Nin Saddaam Xuseen U Eeg Oo Dhowaan Xukun Dil CAh Lagu Fulin Doono Dalka Maraykanka Iyo Sababta

46
3979

Washington (Geeska) – Salaasadii ay 14 ahayd bisha Ogosto 2018 ka ayaa maxkamad ku taalla magaalada Huston ee gobalka Taxes dalka Maraykanku waxa ay xukun dil ah ku ridday nin asalkiisu Urduni yahay oo lagu magacaabo Cali Maxamuud Carsaan, kaddib markii ay sheegtay in lagu helay dembi ah in uu geystay dil badheedh ah.

Warbaahinta kala duwan ee Maraykanka iyo meelo kale ayaa si ka badan tebinta wararka maxkamadaynta Cali Maxamuud waxa ay u xiisaysay in ay ka warranto, isku-ekaanshiyaha aadka u weyn ee ka dhexeeya Cali Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, gaar ahaan markii ay ciidamada Maraykanku qabteen dabayaaqadii sannadkii 2003 da iyo intii xukunka maxkamaddu ku socday, magaalada Baqdaad.

Cali oo 60 sano ka hor ku dhashay dalka Urdun ayaa sannadkii 2012 ka waxa uu dilay inantiisa saygeeda oo Maraykan ahaa. Wiilkan uu sodogga u yahay ee Coty Beavers oo 28 jir Kiristaana ahaa ayaa uu ku eedeeyey in uu sabab u ahaa inantiisa u dhaxday ee Nasriin  Cali Maxamuud oo iyaduna diinta Kiristaanka qaadatay.

Warbixin ay shabakadda Alcarabiya ka soo xigatay wargeyska Huston Chronicle ayaa sheegtay in Cali oo ahaa Muslim aad ugu dheggen ku dhaqanka diinta Islaamku uu sida oo kale dilay Gelarah Baaqir Zaadah oo ahayd gabadh ay inantiisa saaxiibbo dhow ahaayeen. Taas oo uu ku eedaynayey in ay inantiisa ku dhiirrigelisay guurka ninka Maraykanka ah.

Dacwadda oo muddo dheer socotay ayaa ku soo gabaggabowday in Cali uu si ku talagal ah u dilay labadan qof, waxa aanay ku ridday xukun dil ah. Mar uu garsooraha maxkamaddu fursad u siiyey in uu is difaaco ayaa uu Cali ku dooday in aanu dilin wiilka uu sodogga u ahaa iyo inantiisa saaxiibadeed. Waxa se uu maxkamadda u caddeeyey in diinta islaamka ee ay inantiisu ka baxday ay xanuun ku noqotay isaga iyo qoyskiisaba. Waxa kale oo uu sheegay in uu dhimashada ka jecel yahay in uu arko inantiisa oo Kiristaan noqotay, iyo in diinta islaamka ee ay inantiisu ka baxday ay xanuun ku noqotay isaga iyo qoyskiisaba.

Xaaskiisa hore iyo inantiisa oo ku marag furay

Cali waxa kale oo ay maxkamaddu ka waraysatay arrin intii dacwaddu socotay soo baxday oo ah in uu leeyahay xaas labaad, taas oo uu diidayo sharciga Maraykanku. Waxa aanu qiray in uu muddo dheer ka hor ku noqday dalkiisa asalka ahaa ee Urdun oo uu ku soo guursaday gabadh 15 sano jir ah, kaddibna uu u soo kaxaystay dalka Maraykanka. Waxa uu sheegay in gabadhaas dambe ay u dhashay 8 carruur ah. Xaaskiisa hore oo ka mid ahayd markhaatiyada ka dhanka ah, laakiin lagu eedeeyey in ay fal dambiyeedka kula jirtay ayaa sheegtay in odaygeedu uu tegey guri ay deggenaayeen wiilka inanta qaba iyo inantiisu, isaga oo uu go’aankiisu ahaa in uu labadaba dilo, laakiin uu guriga tegey iyada oo inantu subaxdii hore shaqo u baxday, wiilka oo keli ahina weli joogo. Shumuw Rawaabidah oo 40 jir ah ayaa diidday in ay dilkaas ku lug lahayd ama ka raalli ahayd. Laakiin maxkamadda ayaa sheegtay in aanay xaaska Cali Maxamuud Qudheedu beri ahayn, oo ay dembiga qayb ku lahayd, sidaa awgeed waxa ay ku xukuntay xabsi madaxaa ha ku furto ah.

Inan kale oo uu dhalay Cali ayaa iyaduna maxkamadda horteeda kaga marag furtay aabaheed, waxa aanay sheegtay in inantiisan uu dilay imika uu marka hore ka mamnuucay in ay nin Kiristaan ah xidhiidh yeeshaan, laakiin ay diidday. Waxa ay sheegtay in inanta dhimatay ay maxkamadda u soo dacwootay, kana qaadatay go’aanka sharci ee loo yaqaanno ka hortagga oo aabahaha iyo guud ahaan qoyskaba u diidaya in ay cidhiidhi geliyaan, kaddib markii ay u guurtay guriga ninkan Maraykanka ah oo aanay markaas weli is guursan si ay ugula noolaato.

Cali Maxamuud Carsaan ayaa isna caddeeyey in arrintaas ay wax ka jiraan, waxa aanu qirtay in uu go’aankaas maxkamadda buriyey oo uu la xidhiidhay inantiisa, una hanjabay, waxa se uu ku dooday in inantu ay baratay daroogada, saaxiibbo xunna ku xidhantay, sidaa awgeed uu ka adkaysan kari waayey.

Waxaa jira eedaysane saddexaad oo aan weli warkiisa oo buuxa la helin. Kaas oo ah wiil uu dhalay Cali Maxamuud oo lagu magacaabo Nasiib. Waxa ay maxkamaddu ku eedaysya in uu isaguna aabihii ka caawiyey dilka wiilka ay xididka yihiin iyo gabadhan reer Iiraan, waxa aana la filayaa in wiilkaasna uu ku dhaco xukun ka hooyadii ku dhacay la mid ahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here