“Nidaamkii Dawladnimo Oo Meesha Ka Baxday Ayaad Moodaa In Imika La Soo Celiyey”

0
903

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in nidaamkii dawladnimada ee Somaliland soo hagaagayo, waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha ku bogaadinayo qaabka uu wax uga bedelay bixitaanka safarada dibadda iyo soo laabashadiisaba.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay dadka shaqada laga joojiyey ee ka tirsanaa shaqaalaha madaxtooyada wuxuu yidhi ayaa yidhi “Sida ay wararku igu soo gaadhayaan dadka shaqada laga joojiyey may ahayn shaqaale rasmiya, ee waxay ahaayeen dad aan ahayn shaqaale rasmiya, , oo markii horeba aanay Madaxtooyadu qaadi karayn, oo lagu qoray qaab xumadii iyo maamul xumadii meesha ka jirtay laakiin qof shaqaale ah oo shaqadiisi laga eriyey, ama laga qaaday marnaba ma jirto, in karbashkii, musuqii iyo maamul xumadii la sifeeyo, oo haykalkii dawladnimada la soo celiyo, waa lagama maarmaan oo dalka iyo dadka ay dan u tahay”.

Xildhibaan Abubakar oo ka hadlay hantida umadda ayaa yidhi “Talaabada uu ilaa hadda Madaxweynuhu qaaday,ee uu gacanta Dawladda dib ugu soo celiyey Raasigii  waa waa talaabo fiican oo ka mid ah talabooyin uu ilaa hadda qaaday ee  fiican, talaabooyin badan oo kale oo u baahan inuu wax ka qabtana wey jiraan,sida in dib loo soo celiyo dhulalka oo aad u maqan oo dhibi ka taagan tahayna wey jiraan, laakiin talaabooyin fiican oo horumar leh oo ah in lagu garab galo oo lagu taageero ayuu qaaday, waa gar in Madaxweynaha wixii wanaagsan ee uu sameeyo lagu taageero, wixii kalena waa in la yidhaahda waad ku khaldan tahay”.

Mar uu ka hadlaayey nidaamka Madaxtooyada iyo is bedelka ku yimid Safarka Madaxweynaha ayaa yidhi “Mid baan aad ugu bogay Madaxweyne, oo ah in lagu taageero,  waana is bedelka uu ku sameeyey nidaamka Safarkiisa, anigu waxyaabaha aan jidh diidi jiray kana qiiroon jiray waxa ka mid ah marka uu Madaxweynuhu safar u baxayo ee uu Madaarka tagayo, iyo marka uu soo dagayaba in isagoo dalkiisi jooga in Tikniko lagu ilaaliyo, wali lama arag Madaxweyne tikniko lagu ilaaliyo, oo jidadka la wada xidho, oo umadda la wada xanibo, oo intaas oo Wasiiro ahi yaacayaan, laakiin imika haykal dawladnimo ayaa inaga muuqata, waayo  ma jiraan Madaxweynaha Wasiiro hor boodaya, ma jiraan Wasiiro Madaxtooyada tuban, ma jiraan Wasiiro Madaxweynaha soo dhaweeynaya, siina dhaweeynaya marka uu dalka ka baxayo, dibna ugu soo noqonayo, ma jiraan Tikniko iyo Ciidan Madaxweynaha ilaalinaya, marka uu baxayo ama uu soo noqonayo, ma Ciidan baa dadka dhexdiisa ku jira, waxaad mooda in raadadkii dawladnimada u soo eekaynayno”.

Xildhibaan Abubakar mar uu talo u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Nidaamkii dawladnimo oo meesha ka baxday ayaad mooda in imika la soo celiyey, ee Madaxweynaha  dadweynuhu wey ka sugayaan inaad dib u soo celiso hantida qaranka ee la lunsaday”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here