Muxuu Tabobare Zidane Ka Yidhi Guushii Ay Kooxdiisu Ku Hantiday Koobka Super Cupka?

Published on Aug 11 2016 // Ciyaaro, Columnists

downloadKooxda Real Madrid ayaa habeenimadii Arbacada ku guulaysatay Koobka Supper Cupka qaarada Yurub, taas oo xidigii Real Ahna tabobaraha kooxdaasi Zidane uu  xaqiijiyey koobkiisii labaad ee uu qaado mudo aad u kooban.

Hadaba Zinadene ayaana ka hadlay guushaasi, isagoo tilmaamay arimo badan oo ku duugnaa ciyaarta iyo sida ay u halgameen.

“Kubada cagta ma garan kartid siday wax u socdaan ama u dhacayaan, wanaag kasta, iyo farxad walba waxaa kasoo horeeya adayg badan, waanu ogayn inaanu halgami doono kulan adag ayuu ahaa, laakiin sidda lanagu yaqaano isma dhiibno marnaba, dedaal iyo karti ayay sameeyjeen laacibiinta kooxdu” Sidaas ayuu yidhi Zidane oo shir jaraa’id qabtay guushii koobkan kadib.

Dhanka kale Zidane ayaana Finalkan ku qaaday khibrad macalinimo oo lagu tilmaamay mid aad u sareysay isagoo  sameeyey wax in badan lagula yaabay bilawgii ciyaarta, waxaanu Ciyaar Fiinal ah Kusoo Bilawday Shaxdiisa Shan Ciyaaryahan oo Da,yar, halka Modric, James iyo Benzema uu bedelka dhigay. Balse  xidigahan ugu abaal Mariyay Bandhig Aad wanaagsanaa iyadoo ay guushu ku raacday Real Madrid 3-2.

Hadaba Zidane oo ka hadlay mustaqbalka iyo rajada laacibiinta da’da yare e kulankaasi uu safay waxa uu yidhi  “kooxda waxaa u soo baxay da;yar fiican sida Assensio waa xidig wayn halkan ayuu joogi doonaa, xirfadiisu way fiican tahay waanan safi doonaa”

Sidoo kale zidane ayaa wax laga waydiiyay go,aankii uu modric kaydka u geliyay isagoo ay ka maqan yihiin laacibiin badan oo muhiim u ahaa wuxuuna ku jawaabay sidan “ Luka Modric diyaar uma ahayn inuu ciyaaro 90 ka ama 120 ka minut sidaasi darteeda go,aan ayaan ka gaadhay inaan fadhiisiyo inta hore”

Dhanka kale Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa amaan balaadhan huwiyey kabtankiisa Sergio Ramos, kadib markii uu door saameyn leh ka qaatay guushii koobka UEFA Super Cup-ka. Tababare Zidane ayaa amaan u soo jeediyey kabtan Ramos oo laga diiday gool wakhtigii dheeriga ahaa.

 “Waa in aad ugu hambalyeysaa Sevilla ban-dhigoodii wanaagsanaa” ayuu yidhi Zidane, kaas oo noqday keliya tababarihii 5-aad ee qaada Super Cup-ka isaga oo ah ciyaar yahan iyo kaartiisteba.Ugu dambayn tabobare Zidane ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono guulaha kooxda Real Madrid ee uu la kowsaday, isagoo sheegay inay Halganka sii wadi doonaan.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!