Nebigii Allow Nacab Kugu Kufriyey Nuurkaaga Demin Waa (SCW) Kamaal A. Cali (Q:3aad)

0
1725

gggggggBishii Afaraad ee 2004ta mar uu raysalwasaarihii Ingiriiska Tony Blair guriga Cad kula kulmay madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas George W. Bush, ayaa warqad si sir ah uga soo baxday arrimihii ay ka wada hadleen oo ay baahisay warbaahinta waaweyn ee dunida qaarkeed, waxaa lagu ogaaday in Bush uu saaxiibkii u bandhigay fikir uu qabay oo ahaa in weerar cirka ah lagu baabi’iyo xarunta talefishanka Aljazeera, iyada oo weliba la og yahay in dalka Qatar uu Maraykanka saaxiib dhow la yahay, saldhigyadii markaas Ciraaq laga weerarayna ay ku yaalleen. Kulankan labada hoggaamiye waxa uu ku soo beegmay waqtigii ay Maraykanka iyo xulafadiisu, magaalada Faluuja ee dalka Ciraaq dagaal qadhaadh kula jireen Carab Sunni ah oo diidanayd qabsashada dalkooda. Waxaa dhacay xasuuq ballaadhan oo boqollaal dumar iyo carruur ah si fool xun loo dilay iyo dad aan waxba galabsan oo askarta Maraykanku inta ay masaajid ugu galeen si badheedh ah, mid kasta madaxa uga toogteen. Muuqaalladan oo si aad ah u kiciyey dareenka dunida muslimka wax badanna ka beddelay aragtidoodii ku waajahnayd dagaalka Ciraaq ayaa si weyn uga cadhaysiiyey dalka Maraykanka.

Markiiba hal-beegga xoriyadda reer galbeedka dhinaciisa lagu qiyaaso dunida saddexaad iyo Muslimiintu waxa uu arrintaas u muujiyey in ay tahay sawir qaldan oo laga bixiyey dalalka dimuqraadiyadda u soo waaridayey Ciraaq iyo in argagaxisada loo hadlay, waana taas kallifay in weerar lala damco. Sannadkii 2003dana waaba tii uu Maraykanku gantaalo si badheedh ah ula beegsaday xaruntii talefishanka Aljazeera uu ku lahaa Baqdaad, halkaas oo ay ku wax-yeeloobay saxafiyiin door ahi. (BBC News November 2005)

– Sannadkii 2005 ayaa maxkamad ku taalla dalka Faransiisku waxa ay mamnuucday xayeysiis dhar oo loo adeegsaday sawir gacmeedka taariikhiga ah ee Salvator Mundi oo dadka Kiristanka ahi ay aaminsanyihiin in uu ka turjumayo waxa ay ugu yeedhaan cashadii ugu dambaysay ee Ciise (CS). Garsooraha maxkamadda ee warbaahinta ka mamnuucay soo bandhigidda xayeysiiska uu sawirgacmeedkani ku jiraa waxa uu xukumay in adeegsiga sawirkaasi, uu weerar ku yahay caqiido ay dad aaminsan yihiin. Waxa aanu amar ku bixiyey in muddo 3 maalmood gudahood ah sawirradaas lagu tirtiro. Muddo gaaban kadibna masuuliyiinta magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa iyaguna mamnuucay xaysysiiskan sawirka Salvator Mundi loo adeegsaday oo sidoo kalana ay xaaraantimaysay kaniisadda ugu saraysan Kaatoligga ee Vatican ka. [BBC 2005]

– Sannadkii 2009kii bishiisii Koowaad ayaa sawir qaade caan ah oo u dhashay dalka Faransiiska waxaa la soo taagay maxkamad kadib markii uu sawirgacmeed ku muujiyey in Jean Sarkozy oo uu dhalay madaxweynihii xilligaas ee Faransiiska oo isagu markaas qaatay diinta Yuhuudda, sababta ugu weyn ee bedeladda diintiisa hore (Kiristaan) ku kalliftay ay ahayd lacag raadis.

Arrinta fiirada mudani waxa ay tahay in dacwadda lagu soo oogay Maurice Sinet oo ahaa 80 jir, aanay ahayn in uu shakhsi caayey wiilka koowaad ee Faransiiska, balse ay ahayd in uu kicinayey nacayb diineeed, gaar ahaan in uu muujinayo Yuhuudi nacayb. Waxaa yaab leh in wargeyskan hadda Nebi Muxammed nacaybkiisa u badheedhay uu xilligaas qaatay go’aan ah in uu eryo Sine maadaama oo ay ka muuqato Yuhuudi nacayb. Intaas kuma ekaan ee tifaftirihii wargeyska Charlie Hebdo waxa uu arrintan ka bixiyey raalli gelin buuxda. [Telegraph, January 2009]

Taas oo keliya ma’aha ee maanta dunida oo dhan waxaa sas iyo cadho dhalinaya in qof uu ku dhawaaqo erey ama astaan si uun u diidan in Yuhuudda loo geystay xasuuqa Holocaust ku caan baxay ama calaamad si uun u muujinaysa wax aan xumaan ahayn oo lagu sheegay hoggaamiyihii hore ee Jarmalka Adolf Hitler, maalin kasta waxaa arrintaas loo ganaaxaa ama saaxadda dunidaba kaga baxa, xiddigo ciyaaraha kala duwan iyo fankaba caan ka ah, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo warbaahin kala duwan. Waana ta aakhirkii gaadhay in Qaramada midoobey ay kulankii Belgium ka soo saaraan shuruuc xaaraantimaynaysa beeninta xasuuqaas iyo hab-dhaqan kasta oo loo arko in Yuhuudi nacayb ku jiro, iyada oo weliba loo asteeyey maalin dunida oo dhan looga baroordiiqo. Dhinaca kalana dalalka dunida ugu waaweyn oo ay ka mid yihiin Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Netherlands, Poland, Spain, Switzerland, Midowga Yurub,  Ustareeliya, Sweden, Finland iyo Maraykanka ayaa soo saaray shuruuc dembi ka dhigaya in warbaahinta dalku ay qorto wax uun muujin kara nacaybka Yuhuudda ama baahinaya taariikh si uun u diidan xasuuqaas.

Haddaba dhinaca kale; waxaa yaab leh in hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ee Denmark oo tiradoodu ka badnayd 100 qof oo dalkaas caan ka ahaa, aan waxba laga soo qaadin cabasho ay ka gudbiyeen wargeyska Jullands Posten ee aynu hore u soo xusnay in uu bilow u ahaa dacaayadahan iyo wasiirka hiddaha iyo dhaqanka ee dalkaas oo ay ku tuhmayeen in uu wargeyska ku garab istaagay xad-gudubkaas. Qaabka ay reer galbeedku ilbaxnimada u yaqaannaan oo waafaqsan dastuurka dalkaas ayaa ay hoggaamiyeyaashani u qaadeen ol’ole weyn oo ay ku ururiyeen saxeexyada 17 kun oo ruux oo ka dhan ah wasiirka iyo wargeyska waxa aanay u gudbiyeen raysalwasaarihii dalka ee xilligaas, Andres Fogh Rasmussen. Sidoo kale waxa ay hoggaamiyeyaashan muslimka ahi la kulmeen danjireyaasha 11 dal oo Muslim ah oo safaarado ku leh Denmark si arrintan qaab diblumaasiyadeed ay ugu galaan, laakiin waxaa yaab ah in raysalwasaare Andres Fogh Rasmussen uu si badheedh ah u diiday in kulan arrintaas wargeyska la xidhiidha uu la yeesho diblumaasiyiintan iyo in uu wax ka qabto xadgudubka wargeysku ku kacayey. La soco qaybta u dambaysa iyo Salaasada Idam Alle…