Natiijada Akhlaaqda Ku Xun Ee Marmar Ka Dhalata Horumarka Cilmiga: Dad Aan Aqoon Waalidkooda Runta Ah

30
3288

Paris (Geeska)- Dad inta la ogyahay ay tiradoodu 330 oo ku dhashay waxa afka cilmiga lagu yidhaahdo, ‘Dhalashada Caafimaad ahaan la kaabay’ ayaa raadinaya waalidka bayoolojiga ah ee dhalay, iyada oo la ogyahay in sharciga dalkaas uu mamnuucayo in la sheego cidda ay yihiin dadka ku deeqa biyahooda (Manida) si ay dhakhaatiirtu ugu isticmaalaan carruur ay beerayaan.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa uu wargeyska Le Monde ee dalka Faransiiska ka soo baxaa, tusaale ugu soo qaatay lammaane ka mid ah dadka qaabkan ku dhashay ee raadinaya aabayaashooda runta ah. ayaa ka sheekeeyey nin lagu magacaabo Arthur Kremalsvin iyo xaaskiisa Audrey oo labaduba ku dhashay habkan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, “Assisted reproductive technology (ART)”, lammaanahan ayaa muddo toban sano ah maxkamadaha dalka Faransiiska ka waday ol’ole ah in in wax-ka-beddel lagu sameeyo sharciga dalka Faransiiska ee diidaya in la sheego cidda ragga ku deeqa biyahooda, taas oo ay filayaan in ay fursad u noqon doonto ubadka ka dhashay.

Lammaanahan ayaa sheegay in aanay ujeedadoodu ahayn in la joojiyo dhalmada habkan ku timaadda, laakiin ay doonayaan in aan bani’aadamnimada laga tegin, oo ilmaha dhashaa uu fursad u helo in uu ogaado qofka uu bayooloji ahaan ku isir leeyahay. Audrey oo sababta ay arrintan u doonayaan sii faahfaahinaysa ayaa sheegtay in marka laga tago arrinta akhlaaqda bulsho iyo damiirka ilmaha la xidhiidhay, ay sida oo kale arrintani faa’iido u leedahay xaaladda caafimaad ee ilmaha oo sida caadiga ah u baahda in uu ogaado xaaladaha caafimaad ee waalidkii si uu uga taxaddaro cudurrada hiddaha ku yimaaddda.

23kii Bishii Sagaalaad 2017 kii,  waxaa kulan isugu yimid 12 xubnood oo ka tirsan jimciyadda Baamaanuniyam oo ay isku bahaysteen 300 oo qof oo dhammaantood ahaa dad ku dhashay habkan beerista ee aan la garanayn aabaha biyaha ku deeqay, waxa aanay kulankoodaa ka soo saareen baaq ay ku codsanayaan in dawladdu ay baadhis ku samayso dheecaankooda hidde-sidaha DNA si loo raadiyo aabayaashood oo DNA gooda laga helay kaydka. Waxa kale oo ay saamballo candhuuftooda ka mid ah u direen shirkad Maraykan ah oo ku xeeldheer baadhsita DNA-ga.

Amakaag

Shirkaddan ayaa natiijadii ay saddex toddobaad kaddib ka soo saartay DNG ga dadkani waxa ay noqotay amakaag, kaddib markii ay caddaysay in Afar ka mid ah tobankii qof ee ay shaybaadhka ku sameeyeen ay yihiin walaalo kala hooyo ah, maadaama oo ay ka abuuran yihiin biyo hal nin oo keliyi ku deeqay, laakiin hooyooyin kala duwan lagu beeray.

Audrey oo ka mid ahayd afarta qof ee walaalaha noqday ayaa iyada oo faraxsan tidhi, “Aad ayaa aan ugu faraxsanahay aragtida walaalkayga aanu kala hooyada nahay, iyo walaashayda iyadana hooyada kale dhashay, maanta waxa aan sawiran karaa sida uu aabahay u eeg yahay. Waxa aan maanta dareemayaa in aan isir leeyahay, laakiin haddana warwar badan ayaa aan qabaa, waxa aan is weydiinayaa, imika qof oo aad walaalo tihiin ayaa meelahaas ku firidhsan?”

Laakiin odaygeeda Arthur ayaa iyada ka ayaan badan, waayo shaybaadhkan DNA ga ah ayaa soo saaray in ay ilma’ adeer yihiin qof lagu magacaabo Larry oo deggen dalka Ingiriiska, kaas oo markii uu la xidhiidhay internet ka ug usoo diray qoyska uu ka soo jeeday aabihii uu ka beermay iyo qaybaha ay ka kooban yihiin oo dhan. Arrintan ayaa Arthur ku dhiirrigelisay in uu raadiyo qof uun qoyskaas loo soo wada sheegay taariikhdooda ah oo taariikhdaas isaga la beerayey gaadhay da’da sharcigu ogolyahay in uu ninku biyihiisa ku deeqi karo. Waa aanu helay hal nin oo tilmaamihii laga doonayey ka wada muuqdaan. Arthur markii uu ninkan talefanka kala xidhiidhay waxaa caddaatay in uu yahay aabihii lahaa biyahan laga beeray. Waxa kale oo uu ogaaday in uu leeyahay xanuun hidde ah oo ay tahay in uu carruurtiisa hadda ka baadho si looga hortago.

Habka dhalmada caafimaad ahaan la kaabay

Waa hab iyada oo laga faa’iidaysanayo cilmiga casriga ah ee Tiknoolajiyadda lagu beerayo uur qayb ahaan samays ah, oo ka kooban biyo (Mani ay rag ku deeqaan) iyo dawooyin kaabaya oo lagu beerayo hooyo ilma doonaysa ama laga kiraystay makaanka.

Maadaama oo biyaha raggu ku deeqeen muddo lagu haynayo shaybaadhka, isla markaana aanay dadka caadiga ahi garanayn tirada carruur ah ee laga beeray iyo hooyooyinka kala duwan ee lagu beeray, waxa ay keentaa in ilmaha habkan ku dhasha aan la aqoonin aabihiisa runta ah.

Sharciga dalka Faransiiskuna waxa uu dhigayaa in aabahaas la sheegin, haddii aanu isagu sidaas dalban, taas oo noqotay caqabad kale oo carruur badan oo habkan ku dhashay, ka hortaagan in ay ogaadaan aabihii laga abuuray biyihiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here