New York Times Oo Dooratay 100 Ka Buug Ee Ay Ku Qiimaysay In Ay Sannadka 2017 Ka Ugu Wanaagsanaayeen

0
1005

Washington (Geeska)- Boqol kitaab ayaa uu wargeyska ‘New York Times’ u doortay in ay noqdaan kutubta sannadka 2017 ka soo baxay, kuwooda ugu sii fiicnaa. Kutubtan oo isugu jira suugaan, sheekofaneedyo maloawaal iyo runba isugu jira iyo daraasado ayaa uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa qormadan.
Suugaanta iyo maloawaalka11. Daadadkii mugdiga ahaa kor ayaa ay u kaceen: Waa sheekofaneed aymargaret Drabble si xeeldheer ugu soo bandhigayso gabadh da’da 70 kor u dhaaftay oo socdaal dhulka ah ku maraysa daafaha dalka Ingiriiska. 12. The dinner Party: And other stories (Casuumaddii Cashada ahayd: iyo sheekooyin kale) – Waxaa qortay Joshua Ferris oo qaab sheego ah u soo bandhigaya sheekada 11 qof oo dhammaantood la kulmay xaqiraad iyo ihaanooyin, iyo xaaladda ay nafsad ahaan dareemayaan.
13. The Essex Serpent (Abeesadii Essex) – Qoraaga Sarah Perry ayaa buuggan ku soo bandhigaysa sheekada gabadh carmal ah oo u dhalatay xorriyad shakhsi ah oo u saamaxaysa in ay nolosheeda ku salayo doonisteeda, laakiin dhibaatada ay joogtada ula kulmaysaa ay tahay teedad iyo caqabado kaga imanaya abeeso aad u weyn oo meel kasta oo ay tagto ku wareegsan.
14. Exist West (U bixiddii Galbeedka) – Waa sheekofaneeddii ugu dambaysay ee uu soo saaray qoraaga u dhashay dalka Baakistaan ee Muxsin Xamid. Waxa uu hore u soo saaray buugga ‘The Reluctant Fundamentalist’ uu qaab sheeko ugu soo bandhigayo waxa uu ugu yeedhay argagaxiso madax adag. Waxa kale oo uu qoray buugga ‘How to get Filthy Rich in Rising Asia’ oo macnihiisu yahay sidee aad qudhunnimo uga hodmi kartaa Eeshiyada soo koraysa’
Sheekadan hadda waxa uu qoraagu ku soo bandhigayaa khalkhalka dunida maanta ka jira iyo humaag aad u ballaadhan.
15. FAST (Dhaqso) – Jorie Graham oo ah gabayaa u dhalatay Maraykanka ayaa buuggan ku ururisay gabayo uu hal-abuuray oo hab suugaaneed ku soo bandhigaya raadad ka dhashay arrimo shakhsi ah iyo siyaasado. Waxaa ka mid ah in labadeeda waalid ay xaalad caafimaad oo aad u liidata ku jiraan, iyaduna qabto kansar daweyntiisu u socota, halka dalkiina uu u socdo jihada dagaalloiyo dhibaatooyin deegaan.
16. The Five-Carat Soul (Ruuxdii Shanta Karat) Qoraaga James McBride oo haysta abaalmarinta ‘Qoraaga qaranka’ ayaa ku ururiyey sheekooyin ka warramaya, isirka, ragannimada, muusiga iyo taariikhda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here