Nin Labada Gacmoodba Ku Beelay Dadaal Uu Doonayey In Uu Ku Badbaadiyo Shimbir

50
3207

Ankara (Geeska)- Ramadaan Daash Demir oo ah muwaadin u dhashay dalka Tukriga ayaa uu laydh labada gacmood ka qabsaday xilli uu ku gudo jiray dadaal uu doonayey in uu ku badbaadiyo shimbir ku xannibantay bir laydh ay koronto aad u awood badani marayso, gobalka Aaqri oo ku yaalla bariga dalka Turkiga.

Ramadaan oo ah 16 xoolo dhaqato ah ayaa labada gacmood la jaray, qalniinkii kadib isaga oo warbaahinta u warramayana waxa uu sheeegay in uu arkay shimbir nooca xamaamka loo yaqaanno ah oo ku xanniban bir laydh dab aad u xoog badani marayo, xilli uu isaguna adhi la joogay baadiyaha tuulada Dayaadiin. Kadib waxa uu go’aansaday in uu shimbirtaa badbaadiyo, laakiin isagii ayaa uu laydhkii qabsaday. Nasiibwanaag Ramadaan waxaa badbaadiyey kooxaha laydhka ka shaqeeya ee degaankaas, waxa aanay geeyeen cisbitaalkii ugu dhowaa oo dhibta ay gacmuhu qabeen awgeed waayey xal kale oo aan ahayn in labada gacmoodba laga jaro wiilkan.

Ramadaan oo warbaahinta farriintiisa marinayaa waxa uu tilmaamay muhiimadda ay labada gacmood qofka bani’aadamka ah u leeyihiin, sidaa awgeed waxa uu masuuliyiiinta dalkiisa ka codsaday in ay ka caawiyaan sidii loogu gelin lahaa laba gacmood oo samays ah si uu noloshiisa u sii wadan karo. Dhinaca kalana dhakhtarka gacanta ku haya xaaladda Ramadaan oo lagu magacaabo Muxammed Owsturk ayaa isaguna sheegay in Ramadaan ay soo gaadhay gubasho darajada saddexaad ah oo uu ku keenay shoodhkii korontadu, waxa aanay taasi sababtay in ay burburaan muruqyada iyo nudaha labada gacmood.

Dr. Muxammed waxa uu sheegay in dhakhaatiirtii daweynaysay Ramadaan ay aad isugu dayeen in ay badbaadiyaan labadiisa gacmood, laakiin ay waayeen xal kale, maadaama oo ay muruqyada iyo nuduhuba si buuxda u wada burbureen, sababtaas ayaana keentay in la jaro labada gacmoodba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here