Nada Nadiim: Basaasaddii ugu horreysay ee xisbullaah ku dhex beero CIA da

0
2077

Waxaa qoray Majdi Kaamil, Waxaa turjumay Kamaal A. Ali 

Si kasta oo ay hay’adda sirdoonku u awood badan tahay, ama tayadeeda iyo waayoaragnimadeeda basaasnimo u sarrayso haddana waa shaki la’aan in mar iyo marar badanba ay la kulmayso dhirbaaxooyin xanuun badan, mararka qaarkoodna jiritaankeeda khatar gelinaya. Dhirbaaxooyinka wakaaladda sirdoonka ku dhici kara waxaa ka mid ah, in basaas ay meel ku darsadeen ama hawl u dirteen la fashiliyo, ama in basaas dawlad kale ka socdaa uu dhexgalo nidaamkeeda amni oo uu basaaso, labadan xaaladoodba waa ay dhacaan. Laakiin ta xanuunkeedu sii badan yahay ama aynu dilaaga ku tilmaami karnaa waa marka basaaska cadowgu adeegsanayaa uu yahay ruux wakaaladda lagu dhex darsaday oo si rasmi ah uga tirsan, oo uu weliba ka mid yahay dadka awoodda ku dhex leh ee xogaha muhiimka ahi soo maraan ama haddii uu u baahdo si sahal ah ku heli kara.

Dhirbaaxadani waxa ay marar kala duwan ku dhacday hay’adaha amniga ee dalka Maraykanka oo lagu tiriyo kuwa ugu tayada badan dunida, waxa aynu tusaale ahaan xusi karnaa, dhirbaaxadii CIA ku dhacay bishii Kow iyo tobnaad ee sannadkii 2007, markii la ogaaday in ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ka dhisani uu ku guulaystay in uu dhexgalo oo weliba uu basaaso qaar ka mid ah xarumaha ugu adkaa ee amniga Maraykanka lagu kaydiyo iyo in uu helo sirtii ugu khatarsanayd ee sirdoon aan dawladi lahayn abid ka helo sirdoonka Maraykanka. Xogta aadka u xasaasiga ah ee Xisbullaah uu helay waxaa ka mid ahaa qorsheyaal uu Maraykanku diyaarinayey oo liddi ku ah Xisbullaah laftiisa.

Xisbullaah waxa uu adeegsaday gabadh gabadh u dhalatay dalka Lubnaan oo in kasta oo ay qaadatay jinsiyadda Maraykanka haddana weli daacad u ahayd dalkeedii hooyo.

Arrinta xiisaha gaarka ah u yeeshay dhacdadan, sirdoonka Maraykankana fadeexadda weyn u soo hoysay waa in cidda jebisay teedadkii amni ee CIA da ee inta ay basaas ku dhex beeratay xogo xasaasi ah ka heshay aanay ahayn dawlad ka mid ah dawladaha waaweyn ee dunida iyo xitaa dawladaha taagta daran, balse ay tahay urur ay warbaahinta reer galbeedku xitaa ururnimada u qiri weydo oo ‘Maleeshiyo’ lagu tilmaamo. Waa Xisbullaah oo ah urur qaab jabhadeed u dhisan oo ka jira dalka Lubnaan, una taagan in uu Israa’iil ka dhiciyo dhulka ay hore xoogga ugaga qabsatay dalka Lubnaan iyo guud ahaan dunida Carabta.

Sheekadan oo jilaageeda muhiimka ahi uu yahay Nada Nadiim oo ah gabadh reer Lubnaan ah oo u shaqaynaysay Xisbullaah, waxa ay sheekadeedu markii ugu horreysay soo shaacbaxday sannadkii 2007-dii, oo ay dadka Maraykan mar keliya ku wada baraarugeen wargeysyada dalka oo ka warramaya, faallooyin kala duwanna ka bixinaya sheekada muwaadinad Maraykan asalkeedu Lubnaan ka soo jeeday ah oo maxkamad la soo taagay, kadib markii lagu eedeeyey in ay xogo aad u sir ah u gudbisay ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan.

Warku waxa uu sheegay in Nada ay ka shaqaynaysay wakaaladda dembibaadhista Federaalka Maraykan ee magaceeda loo soo gaabiyo FBI iyo sida oo kale wakaaladda dhexe ee sirdoonka Maraykanka ee iyada magaceeda loo soo gaabiyo CIA. Shaqada ay ka shaqaynaysay labadan wakaaladood ayaana sida ay warbaahintu sheegtay u fududaysay in ay xogo badan oo xasaasi ah hesho.

Markii warkan la baahiyey ayaa uu mar keliya xaalka Maraykanku cakirmay, rayulcaamkii ayaa doodo iyo muran aad u badani ka dhex abuurmeen. Dad badan oo Maraykan ah ayaa ku dooday in gabadhan xukun adag la mariyo maadaama oo ay tahay basaasad khiyaamaysay dalkii ay jinsiyaddiisa siyadatay. Laakiin dhinaca kalana dad badan ayaa ku dooday in Nada ay halyeey tahay, maadaama oo jinsiyadda uu Maraykan siiyey aanay ka tirtirin jacaylkii iyo daacadnimadii muwaadinnimo ee ay dalkeeda Lubnaan u haysay. In Nada ay ururiso xogta qorsheyaal Maraykanku la damacsanaa Xisbullaah kadibna ku wargeliso ururka Xisbullaah ayaa ay dad badani ka soo qaadeen in ay tahay calaamad muujinaysa in Nada ay tahay gabadh daacad ah oo dadkeeda uga digtay khatar kaga soo fool leh Maryakanka. Laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in dadka fikirkan dambe qabay ay ka mid ahaayeen qoraayo Maraykan ah oo aragtidooda la qaddariyo, inkasta oo ay sheekada u dhigayeen qaab dalkooda ka fogeynaya sumcad darrada ay arrintani ku keentay. Tusaale ahaan mid ka mid ah ayaa is weydiiyey, “Ka warrama haddii uu qofkani ahaan lahaa Maraykan jinsiyadda dawlad kalana sita, oo uu la kulmi lahaa mawqif la mid ah kan ay la kulantay gabadha reer Lubnaan ee Nada” Waxa uu qoraagani ku doodayey in qof kasta oo dal kale jinsiyaddiisa haystaa, haddana marka uu arko dalka uu jinsiyaddiisa haystay oo dhagar u maleegaya dalkii uu dhiiggiisu ka soo jeeday, in qofkaasi uu ku qasbanaanayo in uu dalkiisa iyo dabcan dadkiisa u qabto wax kasta oo uu filayo in dhibta soo gaadhaysa lagaga hortegi karo ama khasaaraheeda lagu yarayn karo.

Isaga oo qoraagani hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Markee ayaa uu ruuxaa Maraykanka ahi khaayin noqonayaa?!! Ma marka uu ka hor yimaaddo mu’aamarad ka dhan ah amniga iyo xasiloonida dalkiisii hooyo shacab iyo dawladba, mise marka uu dalkiisa iyo dadkiisii khiyaameeyo ee u soo raaco dal jinsiyad cusub siiyey?!”

Waxaa iyaguna jira dad kale oo sheekadan Nada marag uga dhigtay dood ay horeba u qabeen oo ahayd in sirdoonka Maraykanku uu intiisii hore aad uga daciifsan yahay, marka laga hadlayo la macaamilka dadka cusub ee doonaya in ay ku soo biiraan. Waxaa ka mid ah qoraayo Maraykan ah oo ku doodayey, “Nada waxa ay fashilisay ceebaha sirdoonka Maraykanka, ee la xidhiidha dhaliisha ka jirta qaabka ay u shaqaaleeyaan basaasiinta ka hawlgelaya goobaha aadka xasaasiga u ah” Mid ka mid ah qoraayadaas ayaana isagu ku sii fogaaday oo qoray, “Ha canaananina Nada .. nafihiina canaanta”

Xeerilaaliyaha guud ee Maraykanka oo markaas ahaa Istiifan Moorfi ayaa isaguna mar uu arrintan ka hadlay waxa uu yidhi, “Qadiyaddani waxa ay inoo sheegaysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo hannaanka ay hay’adaha sirdoonka iyo kuwa amnigu u qaataan shaqaalaha” Xeerilaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Ma jirto khatar ka weyn in qof shisheeye ahi uu dadaal u galo in uu jinsiyadda Maraykanka qaato, si uu uga hawlgalo hay’ad aad u xasaasi ah oo ka mid ah laamaha dawladda Maraykanka”

Iyada oo sida aynu dib ka arki doonno, baadhitaannada arrintani ay caddeeyeen in Nada ay marka horeba ku guulaysatay in ay khiyaamo samaysay Maraykanka oo sifo aan sharci saxa ahayn ay ku heshay jinsiyadda Maraykanka, ayaa xeerilaaliyaha guud ee magaalada Dhetroyt ee gobalka Meshigan, Istiifan Moorkhi oo isagu masuul ka ahaa dacwadda Nada, waxa uu yidhi, “Ma’ Jirto khatar amnigayaga kaga weyn in ruux shisheeye ahi uu ku guulaysto in uu been-abuur ku helo jinsiyadda Maraykan, kadibna uu shaqo ka helo hay’ado aad u khatar badan”

***

Waraaqo intii dacwaddu socotay si qarsoodi ah looga helay maxkamadda dacwaddan qaadday aya sheegay in Nada ay dalka Maraykanka markii ugu horreysay ku soo gashay dal-ku-galka waxbarashada sannadkii 1989 iyada oo ka timid dalka Lubnaan. Laakiin dib uma ay noqon markii ay dhacday muddadii dal-ku-galka waxbarashadu u ogolaa joogitaanka Maraykanka. Balse si ay u hesho degenaanshiyaha Maraykanka ee ‘Green Card’ loo yaqaanno ayaa ay guur been ah guursatay nin Maraykan ah oo lagu magacaabo Kiris.

Nada waxa ay shaqo mudalabnimo ka bilowday hudheelka La Shish Kabob qaybtiisa ku taallay magaalada ay deggenayd ee Dhetroyt. Hudheelkan oo ah laan ka tirsan hudheellada caanka ah ee sameeya cuntada Shish Kabaabka loo yaqaanno waxaa maamule ka ahayd Nada walaasheed, oo uu qabay Dalaal Khaliil Shaaheen oo ah ninka iska leh hudheellada La Shish Kabob.

Shaaheen (Nada Dumaashigeed) ayaa bartilmaameed u noqday waaxda dembi baadhista Maraykanka ee FBI kadib markii ay ku tuhmeen in lacag malaayiin doolar ah oo uu hudheelladan ka faa’ido uu u xawilo hay’ad samofal oo uu leeyahay ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan.

Sannadkii 2002 ayaa uu Shaaheen u safray dalka Lubnaan si uu uga qaybgalo xaflad qaadhaan ururin ahayd, waxa aanu hareer fadhiistay Maxamed Xuseen Fadlullaah oo ah Sheekh Marjac u ah Shiicada Lubnaan. Sannadkii 1983-kii qaraxii saldhiggii ciidamada badda ee Maraykanku ku lahaayeen magaalada Beyruut ee xarunta dalka Lubnaan kadib, ayaa uu Maraykanku Sheekh Fadlullaah ku daray liiska argagaxisada.

Xafladdan labadii qof ee ugu mudnaa dadkii muhiimka ahaa ee ka khudbadeeyey waxa ay ahaayeen Shaaheen iyo Sheekh Fadlullaah. Intii xafladdu socotayna waxaa la arkayey labadan nin oo sheeko gaar ahi dhex maraysay. FBI oo daba socota baadhitaannada la xidhiidhay shakiga ay ka qaadeen xidhiidhka Shaaheen iyo Xisbullaah ayaa sababay in maalin maalmaha ka mid ah ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee FBI xoog ku galeen guriga Shaaheen. Baadhistii guriga waxyaabihii ay FBI ku soo heshay waxaa ka mid ahaa sawir weyn oo guriga yaallay. Waxa sawirkan ku wada jiray Shaaheen iyo xaaskiisa Alfeyt Al-Acwar oo ah gabadhii aynu hore u soo sheegnay in ay walaalo yihiin Nada. Lammaanahani markii ay sawirkan galayeen waxa ay hortaagnaayeen saldhig ciidan oo uu leeyahay Xisbullaah. Goobta saldhiggani ku yaallaana waxa ay u ekeyd jiidda hore ee ciidamada Xisbullaah kaga jireen dagaalkii Xisbiga iyo Israa’iil. Weliba Shaaheen iyo xaaskiisu waxa ay si gaar ah u hoostaagnaayeen calanka xisbiga ee Huruudda midabkiisu yahay.

Baadhistankan ka hor oo ahayd sannadkii 2006 ayaa Alfeyt Al-Acwar lagu soo oogay dacwad lagu eedeeyey in aanay bixin cashuurihii runta ahaa ee ku waajibay. Markii maxkamadda la geeyeyna maba ay qarsan ee si buuxda ayaa ay uga hor qiratay garsoorka. Shaaheen oo odaygeeda ah, isna waxaa raadinayey garsoorka Maraykanka oo uu ugu eedaysnaa in uu argagaxiso xidhiidh la’ leeyahay. Laakiin waa ay ka waayeen gurigiisa iyo meheradihiisa gacansi, kadib ayaana ay maxkamaddu soo saartay warqad ay ku baafinayso. Sida ku cad dhukumantiyada baadhista ee FBI, Shaaheen waxa uu markan ku maqnaa dalalka Bariga dhexe.

Si kastaba ha ahaato ee qareenkiisa oo maxkamadda hor yimid ayaa Shaaheen si adag uga difaacay eedahaya loo soo jeediyey iyo in uu wax xidhiidh ah la leeyahay argagaxiso.

Nada markii dambe ee maxkamadda la saaray waxa ay qiratay in ay jinsiyadda Maraykanka ku heshay hab aan sharciga waafaqsanayn iyo in markii ay ka shaqaynaysay xafiiska baadhitaannada ee FBI ay heshay xogo aad u sir ah oo la xidhiidha Xisbullaah, kadibna ay u gudbisay. Nada waxa ay garsoorka hortiisa ka qiratay in basaasidda hay’adaha sirta ee Maraykanka aanay halkaas hore ku joojin, balse ay sii wadday xitaa markii dambe ee ay u wareegtay shaqada CIA oo sidii hore si la mid ah ay u heshay xogo aad u sir ahaa, una gudbisay Xisbullaah.

Dhowr fadhi oo ay maxkamaddu wadday dhegeysiga dacwaddan kadib, waxa ay aakhirkii soo saartay go’aankeeda oo noqday in Nada Nadiim oo markan 37 jir da’deedu ahayd ay xogo aad u sir ah oo dad kooban uun ogaan karaan heshay, kadibna u gudbisay ururka Xisbullaah. Waxa kale oo ay maxkamaddu ku heshay dembiga ah in ay nin Maraykan dhalashadiisu tahay siisay lacag laaluush ah si uu guur been ah u guursado, iyada oo ujeedadeedu ahayd keliya in ay hesho jinsiyadda dalka Maraykanka.

Maxkamaddu waxa ay Nada ku heshay dembi kale oo ahaa in sababta ay jinsiyadda Maraykanka u doonaysayba ahayd khiyaamo iyo in ay shaqo ka hesho hay’aha sirdoonka ee Maraykanka. Maxkamaddu waxa ay caddaysay in Nada ujeedada ay ka lahayd helitaanka jinsiyadda Maraykanku ay ahayd keliya in ay hesho hab ay kaga mid noqon karto basaasiinta wakaaladaha sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo FBI, waana ay ku guulaysatay qorshahaas.

Warmurtiyeed ay wasaaradda garsoorka ee dalka Maraykanku ka soo saartay Nada, waxa ay ku sheegtay in ganacsadaha asalkiisu reer Lubnaan yahay ee Khaliil Shaaheen oo ay u dhaxday Nada walaasheed uu Nada aad uga caawiyey shaqada basaasidda ah ee ay Maraykanka gudihiisa ka wadday. Shaaheen waxaa illaa hadda raadinaya garsoorka dalka Maraykanka oo ku haysta dacwado la xidhiidha in cashuurta aanu si habsami ah u bixin, in uu dalka ka waday hawlo khalkhal gelin kara ammaanka iyo in uu laaluush bixiyey.

Dawladda Maraykanku waxa ay aaminsan tahay in Shaaheen iyo xaaskiisa oo iyadana weli la raadinayaa ay ku nool yihiin dalka Lubnaan, gaar ahaan guriga Sheekh Maxamed Xuseen Fadlullaah oo dalka Maraykanku u aqoonsan yahay argagaxiso caalamiya.

Kongareeska Maraykanka ayaa ay gaadhay arrinta basaasnimada Nada iyo xidhiidhka qoyskeeda oo walaasheed iyo Shaaheen ahi la’ lahaayeen Xisbullaal. Intii Kongareeska Maraykanku uu ku hawlanaa qorshe uu doonayo in uu baadhis ku sameeyo warka sheegaya in Nada ay u shaqaynaysay ururka Xisbullaah. Waxaa mar keliya soo baxay war kale oo yaab leh.

Gabadh lagu magacaabo Laura oo ahayd xaaska uu markaas qabay Kiris oo ah ninkii sannadkii 1993-kii guurka beenta ah guursaday Nada ayaa hadashay oo caddaysay in ay wax ka og tahay sheekada guurkii hore u dhex maray saygeeda imika iyo basaasadda la qabtay ee Nada. Waxa ay sheegtay In Nada ay ka baxday heshiiskaas oo ay khiyaamaysay Kiriis, waayo ma’ay wada bixin lacagtii ay ku heshiiyeen, in ay bixiso marka guurkoodu dhammaystirmo ee jinsiyadda la siiyo.

Xaaskan dambe ee Kiris waxa ay sheegtay in odaygeedu xilligaas uu guurka beenta ah guursaday Nada ay da’diisu ahayd 24 sano oo keliya, shaqana aanu haynin. “Waxa uu ku noolaa guri dhaqaale xumo badani ka jirto. Mid ka mid ah saaxiibbadii ayaa baray gabadhan Lubnaaniyadda ah (Nada) oo ka codsatay in uu guursado, iyada oo weliba u ballanqaadday in ay laaluush siin doonto haddii uu guursado oo uu guurkaasi sabab u noqdo in ay jinsiyadda Maraykanka qaadato” sidaas ayaa ay sheegtay xaaska Kiris oo markaas ay Nada iyo ninkeedu guurka beenta ah is guursanayeen ay ka horreysay guurkii iyada iyo Kiris.

Waxaa xusid mudan in Nada markii ay guursatay Kiris aanay guri kula noolaan oo aanay sida xaas caadi ah u macaamilin.

Nada iyo Kiris waxa ay is guursadeen sannadkii 1993-kii isla sannadkii xigay oo ah 1994-kiina guurkan dartii ayaa ay ku heshay jinsiyadda Maraykanka, iyada oo sannadkii ku sii xigay ee 1995-kiina iska furtay Kiris.

Kiris oo hadda ku shaqaysta Nijaarnimo isla markii uu dhammaaday guurkaas beenta ahi waxa uu si rasmi ah u guursaday xaaskiisan uu hadda qabo, waxa aanay dhaleen afar carruur ah. Kiris xaaskiisu waxa ay sheegtay in markii ay guursanaysay Kiris iyo intii ay xaaska ahaayeen ba aanay waxba ka ogeyn qisada guurka hore ee odaygeeda iyo Nada. Balse ay warkan ku baraarugtay uun markii baadhayaasha FBI ay soo garaaceen albaabka gurigooda.

Xeerilaaliyaha guud ee degmada Dhetroyt oo dacwaddani ka dhacday, ayaa markii uu dacwadda ku soo oogayey Nada waxa uu sheegay in aanu wax dacwad ah oo la xidhiidha guurka been abuurka ah ku soo oogeyn ninkan Maraykanka ah ee Kiris. Isaga oo sababtana ku sheegay in Kiris uu kiiskan aad ugala shaqeeyey baadhayaasha, wax badan oo dacwaddan la xidhiidhana u fududeeyey iyo sababta labaad oo ah sida uu xeerilaaliyuhu sheegay, in sharciga Maraykanku uu dhigayo in aan qofka maxkamad lagu soo taagi karin dembiyada la midka ah kan uu Kiris galay (Guurka been abuurka ah), marka ay ka soo wareegto 10 sano iyo ka badan.

Booliiska Maraykanku waxa kale oo ay arrintan Nada u qabteen baadhis dheerna ku sameeyeen Andrew Cali oo isaguna ahaa nin ay hore isu guursadeen Nada, guurkii been abuurka ahaa kadib. Andrew Cali sannadkii 1997-kii ayaa uu Nada ku guursaday gobalka Pennsylvania oo ay degtay markii ay heshay jinsiyadda Maraykanka oo ay ka guurtay Mechigan. Mar dambe ayaa ay Nada iyo odaygeeda Andrew u sii guureen magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka, halkaas oo ay shaqo ka heshay Waaxda dembibaadhista Federaalka ee FBI.

Mar dambe ayaa ay kala tageen Andrew Cali iyo Nada, kadib waxa ay haddana guursatay nin kale oo lagu magacaabo Gordon Borooti oo ah ninka ay illaa hadda wada joogaan ee magaca qoyskiisana ay qaadatay (Nada Borooti). Nada waxa ay ninkan u dhashay wiil ay u bixisay Al-Acwar oo ah magaca awoow hore oo qoyska Nada uu ku abtirsado.

Nada saygeeda Gordon oo uu markii dambe booliisku qabtay si uu uga waraysto dhacdadan ayaa sheegay in aanu haba yaraato ee waxba ka ogeyn, wax dareen ah oo ka shaki geliya xaaskiisana aanu ka arag. Dhinaca kalana dadka deggen xaafadda ay magaalada Washington ka deggenaayeen Nada iyo odaygeedu ayaa sheegay in aanay wax dareen shaki ah abuuri kara ku arag qoyskan. Waraysiyo la’ la yeeshay ayaa ay ku sheegeen in Nada iyo Gordon ay ahaayeen lammaane aad u xasilloon, wax shaki keeni karana aanay mar keliya nolosha qoyskan ka arkin.

***

Basaasaddan Xisbullaah ku dhex beeray sirdoonka Maraykanku waxa ay fadeexad weyn u soo hoysay guud ahaan hay’adaha amniga iyo sirdoonka ee Maraykanka. In aan mar keliya laga shakiyin oo ay hawlaheeda basaasnimo muddadaas dheer wadatay, weliba ku guulaysatay in ay isaga gudubto shaqada labada hay’adood ee FBI iyo CIA ayaa ah ceeb aad u fool xun oo ku dhacday sirdoonka Maraykanka oo isku tiriya kuwa ugu fiican dunida oo dhan.

Majaladda Newsweek ayaa warbixintii ay sheekadna ka qortay waxa ay aad u naqdiday dareenka iyo feejignaanta sirdoonka Maraykanka iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxaa warbixinta majaladda ku jiray, “Waxaa muuqata in masuuliyiinta FBI iyo CIA ay mar keliya uun ku war heleen in Nada aanay ahayn qofkii ay moodayeen” taas oo macnaheedu yahay in xitaa aanu jirin dareen shaki ah oo keliya ka galay gabadhan. Majaladda oo qormadeeda soo baxday 27kii Noofambar 2007 cinwaan uga dhigtay, “Cilaaqaad khatar badan” waxa ay ku tidhi, “Nada waxa ay ku guulaysatay in ay masuuliyiinta sirdoonadeenna waayoaragga ah, moodsiiso in ay tahay qofkii ku habboonaa hawshan iyo shaqadan uu sirdoonku u baahan yahay. Waxyaabaha u fududeeyeyna waxaa ka mid ah, in ay ahayd gabadh aad u joog iyo dhaban qurux badan, garaadkeeduna aad u sarreeyo. Waxa ay ahayd gabadh furfuran oo aad u galangal badan, tilmaamahaas oo ka mid ah kuwa ay wakaaladaha sirdoonku sida gaarka ah xiiseeyaan marka ay basaas shaqaalaysiinayaan.

Nada si aftahannimo ah ayaa ay afka Carabiga ugu hadli jirtay, waxa aanay karti yaab leh u lahayd la qabsiga iyo la jaanqaadista shaqada sirdoonka Maraykanka. Nada waxa ay haysatay shahaado jaamacadeed oo ah xisaabiye sharci ah, taas oo u fududaysay in ay si fiican ula socon karto jidadka dhaqaaluhu marayo.

Wargeyska Newsweek waxa uu sheegay in markii hore ay Nada shaqada ka heshay xafiiska baadhista dembiyada ee FBI, waqtigaasina uu ahaa sannadkii 1999-kii. Waxa uu sheegay in FBI-du ay sannadkii 2003 Nada u dirtay dalka Ciraaq si ay uga qaybqaadato waraysiyadii la’ la yeelanayey maxaabiistii carabta ahaa ee ciidamada Maraykanka iyo xulafadiisu ay qabanayeen. Warbixitna Newsweek waxaa lagu sheegay in sirdoonnada Maraykanku ay la dhaceen shaqadii ay Nada ka soo qabatay halkaas. Kaalinta ay baadhitaannadaas ka qaadatayna ay noqotay mid ay aad u soo dhoweeyeen, taas oo sabab u noqotay in wakaaladda dhexe ee sirdoonka Maraykanku ay xiisayso in Nada ay iyadu la wareegto oo u shaqayso.

Bilo yar kadib markii ay Nada ka soo noqotay Ciraaq waxaa la wareegay wakaaladdan CIA-da oo durbadiiba u magacowday sarkaal si gaar ah loogu xilsaaray hawlaha sirta ah ee dhinaca baadhitaannada iyo waraysiyada la xidhiidha.

Marka laga warramayo qisada Nada waxyaabaha ugu yaabka badan waxaa ka mid ah, xogta uu ka qoray wargeyska Los Angeles Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka, oo isaga oo soo xiganahaya masuuliyiin sirdoon oo hore CIA uga tirsanaan jiray sheegay in sannadkii 2005-ta uu sirdoonku Nada la’ yeeshay waraysi laga qaaday iyada oo lagu rakibay mishiinka beenta fashiliya. Saraakiishan oo intii aanay hawlgabka noqon ay shaqada sirdoonka isku soo gaadheen Nada ayaa wargeyska u sheegay in ay CIA caado u tahay in muddadiiba mar saraakiisha xilalka xasaasiga ah haysa ama meelaha warka sirta culus ahi yaallo ka agdhow la mariyo waraysiyo lagu hubinayo daacadnimadooda iyada oo lagu rakibayo qalabka beenta fashiliya si loo hubiyo in ay run sheegayaan.

Waxa ay saraakiishani sheegeen in mishiinkii Nada lagu rakibay uu soo saaray ishaarooyinka sheega in qofkan la waraysanayaa uu been sheegayo, laakiin haddana saraakiisha CIA aanay arrintaasi shaki gelin, waxbana aanay u dhimin shaqadii iyo masuuliyadihii ay gabadhani ka haysay CIA-da.

Sababta ugu weyn ee keentay in CIA aanay rumaysan mishiinka beenta ayaa ah aaminsanaan marka horeba ay qabeen masuuliyiinta Maraykanka oo ahayd in qiyaastii rubuc saraakiisha CIA da ka tirsan gaar ahaan kuwa qoysaskoodu ay deggen yihiin dalal ka baxsan Maraykanka ay dhibaato weyni ka haysato in ay imtixaanka hubinta beenta gudbaan, laakiin haddana aanay arrintani saamayn ku yeelan oo siyaabo kale loo xalliyo.

-Waxa jira aaminsanaan ah in qofka u baqaya in qoyskiisa ay dhibaato ka soo gaadho shaqada uu hayo awgeed, ama qofka aan marka hore jara bixin ee ku cusub hawlaha sirdoonka lagu arko cabsi iyo xaalad nafsiya oo aan deggenayn, taasina ay keento in mishiinka beenta oo isagu dareennada noocan ah uun ka jawaabayaa uu u qaato in qofku been sheegayo, sidaa awgeed soo saaro natiijada ah in waraysiga laga qaaday aanu ka bixin jawaabo run ah.

– Waxaa iyaduna jirtay sabab kale oo laga yaabo in ay CIA ku kallifaysay in aanay rumaysan natiijada mishiinkooda oo ay iskaga sii adkaystaan shaqaalenimada Nada. Markan Mishiinka fashilinta beentu uu soo saarayey natiijada ah in Nada ay been sheegayso. CIA waxa ay ku jirtay xaalad ay baahi aan laga maarmi karin u qabto dad Afka Caraabiga ku hadli kara oo buuxiya kaalmaha tirada badan ee ka bannaan shaqada uu sirdoonka Maraykanku ka waday dalka Ciraaq ee uu markaas ka socday dagaalkii Maraykanku ku qaaday.

– Waxaa iyaduna jirtay in dad badadni aaminsanaayeen in is-dabagalka wakaaladda sirdoonka gudaheeda ah ee ay wakaaladda sirdoonku doonayso in ay ku ogaato, haddii ay jiraan basaasiin laba wejiile ah oo cid cadow ah u adeegaa, ay is-diiddooyin ka dhex abuuri karto wakaaladda gudaheeda. Isla markaana ay dhici karto in haddii masuuliyiinta sirdoonku ay waxoogaa ku talaxtagaan shakiga ah in basaasiin cid kale u shaqaysaa ay ku dhex ku jirto, ay taasi keeni karto kala shaki dhaawaca kalsoonidii ay shaqaalaha iyo masuuliyiinta kala duwan ee wakaaladdu ku wada shaqaynayeen.

– Waxa iyaduna ka mid ah sababaha Nada u sahlay in aan laga qaadin tallaabo ka jawaabaysa natiijada ka soo baxday baadhista mishiinkan, dood marka hore taagnayd oo sirdoonka Maraykanka ku naqdiyeysay in ay shuruud iyo habraac aad u dhib badan mariyaan dadka ay doonayaan in ay shaqaalaysiiyaan, taasina ay sababto in dad badan oo u shaqayn lahaa ay iskaga joogaan. Waxa ay dooddani sirdoonka ku dhaliilaysay in basaasiin badan oo afaf aan Ingiriisi ahayn garanaya oo caawin lahaa ay shaqadooda ka joogsadeen sababo la xidhiidha shuruudahaas adag awgeed. Dooddan oo taagnayd markii Nada baadhista lagu sameeyey ayaa sabab u noqotay in laga dabiciyo baadhista iyo shuruudaha kale ee la marin lahaa, isla markaana aan lagu go’aan qaadan natiijada uu mishiinka fashilinta beentu soo saaray.

Masuul ka mid ah ragga sirdoonka ka tirsanaan jiray ee u warramayey wargeyska Newsweek oo sheegayey aragtidooda la xidhiidha dabaca CIA u muujisay Nada ayaa yidhi, “Arrinta Nada Nadiim marka aan ka hadlayo, waxa aanu imika bilownay in aanu go’aansannay in aanu ka dabcinnay shuruudda iyo habraaca aanu marinnay, oo intii la rabay ka hooseeyey”

Nada Nadiim ma’ay ahayn markii ugu horreysay ee CIA iyo Xisbullaah midiba kan kale basaasay, laakiin markan waxa ay kaga duwan tahay kuwa kale in qisadu aanay sidii caadada ahaan jirtay ka dhicin gudaha Lubnaan, balse ay ka dhacday Maraykan gudihiisa oo weliba ah xarunta dhexe ee CIA, wakaaladda sirdoon ee dunida ugu weyn. Waa markii ugu horreysay taariikhda ee uu xisbullaah ku guulaystay in uu basaas u shaqeeya ku dhex beerto CIA. Dhammaad.

*Nada oo dhalatay sannadkii 1970 kii, waxa ay darajo sare ka gaadhay waaxda baadhista iyo ka hortagga argagaxisada ee CIA-da, waxa aanay ka shaqaysay kiisas aad u heersarreeya oo ay ka mid yihiin, baadhistii CIA da ee la xidhiidhay markabkii USS Cole ee lagu qarxiyey dekedda magaalada Cadan ee dalka Yemen, sida oo kale waxa ay ka mid ahayd saraakiishii CIA u dirtay magaalada Baqdaad xilligii uu socday dagaalkii Ciraaq.