Nebigii Allow Nacab Kugu Kufriyey Nuurkaaga Demin Waa (SCW) Kamaal A. Cali Q:4aad una dambaysay

Published on Feb 04 2015 // Editorial/Staff Writer, Maqaalo, Warar

Picture1

Gunaanad:

Xilligii uu socday dagaalkii Uxud oo Muslimiinta lagaga gacan sarreeyey ayaa uu ciidankii muslimiintu kala firdhaday, illaa ay gaadhay in nebiga (SCW) oo dhaawac fudud soo gaadhay ay asxaabta badankoodu ka kala yaaceen, Nebigu waxa uu maalintaas ku celcelinayey ereyada ay ka mid yihiin, “Waar yaa inooga jawaabaya (Innaga caabinaya) oo Jannada rafiiq igula noqda” waxaa xaqiiqo ah in maanta ay halkii marayso, waayo cayda iyo aflagaadada Nebi Muxammed (SCW) lagula kacayaa waxa ay dhinaca kale ka tahay imtixaan iyo tijaabo uu Alle ku qiyaasayo illaa xadka uu gaadhsiisan yahay jacaylka aynu sheeganayno in aynu u hayno innaga oo weliba og in jacaylkiisu uu dhamaystir u yahay Iimaanka iyo islaamnimada dhabta ah.

Waxase ayaan darro ah in muslimka Boqollaalka milyan tiradoodu dhaaftay laga la’ yahay cod intii la rabay gaadhsiisan oo si xooggan Nebi Muxammed uga difaaca aflagaadada aan kala joogsiga lahayn ee warbaahinta reer galbeedka oo gaashaan ka dhiganaysa hoggaamiyeyaashooda u dooda xorriyadda hadalka ee ay iyaga oo keliyi qeexdeeda runta ah hayaan.

Wax kasta oo aynu innagu ka yeelno af-xumadan waxaa iyaduna hubaal ah in Alle uu u aargudi doono cid kasta oo aflagaado iyo anshax xumo kula kacda xabiibkiisa. Qasab ma’aha in aargoosiga Alle (SWT) maanta noqdo ama aynu innagu soo gaadhno waxase ay taariikhdu ina baraysaa in kuwii jidkan oo kale hore u maray ay ku dhacday ciqaab Alle, aynu taariikhda ka soo qaadanno marag cad oo aargoosigaas ina tusaya:

Waa qisada labadii dhambaal ee uu Nebi Muxammed (SCW) u kala diray labadii boqor ee Roomaaniya iyo Beershiya, Qaysar iyo Kisra. Boqorka hore dhambaal-wadihii Nebi Muxammed (SCW) u diray waa uu soo dhoweeyey, sooryeeyey, si fiicanna u akhristay warqaddii, halka Kisra inta uu jeex jeexay dhambaalkii si aad u xunna u aflagaadeeyey Nebi Muxammed. Aargoosigii Alle ayaa yimi oo boqorka hore waxa uu ku guulaystay in boqortooyadiisii ay muddo aad u dheer sii jirto, waxa aanay taariikhyahannadu sheegaan in warqaddaas Nebiga (SCW) uu si ixtiraam leh meel fiican ugu kaydiyey muddo dheerna la sii kala dhaxlayey, halka boqor Kisrihii Beershiya uu habaarkii Nebigu ku dhacay oo boqortooyadiisii si dhaqso ah u kala burburtay.

Aynu difaacno Nebigeenna (SCW):

Hab fiican waxtar badanna leh oo aynu ku difaaci karno Nebigeenna (SCW) ayaa ah in qalinleyda iyo dadka aqoonta fiican u leh diinta Islaamku ay sameeyaan qoraallo waafi ah oo ay dunida aan muslimka ahayn ku barayaan shakhsiyadda barakaysan ee Nebi Muxammed (SCW) iyo sida aanu u ahayn qofka ay sawirgacmeedka ku muujinayso warbaahinta galbeedku, iyo sidoo kale in dunida laga abuuro dood muhiim ah oo la xidhiidha; cadaalad darrada shuruucda caalamiga ah iyo masraxyada dunida looga arrimiyaa ay ku hayaan islaamka, gaar ahaan in la xoojiyo doodda ah in la soo saaro sharci caalamiya oo mamnuucaya wax-ka-sheegidda Alle (SWT), Nebi Muxammed (SCW) iyo guud ahaanba diinta Islaamka, iyo doodda kale oo la xidhiidha in la saxo qeexda xorriyadda hadalka iyo in reer galbeedka lagu cadaadiyo in ay joojiyaan caddaaladda laba-hal-beeglayda ah ee ay hadba dhan ugu dhigayaan dunida.

Waa dood la furi karo, dunida muslimkuna waa ay awooddaa in ay afkasta iyo jid kastaba ku gudbiso dooddan si aakhirka ay midho dhal u noqoto. Waxase aniga intaasba igala sii weyn in aynu ku baraarugno muhiimadda ay leedahay in ubadkeenna aynu ku barbaarinno jacaylka Nebigooda (SCW) iyo guud ahaan barashada Islaamka oo dhab ah si aanay ugu jaahwareerin beenta iyo dacaayadaha reer galbeedku faafinayaan, oo si fudud dhegahooda ku soo gaadhi kara, maadaama oo ay dunidu noqotay tuule keliya, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda casriga ah awgeed.

Waxaa ii raaca, in aynu qaadanno go’aan aynu ku diidayno iibsiga wax kasta oo lagu soo sanceeyey dalka Denmark, Faransiiska iyo dal kasta oo waxba ka qaban waaya warbaahintiisa oo aflagaado kula kacda Islaamka. Dhaqaaluhu waa gol-jilicda ugu khatarta badan ee ay dalalka reer galbeedku ka damqadaan, ha u qaadan in ay kaaga baahan tahay halgan weyn iyo dagaal aanad u daafad haynin, qasacad keliya ama dhehba, xabbad qalin ah oo ay soo sameeyeen dalalka dhaqan xumadan u siddiiqaya, in aad diiddaa waxa ay dhaawac ku tahay dhaqaalaha ciddii soo saartay. Markaas ayaa ay xanuunka dareemayaan, hore ayaanay u dhacday in tallaabo caynaas ah oo ay dadka muslimku ku diideen wax-soo-saarka Denmark, waana la ogaa in durbadiiba ay damaqday dowladda dalkaas oo ay ku kalliftay in ay falkii dhaqan xumada ahaa ka bixisay, raalli gelin. In kasta oo aanay gaadhin heerkii la doonayey.

Ugu dambayntii waxa aan ka digatayaa in aflagaadada iyo carinta joogtada ah ee ka imanaysa kuwa Nebigii Alle ku kufriyey aanay dad innaga mid ah ku qaadin in ay iyaguna isku dayaan in tooda oo kale ay ku jawaabaan.

Islaamku waa diin dhamaystiran oo xikmad aadamaha ku hagta, waxa aanu Alle Qur’aankiisa inoogaga digay in dadka aan muslimiinta ahayn aynu diintooda ihaanayno ama Ilaahyo ku sheegga ay gacmaha hoos hoorsadaan aynu ereyo deel-qaaf u muuqda ku nidhaahno, “Ha Caayina waxa ay Ilaahyada ka dhiganayaan ee ay cibaadadii Alle u duween” Sababta uu Alle u diiday in taas la yeelana waa uu caddeeyey, oo isa aayaddan ayaa uu ku sii yidhi, “Si aanay uga dhalan in iyaguna colaad qaataan oo aqoondarradu u geyso in ay Alle caayaan” [Suurat Al-Ancaam:108) Nabadeey.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!
<-- START OF NEWGAIN GA CODE--> <-- END OF NEWGAIN GA CODE-->