Netanyahu Iyo Wadaadka Ugu Sarreeya Kiristanka Oo Ku Murmay Afka U Ku Hadli Jiray Nebi Ciise (CS) Kuu Ahaa

0
754

Picture8Al-Qudus (Geeska)- Wadaadka Vatican ee ugu sarreeya mad-habta Katoligga ee diinta kiristanka Pope Francis iyo raysalwasaaraha Israel Benyamin Netanyahu ayaa Isniintii dorraad, warbaahinta horteeda ku murmay afka uu ku hadli jiray Nebi Ciise (CS), oo waqtigiisii hadda laga joogo qiyaastii muddo ka badan laba kun oo sano. Netanyahu oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay wada qabteen Pope Francis oo booqasho 3 maalmood ah ku joogay Israel iyo dhulka Falastiiniyiinta ayaa wadaadka hortiisa ka sheegay in uu xidhiidh adagi weligiiba ka dhexeeyey diinta Yuhuudda iyo diinta Kiristaanka. Dhinaca kalana waxa uu Netanyahu sheegay in Nebi Ciise (CS) uu ku hadli jiray Afka Yuhuudda, waxaana hadalladiisa uu shirka jaraa’id ka yidhi ka mid ahaa, “Ciise halkan ayaa uu deggenaa… Dhulkan aynu joogno. Waxa aanu ku hadli jiray afka Hebrew, (Afka Yuhuudda)”

Laakiin wadaadka oo hareer taagnaa ayaa inta uu is hayn waayey waxa uu hadalkii ka dhex galay raysalwasaaraha oo uu ku yidhi, “Maya, Afka Araamiga (Aramaic) ayaa uu ku hadli jiray” Netanyahu oo sida muuqata aan hadalkaas filayn, sida lagana dareemayo in uu Pope Francis si uga saxan yahay ayaan ka aamusin martida hadalka ku soo celisay, waxa aanu adag ugu celiyey ereyadan, “Waxa uu ku hadli jiray Afka Aramaic, laakiin afka Hebrew-gana waa uu yaqaannay”

Sida uu sheegayo warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay Talefishanka Al-Carabiya, Pope Francis oo muddo saddex maalmood ah booqasho ku joogay gobolkan, ereyo badan oo aanay Israel jeclaysanna ku celceliyey muddadaas ayaa maalintaa Isniinta soo gabagabeynayey booqashadiisa dhulka Falastiiniyiinta oo ah dhulkii uu ku dhashay Nebi Ciise, (CS) kuna soo degtay diintii iyo Kitaabkii uu Alle ugu soo dhiibay addoomaha. In kasta oo sida loo badaniyo uu Nebi Ciise (CS) ku hadli jiray afka Araamiga haddana taariikho badan ayaa arrintaas muran ka keena.