hayso xaaladdani”

Kessler oo mar ka hadlayey tirooyinka qaar iyo marka uu maqlo ama arko nooca qof ee uu sawirto ayaa sheegay in tirada 3 ay uga dhigantay gabadh da’ yar oo aan maskax badnayn ama fudud. Haddii tirada 4 uu arko waxa ay maskaxdiisu aragtaa nin aad u dhibirsan oo isagu naftiisa naqdiya. Tirada 5 waa u kuray cid kasta la jaanqaadi kara, tirada 7 waxa uu u yaqaannaa qof gooni joog ah oo iska ilaaliya in uu dadka dhex galo, laakiin tirada 8 waxa uu u yaqaannaa beenaale, dusdus badan halka tirada 10 uu u yaqaanno gabadh da’ dhexaad ah oo aad u dhego nugul.

Waxa uu tirooyinka ka aaminsan yahay in qaarkood ay is qaadan karaan ama is raaci karaan halka kuwo kalana aanay kuba habboonayn in ay is raacaan, sidaas awgeed marka ay tiradu kallifto in ay is raacaan waxa uu ku dhawaaqaa isaga oo aad uga gawsadaygay aqbalidda israacistooda, waxaa ka mid ah tirada 56 oo uu jecel yahay in uu ku dhawaaqo labada tiro ee ay ka dhalatay oo 8 iyo 7 oo marka la isku dhufto natiijadoodu tahay 56, marka uu qof u sheegayo 56 waxa uu u sheegaa 8 lagu dhuftay 7.