Naas Nuujintu Waxa Ay Ilmaha Ka Ilaalisaa Qal-Qaallinimada, Dugsiga Barbaarinta Ee Ka Horreeya Waxbarashada Iyo Ciyaartuna Waxa Ay Dhisaan Maskaxda

0
639

dddWashington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in carruurta lixda bilood ee hore ee cimrigooda naaska si fiican loo jaqsiiyo ay aad ugu yar tahay in ay yeeshaan anshax xumo iyo qalqaalinnimo aan caadi ahayn oo carruurta qaar lagu arko inta ay da’doodu u dhexeyso 7 illaa 11 sano jirka. Cilmibaadhistan oo lagu sameeyey dalka Koonfur Afrika ayaa baadhis tijaabo ah laga qaaday in ka badan 1500 oo carruur caafimaadkoodu fiican yahay ah, 900 oo ka mid ahina naaska si fiican u jaqeen Lixdii bilood ee noloshooda u horreysay, waxa aana ka soo baxday in carruurta lixda bilood ee u horreeya dhalashadooda kadib si fiican naaska loo jaqsiiyo ay boqolkiiba 56 ku yar tahay in xilliga waxbarashada aasaasiga ah lagu arko anshax xumo, qalqaallinimo iyo hab-dhaqannada aan la jeclaysan ee carruurta qaar xilligan lagu arko.

Tomson Rochat oo ka tirsan golaha cilmibaadhista iyo sayniska aadamaha oo xaruntiisu tahay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika, maalgelintiisana ay bixiso dawladda Kanada ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Jaqsiinta dabiiciga ah ee ilmuhu waxa ay leedahay muhiimad aad uga weyn sidii aynu marka hore moodaynay, marka la eego faa’idada ay u leedahay dhinacyo badan oo ah koritaanka ilmaha”

Tomson Rochat waxa uu intaas ku sii daray, “Anashax darrada iyo qalqaallinimada carruurta qaar lagu arko ayaa inta badan keenta hab-dhaqan cadaawadi ku jirto oo ka hor imanaya hab-dhaqanka caadi ahaan bulshadaa lagu yaqaannay, waxa aanay arrintaasi saamayn ku yeelataa waxbarashada ilmaha iyo xidhiidhka uu faciisa la leeyahay, aakhirkana waxaa ka dhalan karta mushkilad la xidhiidha kalsoonida ilmuhu ku qabayo naftiisa oo daciifta iyo khalkhal dhinaca caafimaadka maskaxda ah. Waxa iyadana lagu arkaa in mustaqbalka uu ilmahaasi ku fashilmo xirfaddiisa shaqo”

Dhinaca kalana waxa ay daraasaddani muujisay in carruurta ugu yaraan hal sano oo dugsiga rasmiga ah ka horreysa ku soo qaata dugsiyada xannaanada ah (Kindergarten) ay fursad ka badan boqolkiiba 74 u leeyihiin in uu kor u kaco oo adkaado caafimaadkooda maskaxeed, dhugmadooda, feejignaanta iyo baraarugsanaanta maskaxdooda iyo sidoo kale in ay awoodi karaan xafidista iyo fulinta tilmaamaha iyo talooyinka ku hagaya guusha, arrimahaas oo ay xeeldheerayaashu sheegeen in ay maskaxdu u baahan tahay si ay uga badbaaddo maahista, maqnaanshiyaha iyo kala daadsanaanta una yeelato karti ay ku habaysato hawlaheeda shaqo kuna xakamayn karto doonista shakhsiga ah ee aadamaha.

Waxaa kale oo daraasaddan ka soo baxday in carruurta fursad u haysata in ay guriga ka helaan waxyaabaha maskaxda firfircooneeya ee ku qasba fikirka iyo rog-rogista sida qalabka carruurtu ku ciyaaraan, ay fursad weyn oo boqolkiiba 36 ah u haystaan in ay mustaqbalka noqdaan ubad maskaxdooda iyo awooddooda garasho aad u fiican tahay.

F.G: Anshax-darrada iyo khalkhalka hab-dhaqanka ilmuhu waa xanuun nafsi ah oo aanay inta badan Soomaalidu fahmin, waxa aanu ku dhacaa carruurta oo uu xumeeyo hab-dhaqankooda. Xanuunkani waa uu ka duwan yahay fudaydka iyo qalqaalinnimada caadiga ah ee carruurta qaar lagu arko, waxa aanu ku keenaa dabeecad cadaawadeed, fawdo, dagaal badan iyo in uu naftiisa ama dadka iyo xayawaanka haddido, in uu burburiyo hantida iyo alaabta guriga ama Iskuuka, been, xatooyo, waxbarashada oo uu ku liito ama naco, iyo marka uu weynaado oo lagu arko balwado aan fiicnayn, yaraan oo uu ku hammoodo, cadho joogto ah, muran soo noqnoqda, iyo mushkilado caafimaad oo nafsi ah, iwm.

Waalidka waxaa lagula talinayaa in haddii ay xaalado qalqaalinnimo iyo anshax darro oo aan caadi ahayn, oo muddado lix bilood ka badan socda ku arkaan ilmaha ay dhaqso ugu geeyaan dhakhtar nafsi ah oo dabiiba.