Nin Sheegtay In Uu Nebi Ciise (CS) Yahay Oo Isku Dayey In Uu Xado Eyga Barak Obama

0
686

Washington (Geeska)- Booliiska Maraykanka ayaa qabtay beenaale ku andacooday in uu yahay Masiix (Neb Ciise CS) iyo sidoo kale midho jacayl oo ku baxay ruuxda John F. Kennedy oo hore madaxweyne uga soo noqday dalka Maraykanka, booliiska ayaa ninkan ku soo eedeeyey in uu isku dayey inuu afduubo ey uu leeyahay madaxweynaha Maraykanka Barak Obama.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Aljazeera ayaa intaas ku daraya in xog laga helay maxkamaddii ninkan la horgeeyey ay sheegayso in ninkan la qabtay isaga oo isku dayaya in uu labada ey ee Obama midkood xado, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyey in uu haystay hub iyo rasaas aanu rukhsad u haysan.

Tuuggan oo lagu magacaabo Scott Stoker ayaa booliiska u sheegay in uu caasimadda Washington u yimid si uu ugu dhawaaqo in uu murashax u yahay jagalada Madaweynenimo ee Maraykanka, ujeedkiisuna yahay in uu difaaco xaqa uu qof kasta oo Maraykan ahi u leeyahay in uu bil kasta helo 99 doolar oo ah kharash uu caafimaadkiisa ku daryeelo, laakiin booliisku waxa uu ku doodayaa in uu lahaa qorshe kale oo u qarsoon, kaas oo ah in hubka uu sito uu u adeegsado afduubka mid ka mid ah labada ey ee madaxweynaha.

Sida uu booliisku sheegay ninkan waxaa la qabtay isaga oo gaadhigiisa dhigay meel ku dhow hoolka shirarka ee Washington, markii laga shakiyey ee la baadhayna waxaa la arkay in uu sito hub iyo rasaas aanu rukhsad u haysan. Scott Stoker waa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka North Dakota waxaana la filayaa in maxkamaddu ay go’aan ka gaadhi doono maalmaha soo socda.