Nin Lagu Eedeeyey In Uu Wax Ka Sheegay Diinta Masiixiga Oo Lagu Xukumay In Uu Xafido Aayado Qur’aanka KA Mid Ah

55
3911

 

Beyruut (Geeska)- Garsoore u dhashay dalka Lubnaan ayaa nin eedaysane ah xabsiga u taxaabay, sii deyntiisana shardi kaga dhigay in uu dusha ka xafido aayado Qur’aanka kariimka ah ka mid ah. xukunkan oo ah kii labaad ee noociisa ah ayaa uu garsooruhu ku riday eedaysanahan lagu helay dembi ah in uu meel-kaga dhacay xurmadaha diimaha, sidaa awgeedna waxaa lagu waajiyey in uu xafido aayado ka mid ah suuradda 19-naad ee Qur’aanka Kariimka ah oo ah suuradda ‘Maryam’.

War sabtidii toddobaadkii hore lagu faafiyey wakaaladda wararka ee dalka Lubnaan ayaa lagu sheegay in garsooraha maxkamadda degmada Jabal Lubnaan oo lagu magacaabo Nadiim Naashif uu jimcihii toddobaadkaas soo saaray go’aan maxkamadeed dhigaya in eedaysanaha magaciisa lagu soo gaabiyey C. Q, xabsiga loo taxaabo, laguna hayo tan iyo inta uu dusha ka xafidayo aayado ka mid ah suuradda Maryam. Warku waxa uu intaas ku daray in garsooruhu uu maxbuuskan u qabtay labada maalmood ee Sabtida iyo Axadda in uu ku xafido aayadahan, maalintii isniintana dib loogu celiyo si loo eego in uu ka soo baxay waajibkii la saaray, haddii aanu ka soo bixinn dib xabsiga loogu kordhiyo.

Warku waxa uu sheegay in dacwaddani ka soo bilaabatay muran ka dhex dhacay dhalinyaro ka mid ah deegaanka degmada Jabal Lubnaan, oo sababay in ninka magaciisa lagu sheegay C. Q. uu aflagaadeeyo diinta Kiristaanka. Arrintaas oo sababtay in booliisku xabsiga u taxaabo, laguna soo oogo dembi ah in uu kicinayey fidno diiniya oo ka dhex qarxi karta dadka kala diinta ah ee dalka wada dega.

Bishii labaad ee isla sannadkan ayaa sidan oo kale garsoore lagu magacaabo Josliin Matta ay saddex wiil ku xukuntay in ay dusha ka xafidaan suuradda Aala Cimraan ee Qur’aanka Kariimka ah. eedeysanayaasha ay garsoore Jaasliin xukuntay ayaa lagu soo dacweeyey in ay meel kaga dhaceen astaan tiinta Masiixiga ah.

Wiilashaas ay garsoore Jaasliin xukunka ku ridday oo da’doodu u dhexeysay 16 illaa 18 sano ayaa lagu eedeeyey in ay galeen kaniisad, kaddibna falal fool xun kula kaceen astaantii diinta masiixiga ee taallay. Sababta uu garsooruhu xukunkaas ugu riday ayaa ahayd in dhalinyaradani ay bartaan sida uu Qur’aanka Kariimka ahi uga sheekeeyey Maryam iyo sida uu u karaameeyey. Dhalinyaradaas ayaa xabsiga laga sii daayey markii ay ka soo baxeen shardigii ahaa in ay xafidaan suuradda Maryam.

Xukunnadan ayaa doodo iyo sheekooyin xiise leh ka abuuray dadka reer Lubnaan oo aad u soo dhoweeyey xukunnadan dadka lagu barayo ixtiraamka diimaha dalkaas laga caabudo. Raysalwasaaraha dalkaas ayaa ka mid ah muwaadiniinta aad u soo dhoweeyey xukunkaas oo uu ku tilmaamay caddaalad iyo halkii ugu sarraysay cilmiga iyo fahamka ay wadaagaan muslimiinta iyo masiixiyiintu.

Dalka Lubnaan oo dadkiisu 6 milyan yihiin ayaa boqolkiiba 53 ay yihiin muslimiin si isle’eg ugu qaybsan sunni iyo Shiico, halka dadka Kiristaanku ay yihiin boqolkiiba 40 iyo badh iyaguna mad-habo kala duwan aaminsan, boqoliibia shan iyo badh ayaa ah Duruus iyo tiro aad u yar oo Yuhuud ah. Sida awgeed waa arrimaha diinta ayaa dalkaas aad xasaasi uga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here